Hagahaaga caafimaadka

Ilkaha

Tänder - somaliskaThe content concerns Östergötland

Ilkahaagu ayaa sida uu caafimaadkaagu yahay siyaabo kala duwan u saameeya. Waxay ilkuhu ku saameeyaan markaad wax cunayso iyo markaad dadka kale la hadlayso.

Ilkaha ayaa aad kuu xanuuni doona haddii aanad
si wanaagsan u daryeelin.
Cudurada ilkahaaga ku dhaca ayaa saameyn ku yeelan kara caafimaadka jidhkaaga.
Haddii ay bakteeriya ciridka kaaga jirto ayay u wareegi karaan qeybaha kale ee jidhka.
Tusaale ahaan wadnaha iyo xididada dhiiga.

  • Laba daqiiqo cadey ilkahaaga subax kasta iyo
    habeen kasta.
  • Isticmaal daawada cadayga oo ay maadada fluoride ku jirto iyo dunta ilkaha lagu nadiifiyo.
  • Ilkaha u ogolow inay nastaan inta u dhaxaysa wakhtiyada aad cuntada cunayso.
  • Isku day in aanad cunin cunto iyo cabbinaan ay sonkor ku jirto.
    Waxay gaar ahaan muhiim ah inaanad cabbin cabitaannada tamarta ee macaanka iyo dhanaankaba leh.
  • Haddii aad haraadan tahay cab biyo!
    Waxa dadka qaarkood afkooda ku jira bakteeriya keenta inay daldalool ilkaha ah yeeshaan.
    Dadka bakteeriya noocaas ah qaba ayaa
    dhakhtarka ilkaha marar ka badan u tagi kara.
    Halkaas ayay dadku caawimo ka heli karaan si ay ilkahooda ugu nadiifiyaan oo ay
    fluoride dheeraad ah oo ilkaha ilaalisa ugu helaan.

Waxa bogga 1177.se aad ka akhrisan kartaa warbixin dheeraad ah oo ku saabsan habka ugu fiican ee aad ugu daryeelayso ilkahaaga.
Waxaad talo ku saabsan daryeelka ilkahaaga ka helaysaa cinwaanka 1177.se/sa-haller-du-tanderna-rena/
Bogga ayaan af Iswiidhish fudud ku qorneyn.

To the top of the page