Soomaali/Somaliska

Uurka leh

Graviditet - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
Dhiigkarka yimaada xilliga uurkaHavandeskapsförgiftning - somaliska

Havandeskapsförgiftning (dhiigkarka yimaada xilliga uurka) waa cudur aad qaadi karto markaad uurka leedahay. Waxaad yeelanaysaa dhiig kar. Taasi ayaa adiga iyo ilmahaba saameyn karta. Si cadaadiska dhiiggaaga loogu dejiyo waxaad u baahan kartaa nasasho iyo dawo lagu siiyo.

Foosha iyo xanuunka foosha Sammandragningar och värkar - somaliska

Ilmo-galeenku waxa weeye muruq. Mararka qaar ayuu ilmo-galeenku xilliga uurka dhuujismaa/giigsamaa. Waxa tan loo yaqaannaa fool (sammandragningar). Marka la gaadho wakhtigii umusha ayuu sidoo kale ilmo-galeenku giijismayaa. Waxa tanna loo yaqaannaa xanuunka foosha.

Khamriga iyo uurka Alkohol och graviditet - somaliska

Khamri ha cabin markaad uurka leedahay. Waxa khamriga ku jira maadooyin khatar ah oo ilmaha caloosha ku jira dhaawici kara. Dumarka ay ku adagtahay inay cabitaanka khamriga joojiyaan ayaa taas laga caawimo karaa.

Tubaakada iyo uurka Tobak och graviditet - somaliska

Waxyeelo ayay kuu keeneysaa haddii aad tubaakada isticmaasho markaad uurka leedahay. Ilmaha uurka ku jira ayaa maadooyin khatar ahi ka soo gaadhi karaan tubaakada. Sidaas darteed tubaako ha isticmaalin markaad uurka leedahay. Haddii ay kugu adagtahay inaad joojiso ayaa taas lagaa caawin karaa. Waxyaalaha ay tubaakadu ku jirto waxa ka mid ah sigaarka

Booqashada xarunta umulisada Besök på barnmorskemottagningen - somaliska

Markaad uurka leedahay ayaad booqan doontaa xarunta umulisada. Waxa ay ujeedada booqashadu tahay si loogu eego sidaad adiga iyo ilmaha uurka ku jira aad tihiin. Waxa lagu siin doonaa talo iyo gargaar ku wajahan sidii aad dhalmad iskugu diyaarin laheyd. Booqashadu waa kuu bilaash.

Miyaad uur leedahay mise dhawaan ayaad ilmo dhashay? Rayigaaga/Ereygaaga ka dhiiboGravid eller nyss fött barn? Gör din röst hörd - somaliska

Haddii aad uur leedahay ama hadda uun aad ilmo dhashay/umushay waxa aad fursad u leedahay inaad ka qeybqaadato rayi ururinta loo yaqaan Rayi ururinta uurka (Graviditetsenkäten.) Waxaad taas/Halkan kaga jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan sida aad daryeelka u heshay xilligii aad uurka laheyd,dhalmada ka dib ama hal sanno dhalmada/umusha ka dib. Waxaad sidoo kale ka jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan adiga caafimaadkaaga. Uur kasta iyo dhalmo kastaaba waa mid gaar sidaas darteed ayay muhiim u tahay inaad ka qeybqaadato. Jawaabahaaga ayaa gacan ka geysanaya horumarinta daryeelka.

Video: POX (Qalabka cabbirka ogsijiinta dhiigga)Film: Mäta syremättnaden i barnets blod, POX - somaliska
Video: Astaan cagaarshow, joonis ama indhacaseeyeFilm: Kontroll av gulsot på nyfött barn - somaliska
Ilmo soo rididdaAbort - somaliska

Ilmo soo rididda micnaheedu waa in la joojiyo uur-qaadidda. Dalka Iswiidhan waxaynu ku haysanaa xorriyada Ilmo soo rididda sida hadba ku xusan sharciga Ilmo soo rididda. Qofka uurka qaaday ayaa go’aanka Ilmo soo rididda iska leh. Waxaa jira qaabab kala duwan oo loo sameeyo Ilmo soo rididda. Uur-qaadidda waxaa la joojiyaa iyadoo la adeegsanayo kiniinyo ama iyadoo qallitaan yar lagu dhaqaaqo.

Video: OAE (Cabbirka maqalka)Film: Hörselprov, OAE - somaliska
Video: Sonkorta dhiiggaFilm: Kontroll av blodsockernivån på nyfött barn - somaliska
Video: Naas-nuujinFilm: Amning - somaliska
To the top of the page