Hagahaaga caafimaadka

Waxqabad samee

Gör en aktivitet - somaliskaThe content concerns Östergötland

Markaad firfircoon tahay ee aad wax sameyso ayay keeni kartaa inaad ka faraxsanaato oo aad u aragto inay ka fududey in la sameeyo waxyaalo nolosha adag.

Waxay sidoo kale gacan ka geysan doontaa inaan xoog loo dareemin haddii aad walwalsan tahay ama murugaysan tahay.
Kuwani waa qaar ka mid ah siyaabaha kala duwan ee aad ku firfircoon karto:

  • Soo socsoco ama ka qeybqaado xiisad jimicsi ah.
  • Koox la samee qoob ka ciyaar ama la heesta.
  • Cid la hadal.
  • Wax sawir ama shax (pussel) isku xidhxidh.
  • Buug akhri ama xalli halxiraalaha ereyada xali.
  • Samee tabobarka yoga-da, dejinaya maskaxda ama

Waxqabad wadajir ula samee dadka kale

Waa waxa wanaagsan in dadka kale lala kulmo oo
iyaga wadajir wax lala sameeyo.
Dad badan ayaa tusaale ahaan ku caafimaada inay koox ka tirsanaadaan ama urur halkaas oo dadku wax wada xiiseeyaan.
Dadka is yaqaana ee waxqabad wada sameeya ayaa
sidoo kale waxyaalo kale iska caawin kara.
Tusaale ahaan, in la taageero marka uu qof murugaysan yahay.

Talooyin khuseeya waxqabadyada lala sameeyo dadka kale:

  • La kulan asxaabta iyo qoyska haddii aad awoodi karto.
  • Akhri buugaag oo kadibna buugga uga sheekee kooxo
    dad ah oo kale.
  • Waxqabad wadajir ula samee dadka kale ee aad la degan tahay.
  • Urur/jaaliyad ku biir.

Wax kuu muhiim ah samee

Markaad sameyso wax aad u is leedahay
waa muhiim oo xiiso leh ayay kaa caawin kartaa
inaad dareento inay nolosha oo dhami micno ka weyn leedahay oo ay muhiim tahay.
Markaad ku guulaysato inaad wax kugu adkaa sameyso
ayaad ka dib wax aad u fiicnaan dareentaa.
Haddii aad dadka kale caawiso ayay taasi keeni kartaa
inay taasi adiga iyo dadka kaleba farxad galiso.

Talooyin ku saabsan waxqabadyada adiga iyo dadka kaleba muhiimka u noqon kara:

  • Aad koorso oo
    wax cusub baro.
  • Deriska caawi ama
    ka shaqee wax dadka kale caawiya.
  • Samee waxqabad kugu adag balse aad sameyn karto.
To the top of the page