Hagahaaga caafimaadka

Jimicso/tabobaro oo dhaqdh

Fysisk aktivitet - somaliskaThe content concerns Östergötland

Jidhkaaga iyo jidhkaaga dadka kaleba waxa loo sameeyey inuu dhaqdhaqaaq sameeyo. Markaad dhaqdhaqaaq sameyso ayaad ka sii firfircoonaan oo aad ka sii xoog badnaan. Markaad jimicsi sameyso, ayuu jidhkaagu firfircoon yahay. Waxaad jidh ahaan firfircoonaan kartaa maadaama oo aad rabto in xaaladaada guud ama awoodaadu ka sii wanaagsanaato Markasta waa ay wanaagsan tahay inaad dhaqdhaqaaq sameyso. Haddii aad dhaqdhaqaaq yar sameyso ama haddii aad dhaqdhaqaaq badan sameyso.

Waxqabadka jidhka oo ilaa heerkan ah ayaa wanaagsan:

  • Waxa wanaagsan haddii aad sameyso waxqabad
    jidhka oo kor u qaadaaya neefsashadaada iyo garaaca wadnaha.
  • Tusaale ahaan inaad lugeyso, wax masaxaada
    ama marka beerta laga shaqeynaayo.
  • Waa inaad taas samayso ugu yaraan laba
    saacadood iyo badh todobaad walba.
  • Haddii aad dooneyso inaad tobobar ka sii adag sameyso ayaad sameyn kartaa waxqabadka jidhka oo xoog kor ugu qaadaaya neefsashadaada iyo garaaca wadnaha.
    Tusaale ahaan inaad orod ama nooc ka mid ah isboortiyada kubbadda sameyso.
    Taas waa inaad samayso ugu yaraan saacad iyo rubuc todobaad walba.

Waxyaalahan ayaa sidoo kale wanaagsan inaad sameeyo:

  • Samee waxqabad muruqyadaada adkeynaaya.
    Waxaad taas sameynaysa ugu yaraan laba jeer todobaad walba.
  • Tabobar ku samee dheelitirkaaga.
    Waxay tani khaasatan muhiim tahay haddii aad tahay 65 sano jir ama wax ka weyn.

Waa in aanad muddo dheer meel fadhiyin Waxa wanaagsan
haddii aad waxooga ka yara nasato/biririf ka qaadato fadhiga oo
aad nususaaci kasta dhaqaaq sameyso haddii aad waxbadan
fadhido.

Waxyaalahani waa waxqabad jidhka oo adiga kuu wanaagsan:

  • Wadnaha iyo jidhka ayaa wax ka badan awooda.
  • Maskaxdu si ka fiican ayay u shaqeysaa.
  • Si ka fiican ayaad u seexanaysaa.
  • Waxaad dareemeysaa inaad ka faraxsan tahay.
  • Ma noqonaysid qof si dhibyar walwal/istarees u dareema.

Waxqabadka jidhka ayaa sidoo kale gacan ka geysan doona si
aanad si dhibyar ugu murugoon ama aanad ugu yeelan xanuunada
diiqa.

Waxaad heli kartaa caawimo haddii aad u aragto in ay adag tahay in dhaqdhaqaaq la sameeyo.

Dadka ka shaqeeya meesha aad daryeelka ka helayso ayaa
ku siin kara warqad ay ku yaalaan yihiin waxqabadyada jidhku.
Dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka ayaa kaa caawin kara
inaad hesho waxqabad jidhka oo kugu haboon
Waxqabadka jidhka ayaa wanaagsan marka aad tusaale ahaan
qabtid mid ka mid ah xanuunada diiqa, dhiig karka ama ama
macaanka nooca 2 iyo wadne xanuun ama lafo xanuunka.

Waxqabadka jidhka ayaa sidoo kale cayilka/baruurta u wanaagsanaan
kara.

To the top of the page