Hagahaaga caafimaadka

In wax la cuno si loogu helo caafimaad

Äta för att må bra - somaliskaThe content concerns Östergötland

Waxa aad cunto, inta/qadarka aad cunto iyo inta jeer ee aad wax cunto ayaa saameeya sida aad dareemeyso Halkan ayaad ka akhri kartaa talo ku saabsan cuntada kuu wanaagsan si aad ugu caafimaad qabtid Waxa ay taladu ku haboon tahay dadka waaweyn badidooda. Haddii aad jiran tahay ayaad talo nooc kale ah u baahan tahay.

Haddii aad bedesho mid ka mid ah caadooyinkaaga cuntada ee aan fiicnayn ayay door wayn ka ciyaari doontaa sida uu caafimaadkaagu yahay.

Taloda ku saabsan cuntada si caafimaad loogu helo:

  • Ugu yaraan cun nus kiilo khudaar iyo khudrada cagaara ah maalin kasta.
  • Cun kaluun ama xawayaanka badda ku jira laba ama saddex jeer toddobaadkii.
  • Cun cuntooyinka uu qabadinka qalkii leh ku jiro.
  • Isticmaal saliid halkii aad subag ka isticmaali laheyd.
  • Ha cunin wax ka badan nus kiilo hilib cas ah todobaadkii.
  • Waxa la doorbidayaa in aanad cunin cuntooyinka milixda iyo sonkorta ku badan tahay.
  • Wax cun qiyaas ahaan wakhti isku mid ah maalin kasta.
  • Dooro cunto uu baakadeeda ku yaalo sawirka dalool fure ahi.

Waxa uu daloolka furaha ah macnihiisu yahay inay cuntadu ku jirto sonkor iyo milix yar, iyadoo ay ku badan tahay qabadin qalkii leh iyo fiber oo lehna dufan yar ama dufan ka faa'iido badan.

Haddii aad leedahay caadooyin wanaagsan oo waxaad
cuneyso iyo sidaad u cuneyso ah ayay gacan ka geysan
doontaa in aanad si dhibyar cudurada qaar ugu yeelan.
Waa cudurro ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiiga,
sonkorowga/macaanka nooca 2 iyo noocyo kansarka ka
mid ah.
Haddii aad leedahay caadooyin wanaagsan oo waxaad
cuneyso ah iyo sida aad u cuneyso ayay gacan ka geysan
doonta in aanad miisaan badan y eelan.

Halkan ayaad caawimo ka heli kar taa haddii aad rabto in lagaa caawiyo inaad bedesho waxa aad cune yso iyo sida aad u cuneyso:

  • La xidhiidhi xaruntaada caafimaadka.
  • Waxa bogga 1177.se aad ka heli kar taa talo dheeraad
    ah.
    Isticmaal bogga 1177.se/ata-sunt si aad ugu tagtid
    bogga saxda ah ee internetka.
    Bogga ayaan af Iswiidhish fudud ku qorne yn.
  • Waxa bogga internetka ee livsmedelsverket.se ku yaal
    bog loo yaqaano Matvanekollen.
    Matvanekollen ayaad ka arki kartaa haddii waxa aad
    cuneysaa ay wanaagsan yihiin oo ay caafimaadkaaga u
    roon yihiin.
To the top of the page