Hagahaaga caafimaadka

In galmo ahaan la caafimaad qabo

Att må sexuellt bra - somaliskaThe content concerns Östergötland

In galmo ahaan la caafimaad qabo ayaa waxyaabo badan khuseysa. Waxay noqon kartaa inaad sidaad rabto u noolaato. Waxay sidoo kale noqon kartaa in wakhti fiican dadka kale dad ah oo kale.

Waxa dhib yaraan karta in galmo ahaan la caafimaad qabo haddii la yaqaano sida uu jirku u shaqeeyo.
Waxa muhiim inaad garaneyso waxa aad rabto iyo waxa aanad rabin markaad galmo samaynayso.
Waxa sidoo kale muhiim ah in aad garaneyso waxa uu qofku aad galmo la sameynayso uu rabo iyo waxa uuna rabin.
Haddii aad is dhegaysataan oo aad ka wada hadashaan waxa aad rabtaan iyo waxa aydaan rabin ayay fududaan doontaa in la sameeyo galmo ammaan ah.
Haddii ay dadku is dhageysanaa oo ay wada hadlaan, ayay sidoo kale garanayaan inaan qofna laguma qasbin inuu samee wax uusan qofka kale rabin.
Haddii aad dhibaatooyin xagga galmada ah leedahay ama aad rabto inaad wax badan ka barato sida aad galmo ahaan wax wanaagsan ugu dareemi laheyd ayay tahay inaad caawimo raadsato.

Waxyaalahan ayaa muhiim ah inaad galmo ahaan caafimaad qabto:

  • Inaad go'aansato oo aad dhiibto sharaxdo waxa
    galmadaada ah.
  • In aad go'aamiso haddii aad galmo rabto iyo
    qofka aad rabto in aad galmo la samayso.
  • In aad go'aamiso haddii aad carruur rabto iyo
    inta carruur ah ee ayaad rabto.
  • In aad wax badan ka barato galmada, kacsiga iyo
    sida uu jirku u shaqeeyo.
  • In aad wax ka barato cudurada oo aad iska ilaaliso cudurada galmada lagu kala qaadi karo.

Halkan ayaad caawimo ka helaysaa:

  • Xarunta caafimaadka ee Vårdcentralen Tannefors ee ku taala Linköping ayaa waxa ku yaala rug qaabilsan talobixinta galmada.
    Dhammaan dadka waaweyn ee Östergötland degan ayaa halkaas caawimo ka raadsan kara.
  • Caafimaadka haweenka. Waa rug caafimaad oo dumarka oo kaliya loogu talagalay
    Waxay caafimaadka haweenka ay tusaale ahaan ku caawinaysaa markaad uurka leedahay ama
    markaad ka hortaga uurka u baahan tahay
  • Ungdomsmottagningen. Waa rug loogu talagalay
    qofka 13 ilaa 25 sano jir u dhaxeeya.
    Waxay ungdomsmottagningar ku taalaa
    Linköping, Norrköping, Motala iyo meelo badan
    oo magaalooyinka yaryar ee gobolka ka tirsan ah.
    Waxa bogga 1177.se aad ka akhrisan kartaa war dheeraad ahoo ku saabsan in galmo ahaan la caafimaad qabo.
    Waxaad talo ka helaysaa cinwaanka 1177.se/sexuell-halsa Bogga ayaan af Iswiidhish fudud ku qorneyn.
To the top of the page