Fiirinta bugaagta iyo la akhrinta ilmahaagu waa qaab wanaagsan oo lagu wada saaxiibayo. Waxaad fursad u helaysaa wada-sheekaysi fiican. Bugaagta, sheeko-sheegista iyo akhrisku sidoo kale waxay ka caawiyaan ilmuhu inuu horumariyo xirfidihiisa luuqada. Ilmuhu wuxuu fursad u heli doonaa uu ku sameeyo mala-awaal, hal-abuur, diirad-saarid oo wuxuu u heli doonaa fursado badan oo uu ku barto kuna kordhiyo erayadiisa.