Sharciyada iyo xuquuqda

Mag-siinta socdaalada bukaanka

Sjukresor - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Socdaalka daryeelka caafimaadku waa socodka u dhaxeeya gurigaaga iyo dhakhtarkaaga caafimaadka. Tusaale ahaan arintaan ayaa noqon karta booqasho aad ugu tagto dhakhtar, kan ilkaha, la taliye, dhakhtarka jirka ama dhakhtarka dhimirka. Socdaalka waxa uu noqon karaa bas, tareen ama gaarigaaga. Waxad si shaqsi ah masuul uga tahay inaad isgayso kana timaado balantaada qorshaysan. Haddii aadan awoodin inaad raacdo gaadiidka dadwaynaha ama aad adeegsato gaarigaaga shaqsiga ah sababo caafimaad awgood, waxaad xaq u leedahay inaad soo raacdo taksi. Caddeynta dhakhtarka ayaa loogu baahan yahay adeeggaan.

Qarashaadka shaqsiga ah iyo lacagaha lagu magaayo

Waxaad xaq u leedahay in lacagta laguu mago marka aad qarashaad noocaas ah ku gasho socdaalka. Socdaalada qaar, waxaad masuul ka tahay dhammaan ama qayb ka mid ah qarashaadka. Qarashaadkaan waxaa loo yaqaanaa qarashaadka shaqsiga ah.

  • Socdaalka aad raacdo gaadiidka dadwaynaha sida (bas ama tareenka dabaqada 2aad) ood iskaga gooshto gudaha degmada (län) kuma jiraan qarashaadka shaqsiga ah. Haddii qiimaha halka tigidh uu ka badan yahay 86 SEK waxaa laguu celin doonaa lacagta oo dhan. Socdaalka aad raacdo baska ama tareenka oo ku kaca qarash ka yar 86 SEK laguuma magi doono.
  • Haddii aad ku socdaashay taksi ama gaarigaaga shaqsiga ah, ama haddii aad u socdaashay degmo kale (län), waxaa laguu celin doonaa qaybta ka mid ah qarashka socdaalka ee ka badan qiimaha shaqsiga ah oo dhan 200 SEK.
  • Haddii aad adeegsato gaarigaaga shaqsiga ah, waxaad heli doontaa magdhawga lacag dhan 15 SEK halkii mayl oo kasta kadib markuu dhamaado qiimaha shaqsiga ah oo dhan 200 SEK.

Wax lacag ah laguuguma magaayo qarashaadka baakinka iyo qarashaadka kale. Waxaa jiro xadi qarash oo u dagsan shaqsiyaadka u socdaalaaya balamaha daryeelka caafimaadka si joogto ah.

Xadiga qiimaha socdaalada lagu aado daryeelka caafimaadka

Xadiga caafimaadka waxaa looga jeedaa inaadan dhiibi doonin qarashaadka shaqsiga ah oo ka badan 2,400 SEK sababo socdaalka daryeelka caafimaadka aad ku aado inta lagu jiro mudada toban iyo labada bilood ah. Waqtiga waxaa lagasoo tirinayaa maalinta aad u baxday socdaalkaaga koobaad.

Sida loo codsado lacagta magdhawga ah

Markaad isqorto kadib aadna timaado goobtaada balanta, waxaad codsan karta foom la yiraahdo "Codsiga Magdhawga Socdaalka/shahaadada daryeelka caafimaadka" (Begäran om reseersättning/intyg om vård).

Foomka buuxi kadibna boostada ugu Sjukresor (Waaxda Gobalka Västerbotten oo maamusha socdaalada daryeelka caafimaadka):

Sjukresor
901 85 Umeå

Ha ilaawin inaad soo raaciso risiidyo kasta. Haddii aad ka wayn tahay da'da 19 sano jir aadna doonayso in qof ku raaco, shaqaalaha xarunta daryeelka caafimaadku waa inay ku sheegaan arintaan foomka ayna saxiixaan. Waxaad sidoo kale gudbin kartaa foomka (adoo soo raacinaaya risiidyo kasta iyo saxiixyada shaqalaaha xarunta daryeelka caafimaadka) adoo adeegsanaaya sanduuqyada cascas ee boostada gaarka ah oo ku yaala isbitaalka.

Socdaalada aad raacdo taksiga ama gaadiidka gaarka ah

Haddii shaqaalahaaga xarunta caafimaadku doonaayo inaad balantaada usoo raacdo gaari taksi ah ama nooc gaar ah oo gaadiid ah sabab la xariira xaaladaada caafimaadka, fadlan socdaalkaaga ka balanso xarunta Reseservice. Fadlan codso socdaalkaaga ugu danbayn laba maalin oo kuwa shaqada ah ka hor maalinta aad balanta caafimaad leedahay.

Fadlan ogoow in shaqaalaha xarunta daryeelka caafimaadku ay sugi doonaan ilaa kadib balantaada ka hor inay go'aansadaan in xaaladaada caafimaadku qasab ka dhigayso inaad guriga u raacdo taksi ama gaadiid qaas ah. Shaqaalaha xarunta daryeelka caafimaadka ayaa kuu diyaarin doona socdaalka aad guriga ugu laabanayso marka xaaladaan jirto.

Haddii aad xanuunsato aadna u baahan tahay caawimaad caafimaad oo degdeg ah, waxaad la xariiri kartaa Reseservice 24 saac maalintii si ay kugu diyaariso gaadiid ku qaada.

Wehelka

Haddii aad u baahan tahay qof ku caawiya, qofkaan wuxuu xaq u leeyahay in loo celiyo qarashka uga baxa socdaalka. Qofka ku raacaaya waa inuu joogaa dhammaan muddada socdaalka iyo balantu socdaan. Waa hawl u taala shaqaalaha xarunta daryeelka caafimaadka inay go'aanshaan inaad u baahan tahay qofka kula socda iyo in kale. Carruurta iyo dhalin yarada oo jira da'da ilaa 19 sano waxay xaq u leeyihiin in qof wehel ah la socdo markasta.

Socdaalada la baajiyay

Waxaa qasab ah inaad baajiso labadaba socdaalka iyo balanta dhakhtarka haddii aadan tagi karin balantaada daryeelka caafimaadka ee la qorsheeyay. Fadlan baaji balanta adoo wacaaya Reseservice. Haddii aadan baajin socdaalka, waxaad masuul ka noqon kartaa inaad dhiibto qarashka socdaalka.

Socdaalka meel ka baxsan degmada

La xariiri Reseservice si ay kaaga caawiso diyaarinta socdaalada meel ka baxsan degmada (län). Arintaan ayaa u baahan in:

  • Aad qabto xaalad gaar ah oo cadaynteedu kasoo baxday Gobalka Västerbotten taasoo ay Reseservice hayso cadaynteeda.
  • Caddeyntaan waxay muujinaysaa nooca gaadidka aad u baahan tahay iyo inaad u baahan tahay iyo in kale qof ku raaca.

Waxaad sidoo kale diyaarsan kartaa socdaalka si iskaa ah adoo la heshiinaaya Reseservice. Markay sidaan dhacdo, waxaa lagu siinayaa lacagta magdhawga ah ayadoo lagu salaynaayo waxa ku jiray caddeynta. Waa qiimaha runta ah ee socdaalka waxa laguu magaayo. Fadlan codso adoo u diraaya tigidhyada iyo risiidyada aad kasoo qaadatay balantaada daryeelka caafimaadka una diraaya Reseservice. 

Waxaad daryeel caafimaad u raadsan kartaa meel ka baxsan degmada (län) si iskaa ah laakiin waxaa lagaa doonayaa inaad dhiibto qarashka dhan adoo kaligaa ah markaad sidaan yeesho.

Markaan la heli karin gaadiidka dadwaynaha

Haddii aysan jirin gaadiidka dadwaynaha oo mara aaga aad dagan tahay, waxaad caawimaad ku heli kartaa inaad dalbato taksi ku geeya meesha gaadiidka dadwaynaha laga raaco. Markay sidaan dhacdo, waxaa lagaa doonayaa inaad inta badan socdaalka raacdo gaadiidka dadwaynaha iyo socdaalka aad ku tagayso meelaha gaadiidka dadwaynaha laga raaco uu yahay mid gaaban.

Fadlan ka codso socdaalka isku xira goobaaha gaadiidka Reseservice ugu danbayn laba maalin ka hor xiliga aad socdaalayso.

Xogta lagala xariiraayo Reseservice

Fadlan u dir codsigaaga lacagta laguu magaayo xarunta Reseservice adoo ugu diraaya boostada. Haddii aad su'aalo ka qabto socdaalada daryeelka caafimaadka, fadlan wac Reseservice. 

Ciwaanka boostada:
Sjukresor
901 85 Umeå

Taleefanka: 0771-25 10 20

To the top of the page