Hagahaaga caafimaadka

Walwalka/Istreeska

Stress - somaliskaThe content concerns Östergötland

Haddii walwalku mudo gaaban uun ku hayo
ayaanu walwalku wax khatar ah jidhkaaga u laheyn.
Waxaad xanuunsan kartaa haddii uu wakhti dheer walwalku ku hayo oo aanad
si wanaagsan u seexan, nasan ama aanad samenin waxyaalaha
aad dareemeyso inay kuu wanaagsan yihiin.
Markaas ayaad raadsan kartaa daryeel caafimaad
si aad caawimo ugu hesho.

Waxyaalahan ayaa walwal ku galin kara:

Waxyaabo kala duwan ayay dadkau walwal ka qaadaan/galiya.
Dad badan ayaa walwal qaada marka ay waxyaabo badan oo shaqada ama hawlaha guriga qabtaan.
Dadku waxay walwal ka qaadi karaan haddii ay waxbadan iska filanayaan iyaga naftooda ama Haddii ay dareemaan inay dadka kale iyaga wax badan ka filanayaan.

Taloda lagu siinaayo si aanad walwal badan iskugu galin:

  • Biririf/Nasasho u kala dhexeysii waxqabadyada kala
    duwan.
  • Dareen/ogow waxyaalaha walwalka ku galiya.
    Ka fikir haddii ay jidhkaaga ku yimaadeen
    waxyaalo calaamad u noqon kara inuu walwal ku hayo.
    Waxa inuu walwal ku hayo tusaale ahaan calaamad u noqon
    kara inay kugu adag tahay inaad is dajiso, inaad wadne garaac
    yeelato ama inaad dhibaato xaga xusuusta yeelato.
  • Maalin kasta dhaqdhaqaaq samee.
  • Waxaad bogga 1177.se ku yaal jimicsiyo
    maskaxda oo la dejiyo taas oo aad adigu samayn karto.
    Maskaxda oo la dejiyo waa jimicsi halkaas oo aad tabobar
    ku sameynayso
    inaad waxa hadda jooga ka fikirirto oo aanad ka fikirin
    waxyaalaha dhacay ama dhici doona.

Haddii aad caawimo uga baahan tahay inaanad walwal is
galin ayaad caawimo ka heli kartaa xaruntaada caafimaadka.
Waxa tusaale ahaan jira daawayn dhijitaal ah oo aad ku
sameyn karto kombiyuuterka, tablet-ka ama
telefoonka gacanta.
Waxa daawaynta dhijitaalka ah loo yaqaanaa Stresshjälpen
iyo Livsbalansen.

To the top of the page