Hagahaaga caafimaadka

Khamriga

Alkohol - somaliskaThe content concerns Östergötland

Khamriga ayaan marnaba jidhkaaga u wanaagsaneyn. Taasi ayaa sidaas ah xitaa haddii aad khamri yar uun cabto. Waa in aanad waligaa khamri cabbin haddii aad uur leedahay.

Haddii aad qaliin sameynayso ayay fiican tahay in aanad khamri cabin muddo afar todobaad qaliinka ka hor ah.
Waxaan sidoo kale habooneyn in khamri la cabo afar todobaad qaliinka ka dib.
Waa in aanad khamri cabbin haddii aad xanuun beerka qabtid, aad leedahay qof qaraabo ah oo khariga balwad u leh ama haddii aad balwad khamri ama daroogo kale u laheyd.

Xitaa haddii aad khamri yar uun cabto ayuu kaasi keenaa in qiyaastaadu ka sii xumaato, waxaad yeelan doontaa inay xusuustaadu hoos u dhacdo iyo
iyada oo ay wax ka falcelintaadu daahdo.
Waxa uu khamrigu dadka u fududeeyaa inay
qaadaan cudurada diiqa, kansarka iyo caabuqa.
Waxa sidoo kale kuu fududaaneysa inuu shil kugu dhaco oo aad bilowdo inaad dadka kale la dagaalanto marka khamriga soo cabtid.

Sidan ayaa caawimo ugu heli kar taa inaad caadooyinkaaga cabitaanka khamriga joojiso:

  • Waxa bogga 1177.se aad ka akhrisan kar taa waxa aad adigu
    sameyn karto si aad caadooyinkaaga khamriga wax uga bedesho.
  • Ka akhriso bogga alkoholhjalpen.se.
  • Ka wac Alkohollinjen lambarka telefoonka ee 020-84 44 48.
  • La xidhiidhi xaruntaada caafimaadka.
  • La xidhiidh rugta dadka balwada leh.
  • La xidhiidh adeegga bulshada ee degmada aad ku nooshaha y.
  • La xidhiidh urur khamrada ka shaqeeya
    Tusaale ahaan Al-anon iyo Alateen ama
    Anonyma alkoholister.
  • La xidhiidh Företagshälsovården (Daryeelka caafimaadka shaqadu)
    ee meesha aad ka shaqeyso.
    Företagshälsovården waa daryeel aad ka helayso shirkadda aad u
    shaqeyso.
To the top of the page