Miyaad uur leedahay mise dhawaan ayaad ilmo dhashay? Rayigaaga/Ereygaaga ka dhiibo
Gravid eller nyss fött barn? Gör din röst hörd - somaliskaSoo gal oo macluumaadkaaga xiriirka ku qor/buuxi si aad uga qeybqaadato. Qeyb kasta oo rayi ururinta ka mid ahi waxay si loga jawaabo qiyaas ahaan qaadaneysaa shan daqiiqo.
Ayaa rayi ururinta ka jawaabi kara?
Rayi ururinta waxa loo kala qeybiyey seddex xilli/muddo. Qeyb kasta mar ayaad ka jawaabi doontaa. Waxaad rayi ururinta ku heli doontaa emayl ahaan salladaada fariimahu kuugu soo dhacaan bogga 1177.se haddii mid kuwan ka mid ahi uu kugu haboon yahay:
- Waxaad ku jirtaa todobaadka 25aad ee uurka.
- Waxaad ilmo dhashay/umushay sideed todobaad ka hor.
- Waxaad ilmo dhashay/umushay hal sano ka hor.
Waxa Emaylka ku jira linki aad gujin karto oo xambaarsan qeybta ay rayi ururintu khuseyso ah. Waxaad ka jawaabi kartaa qeyb kasta, laakiin taasi qasab ma aha. Qofka ku jira todobaadka 25aad ee uurka ayaa heli doona dhammaan qeybaha waxaanad dooran kartaa inaad ka jawaabto mid ama wax ka badan.
Si aad foomka u hesho waa inaad soo gashay oo aad ku qortaa/buuxisay macluumaadkaaga xiriirka.
Maxaan sameeyaa si aan uga jawaabo?
- Soo gal 1177.se.
- Tag goobta inställningar oo ku buuxi e-maylka ama lambarka moobaylka.
- Dooro haddii aad rabto in lagugula soo xiriiro emayl ama sms ahaan.
- Guji "aviseringar" markaas ayaad heli doontaa xusuusin marka rayi ururinta laguu soo diro.
Markaad ra'yi ururinta hesho, ayaad haysataa lix toddobaad si aad uga jawaabto.
Su'aalo noocee ah ayaa rayi ururinta la isku weydiinayaa?
Waxaad heli doontaa su'aalo ku saabsan khibraddaada iyo dareenkaaga ku aaddan daryeelka. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa su'aalo ku saabsan sida aad u arkeysay/maleysay inay umulisada iyo shaqaalaha kale ay kula dhaqmeen.
Waxaad sidoo kale ka jawaabi kartaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga. Tusaale ahaan, sidaad adigu dareemeysay xilligaad uurka lahayd ama dhalmada ka dib.
Maxaa rayi ururinta loo sameynayaa?
Ujeedada rayi ururinta ayaa ah in gobolkaagu uu helo xog/gundhig si ay ugu horumarin karaan oo ay daryeelka uga sii wanaajin karaan. Gobolladu waxay rabaan inay ka sii wanaajiyaan daryeelka xilliga umusha ka hor, xilliga uurka la leeyahay iyo dhalmada ka dib.
Ayaa soo diyaariyey su'aalaha rayi ururinta?
Su'aalaha rayi ururinta waxa soo diyaariyey Degmooyinka iyo Gobollada Sveriges Kommuner och Regioner, SKR, iyagoo la shaqenaaya
Ayaa ka jawaabi kara Rayi ururinta uurka?
La soo xiriir umuliso haddii aad qabtid wax su'aalo ah oo ku saabsan sida ay tahay inaad uga jawaabto rayi ururinta.
Ma dhibaatooyin ayaad qabtaa mise taageero ayaad u baahan tahay inta aad uurka leedahay ama dhalmada ka dib? La soo xiriir umuliso ama rug caafimaad.