Hagahaaga caafimaadka

Tubaakada

Tobak - somaliskaThe content concerns Östergötland

Sigaarka iyo buuriga waxa ku jira nikotiin. Nikotiinku waxa weeye sun ay aad u fududey in la qabatimo. Waxa ay Nikotiintu saameeyaa maskaxda si ay ugu xaraarooto inaad sigaar cabto ama buuri cuntid.

Waxa uu cabitaanka sigaarku kor u sii qaadaa khatarta cudurada qaar.
Cudurada kansarka, xiiqda, caabuqa sambabada,
cudurka sambabada ee loo yaqaano kol, cudurka keena inay nudaha sanbabadu xidhmaan iyo
cudurada wadnaha iyo xididada dhiiga,
Cabitaanka sigaarka ayaa sidoo kale kor u sii qaada khatarta
cudurada roomatiisamka, sonkorowga/macaanka nooca 2 iyo lafaha oo khafiif ku noqda.
Waxa ugu wanaagsan ee aad jidhkaaga u samayn karto si aad u roonaato waa in aanad sigaar cabin ama buuri cunin.
Haddii aanad joojin karin inaad sigaar cabto ama buuri cunto ayaad dhimi kartaa cabitaanka sigaarka ama cunista buuriga.
Haddii qalliin laguu sameynaayo waa in aanad sigaar cabin ama buuri cunin afar toddobaad ka hor iyo afar toddobaad ka dib qalliinka.
Waa in aanad sigaar cabin ama buuri cunin haddii aad uur leedahay ama naas nuujineyso.

Sidan ayaa caawimo u heli kartaa inaad joojiso cabitaanka sigaarka ama cunista buuriga:

Qofku ayaa caawimo ku siin kara haddii aad rabto inaad joojiso
cabitaanka sigaarka ama cunista buuriga.
Waxa qofka loogu yaqaanaa tubaako ka joojiyaha.
Waxa uu tusaale ahaan tubaak ka joojiyahu ka shaqeeyaa
khadka joojinta sigaarka.
Waxa aad khadka joojinta sigaarka ula xidhiidhi kartaa siyaabo
kala duwan.
Waxaad wici kartaa lambarka telefoonka ee 020-84 00 00.
Waxaad soo gali kartaa bogga internetka ee slutarokalinjen.se.
Wax lacag ah lama bixinaayo in caawimo laga helo khadka
joojinta sigaarka.

Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa xaruntaada caafimaadka
haddii aad rabto inaad caawimo ka hesho joojinta cabitaanka
sigaarka ama cunista buuriga.
Waxa sidoo kale xarunta ka shaqeeyaan tubaako ka joojiye.
Tubaako ka joojiyaha ayaa sidoo kale jooga ungdomsmottagningen
iyo Folktandvården.
Ungdomsmottagningen waxa weeye rug u gaar ah oo loogu
talagalay qofka 13 ilaa 25 sano jir u dhaxeeya.

Waxa jira daawayn dhijitaal ah oo aad sameyn karto idigoo
moobaylka telefoonka gacanta isticmaalaaya.
Waxa daawaynta dhijitaalka ah loo yaqaanaa Tobakshjälpen.
Waxaad Tobakshjälpen la xidhiidhi kartaa adiga oo sms ay ku
qoran tahay ereyga FRI u diraaya lambarka telefoonka ee 070-
195 89 19.

To the top of the page