Hagahaaga caafimaadka

Hurdada

Sömn - somaliskaThe content concerns Östergötland

Waxaad u baahan tahay inaad seexato si jidhkaaga iyo maskaxdaadu ugu nastaan. In la seexdo ayaa jidhka ka caawisa inuu caafimaad qabo.

Waxay dadka waaweyni u baahan yihiin inay inta u dhaxaysa lix iyo sagaal saacadood seexdaan habeen walba.
Waxa ay dadka kala duwani u baahan yihiin inay si wakhtiyo kala badan seexdaan.
Waxaad hurdo kugu filan seexatay haddii
aad maalintii firfircoon tahay oo aad dareemeyso inaad caafimaad qabto.
Haddii aad hurdo kugu filan seexato ayay taasi kaa caawinaysaa
inaanad si dhibyar jirooyinka.cudurada qaarkood ugu qaadin.
Tusaale ahaan cudurada wadnaha iyo xididada dhiiga,
dufanka dhiigga ku sameysma, macaanka nooca 2-aad, diiiqa iyo
daal badan oo awood la'aanta la dareemaayo.

Talooyinka la isa siinaayo si wax ka wanaagsan loogu seexdo:

  • Dhaqdhaqaaq samee maalin kasta.
  • Biririf/Nasasho u kala dhexeysii.
  • Isku day inaad miisaanka dhinto haddii aad khuuriso.
  • Inta aanad sariirta tagin si aad u seexato samee
    kaliya dhaqdhaqaaqyo la isku dejinaayo
  • Xilliga fiidkii ha cabbin qaxwe ama khamriga hana
    cabin sigaar ama buuri ha cunin xilliga fiidkii.
  • Ha eegin telefoonka gacanta, tablet-ka,
    kumbiyuutarka ama tv-ga ka hor inta aanad seexan
    ama haddii aad habeenkii soo t oosto.

Haddii aad caawimo uga baahan taha y inaad bedesho
caadooyinka aad ka leedahay hurdadaada ayaad caawimo
ka heli kartaa xaruntaada caafimaadka.
Waxa tusaale ahaan jira daawayn dhijitaal ahaaneed
oo aad ku sameyn karto aidgoo isticmaalaaya kombiyuuterka,
tablet-ka ama telefoonka gacanta.
Waxa daawaynta dhijitaalka ah loo yaqaanaa Sovhjälpen.
Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kar taa la taliye ama
dhakhtarka cilminafsiga ee jooga xarunta caafimaadka.

To the top of the page