In ilme la daryeelo

La akhrinta ilmahaaga

Läsa med ditt barn - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Fiirinta bugaagta iyo la akhrinta ilmahaagu waa qaab wanaagsan oo lagu wada saaxiibayo. Waxaad fursad u helaysaa wada-sheekaysi fiican. Bugaagta, sheeko-sheegista iyo akhrisku sidoo kale waxay ka caawiyaan ilmuhu inuu horumariyo xirfidihiisa luuqada. Ilmuhu wuxuu fursad u heli doonaa uu ku sameeyo mala-awaal, hal-abuur, diirad-saarid oo wuxuu u heli doonaa fursado badan oo uu ku barto kuna kordhiyo erayadiisa.

Ett barn som tittar i en bok tillsammans med ett yngre barn som tittar in i kameran.

U-dhow

Ula fadhiiso si saaxiibtinimo leh, gaar ahaan jidhkiinoo isku dhow, si aad labadiinuna u wada arki kartaan sawirada buuga iskuna arki kartaan.

Kalmado gaara

Ugu sheeg kalmadahaaga gaarka ah, luuqadaada gaarka ah oo leh sawiro caawinaya.

Farxad

U ogolow daneynta iyo xawaaraha ilmuhu inuu hago sidaad u akhriyeysid buuga. Kalmado ugu sheeg waxa ilmuhu inta ugu badan ka helo!

Xarakaadka iyo codadka

Lasoco xarakaadka iyo codadka ilmaha. Marka ilmuhu weynaado,waxaad sidoo kale soo qaadi kartaa kalmadaha ilmaha u gaarka ah. Dhageyso oo sii ilmaha wakhti ku filan inuu ku jawaabo.

Qaabka codka

Ku sheeg codkaaga gaarka ah oo waafaqsan codka. Kudayo, u dheh sida xayawaanka oo kale, ku hadal cod isbadbadelaya. Ama cod joogto ahba? Waxaad sidoo kale u astayn kartaa codad ama dhawaqyo kala duwan xarfo kala duwan oo buuga ah.

Umuuji daneyn

Umuuji inaad xiisaynaysid jawaabta ilmahaaga oo aad dhageysanaysid oo aad jeclaan lahayd inaad waxbadan maqashid. Tani waxay dhiirigalin doontaa ilmaha.

Fadlan xor ku dareen inaad buunbuunisid!

Buunbuunintu waxay soo jiidan doontaa dareenka ilmaha. Isticmaal codadkaaga kuu gaarka ah, samee wajiyo iyo xarkaad. Yara naso, gaar ahaan marka yaab jiro.

Tus oo tilmaam

Marmarka qaar waxaad u tilmaami kartaa sawirada. Kadib waxaad ka caawinaysaa ilmahaagu inuu diirada saaro waxa muhiimka ah. Waxa u fududaan doonta inuu lasocdo sheekada.

Tallooyinka buugta, filimada iyo wareysiyada

Ka hel tallooyin fiican buugta aad la akhridid ilmahaaga, muuqaalada filimada gaaban iyo wareysiyada ku caawin kara markaad ka qeybqaadanaysid horumarinta xirfadaha luuqada ee ilmahaaga.

La akhrinta ilmahaaga (boggu waa Iswidhish)

To the top of the page