Uurka leh

Miyaad uur leedahay mise dhawaan ayaad ilmo dhashay? Rayigaaga/Ereygaaga ka dhiibo

Gravid eller nyss fött barn? Gör din röst hörd - somaliska

Haddii aad uur leedahay ama hadda uun aad ilmo dhashay/umushay waxa aad fursad u leedahay inaad ka qeybqaadato rayi ururinta loo yaqaan Rayi ururinta uurka (Graviditetsenkäten.) Waxaad taas/Halkan kaga jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan sida aad daryeelka u heshay xilligii aad uurka laheyd,dhalmada ka dib ama hal sanno dhalmada/umusha ka dib. Waxaad sidoo kale ka jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan adiga caafimaadkaaga. Uur kasta iyo dhalmo kastaaba waa mid gaar sidaas darteed ayay muhiim u tahay inaad ka qeybqaadato. Jawaabahaaga ayaa gacan ka geysanaya horumarinta daryeelka.

Soo gal oo macluumaadkaaga xiriirka ku qor/buuxi si aad uga qeybqaadato. Qeyb kasta oo rayi ururinta ka mid ahi waxay si loga jawaabo qiyaas ahaan qaadaneysaa shan daqiiqo.

Ayaa rayi ururinta ka jawaabi kara?

Rayi ururinta waxa loo kala qeybiyey seddex xilli/muddo. Qeyb kasta mar ayaad ka jawaabi doontaa. Waxaad rayi ururinta ku heli doontaa emayl ahaan salladaada fariimahu kuugu soo dhacaan bogga 1177.se  haddii mid kuwan ka mid ahi uu kugu haboon yahay:

  • Waxaad ku jirtaa todobaadka 25aad ee uurka.
  • Waxaad ilmo dhashay/umushay sideed todobaad ka hor.
  • Waxaad ilmo dhashay/umushay hal sano ka hor.

Waxa Emaylka ku jira linki aad gujin karto oo xambaarsan qeybta ay rayi ururintu khuseyso ah. Waxaad ka jawaabi kartaa qeyb kasta, laakiin taasi qasab ma aha. Qofka ku jira todobaadka 25aad ee uurka ayaa heli doona dhammaan qeybaha waxaanad dooran kartaa inaad ka jawaabto mid ama wax ka badan.

Si aad foomka u hesho waa inaad soo gashay oo aad ku qortaa/buuxisay macluumaadkaaga xiriirka.

Maxaan sameeyaa si aan uga jawaabo?

  • Soo gal 1177.se.
  • Tag goobta inställningar oo ku buuxi e-maylka ama lambarka moobaylka.
  • Dooro haddii aad rabto in lagugula soo xiriiro emayl ama sms ahaan.
  • Guji "aviseringar" markaas ayaad heli doontaa xusuusin marka rayi ururinta laguu soo diro.

Markaad ra'yi ururinta hesho, ayaad haysataa lix toddobaad si aad uga jawaabto.

Su'aalo noocee ah ayaa rayi ururinta la isku weydiinayaa?

Waxaad heli doontaa su'aalo ku saabsan khibraddaada iyo dareenkaaga ku aaddan daryeelka. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa su'aalo ku saabsan sida aad u arkeysay/maleysay inay umulisada iyo shaqaalaha kale ay kula dhaqmeen.

Waxaad sidoo kale ka jawaabi kartaa su'aalaha ku saabsan caafimaadkaaga. Tusaale ahaan, sidaad adigu dareemeysay xilligaad uurka lahayd ama dhalmada ka dib.

Maxaa rayi ururinta loo sameynayaa?

Ujeedada rayi ururinta ayaa ah in gobolkaagu uu helo xog/gundhig si ay ugu horumarin karaan oo ay  daryeelka uga sii wanaajin karaan. Gobolladu waxay rabaan inay ka sii wanaajiyaan daryeelka xilliga umusha ka hor, xilliga uurka la leeyahay iyo dhalmada ka dib.

Ayaa soo diyaariyey su'aalaha rayi ururinta?

Sidee ayaa xogteyda loo maareynayaa?

Waa bilaash in laga jawaabo rayi ururinta iyo in la iska diiwaan galiyo diiwaanka uurka. Jawaabaha ayaan adiga shakhsi ahaan aan lagugu xiriirin karin. Daryeelka caafimaadku ma arki karo haddii aad ka jawaabtay su'aalaha iyo haddii kale, ama waxaad ku jawaabtay. Natiijada waxa lagu soo bandhigi doonaa hab koox ahaaneed marka tiro dad ah oo ku filan ay ka jawaabaan. Macluumaadka shakhsiga sida magaca, lambarka shakhsiga ayaan sida uu sharcigu dhigaayo la bixin doonin ama loo isticmaali karin warbixin ama cilmi baaris iyadoo aan marka hore magaca laga saarin.

Ayaa ka jawaabi kara Rayi ururinta uurka?

La soo xiriir umuliso haddii aad qabtid wax su'aalo ah oo ku saabsan sida ay tahay inaad uga jawaabto rayi ururinta.
Ma dhibaatooyin ayaad qabtaa mise taageero ayaad u baahan tahay inta aad uurka leedahay ama dhalmada ka dib? La soo xiriir umuliso ama rug caafimaad.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page