Soomaali/Somaliska

Hagahaaga caafimaadka

Din guide till hälsa - somaliskaThe content concerns Östergötland

Hagahaaga caafimaadka

Visa innehåll som:
  • Jimicso/tabobaro oo dhaqdh

    Jidhkaaga iyo jidhkaaga dadka kaleba waxa loo sameeyey inuu dhaqdhaqaaq sameeyo. Markaad dhaqdhaqaaq sameyso ayaad ka sii firfircoonaan oo aad ka sii xoog badnaan. Markaad jimicsi sameyso, ayuu jidhkaagu firfircoon yahay. Waxaad jidh ahaan firfircoonaan kartaa maadaama oo aad rabto in xaaladaada guud ama awoodaadu ka sii wanaagsanaato Markasta waa ay wanaagsan tahay inaad dhaqdhaqaaq sameyso. Haddii aad dhaqdhaqaaq yar sameyso ama haddii aad dhaqdhaqaaq badan sameyso.

  • In wax la cuno si loogu helo caafimaad

    Waxa aad cunto, inta/qadarka aad cunto iyo inta jeer ee aad wax cunto ayaa saameeya sida aad dareemeyso Halkan ayaad ka akhri kartaa talo ku saabsan cuntada kuu wanaagsan si aad ugu caafimaad qabtid Waxa ay taladu ku haboon tahay dadka waaweyn badidooda. Haddii aad jiran tahay ayaad talo nooc kale ah u baahan tahay.

  • Walwalka/Istreeska

    Jidhkaaga ayuu walwal/istarees gali karaa marka uu cadaadis jidh ahaaneed iyo mid maskax ahaaneed jiro. Tusaale ahaan, markaad xoog u orodo, aad xanaaqdo ama aad wax badan qabaneyso.

  • Hurdada

    Waxaad u baahan tahay inaad seexato si jidhkaaga iyo maskaxdaadu ugu nastaan. In la seexdo ayaa jidhka ka caawisa inuu caafimaad qabo.

  • Waxqabad samee

    Markaad firfircoon tahay ee aad wax sameyso ayay keeni kartaa inaad ka faraxsanaato oo aad u aragto inay ka fududey in la sameeyo waxyaalo nolosha adag.

  • Tubaakada

    Sigaarka iyo buuriga waxa ku jira nikotiin. Nikotiinku waxa weeye sun ay aad u fududey in la qabatimo. Waxa ay Nikotiintu saameeyaa maskaxda si ay ugu xaraarooto inaad sigaar cabto ama buuri cuntid.

  • Khamriga

    Khamriga ayaan marnaba jidhkaaga u wanaagsaneyn. Taasi ayaa sidaas ah xitaa haddii aad khamri yar uun cabto. Waa in aanad waligaa khamri cabbin haddii aad uur leedahay.

  • In galmo ahaan la caafimaad qabo

    In galmo ahaan la caafimaad qabo ayaa waxyaabo badan khuseysa. Waxay noqon kartaa inaad sidaad rabto u noolaato. Waxay sidoo kale noqon kartaa in wakhti fiican dadka kale dad ah oo kale.

  • Ilkaha

    Ilkahaagu ayaa sida uu caafimaadkaagu yahay siyaabo kala duwan u saameeya. Waxay ilkuhu ku saameeyaan markaad wax cunayso iyo markaad dadka kale la hadlayso.

  • KU DARSO CAADO U ROON

    In la qoro qorshe ku saabsan caadada aad r abto inaad bedesho. Waxaad sidoo kale qorshaha ku qori kartaa sida aad u bedeli doonto caadada iyo iyo marka aad taas samaynayso.

To the top of the page