Raadso daryeel

Sidan ayuu daryeelka bukaanka ee Iswiidhan u shaqeeyaa

SÄ fungerar vÄrden i Sverige - somaliska

Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsan uu daryeel caafimaad u baahan yahay ayaad badiyaa caawimo ka heli kartaan xarun caafimaad (vÄrdcentral). Wac lambarka 1177 haddii aanad hubin meesha aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso. Waxaad kula hadli kartaa af Iswiidish ama Ingiriisi. Kalkaalisooyinka ka jawaabaaya ayaa xitaa kaala talin kara waxyaalaha aad adigu sameynayso si aad uga roonaato.

Läs texten på svenska.

Waxa daryeelka bukaanka ee Iswiidhan laga maamulaa aagag kala duwan oo loo yaqaano gobolada. Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad ku saabsan waxyaalaha halkaad joogto khuseeya.

Waxa qoraalkan ku jira linkiyo ku xidhan 1177.se  halkaas oo aad rug caafimaad ka raadsan karto. Macluumaadka halkaas ku yaalaa waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish. Qof af Iswiidhishka ku hadlaa ha kaa caawiyo haddii aad taas u baahan tahay.

Macluumaad dheeraad ah oo 1177 ku saabsan qoraalkan ka akhriso.

Waxay xarunta caafimaadku ku taalaa meel u dhow meesha aad degan tahay

Xarunta caafimaadku waxa weeye xarun qaabilaad oo badiyaa ku taala meesha aad degantahay agteeda. Waxa sidoo kale loogu yeedhi karaa, tusaale ahaan, hälsocentral (xanaano/xarun cafimaad), husläkarmottagning (rugta dhakhaatiirta guud) ama familjeläkarmottagning (rugta dhakhtarka qoyska).

Waxa xarunta caafimaadka jooga dhakhaatiir, kalkaalisooyin iyo shaqaaleha kale oo daryeelka caafimaadka. Waxay caawin karaan haddii aad adigu ama qof qoyskaaga ka tirsani uu jiran yahay ama murugeysan yahay.

Waxay xarunta caafimaadku furan tahay maalmaha shaqada


Waxay xarunta caafimaadku marwalba furan tahay xilliga maalintii laga bilaabo Isniin ilaa Jimce. Xarumaha caafimaadka qaarkood ayay dhici kartaa inay wakhtiyo kale furan yihiin.

Waxaad badiyaa u baahan tahay inaad balan qabsato intaanad imaanin kahor.

Halkan ayaad ka raadsan kartaa xarun caafimaad oo adiga kuu dhow. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Rugaha heeganka (Jourmottagning) ee habeenkii iyo maalmaha fasaxa.

Haddii aad u baahan tahay inaad daryeel caafimaad raadsato xilliyada ay xarunta caafimaadku xidhan tahay, ayaa la heli karaa rugaha caafimaadka ee heeganka. Waxay kuwaasi furan yihiin xilliga habeenkii iyo maalmaha fasaxa.

Halkan ayaad ka raadsan kartaa jouröppna mottagningar. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Rugta gargaarka degdegga ah markaad xoog u jiran tahay

Daryeel caafimaad ka raadso rugta gargaarka degdegga ah haddii aad si xun u dhaawacantay ama aad xoog u jiran tahay. Waxay furan tahay habeen iyo maalinba. Umana baahnid inaad balan sii qabsatid.

Waxa rugta gargaarka degdegga ah marka hore daryeel caafimaad la siinayaa dadka xoog u jiran. Waxay taasi keenaysa in qofka aan xoog u jiraneynin uu mudo sugi doono si loogu caawiyo.

Alaarmka SOS-ta - 112 (SOS Alarm – 112)

Wac telefoonka 112 haddii ay xaalad degdeg ahi jirto ama haddii ay adiga noloshaada ama nolosha qof kale khatart ku jirto.

Qofka ka jawaabayaa waxa uu ku hadlayaa af Iswiidhish ama Ingiriisi, laakiin waxay caawimo ka dalban karaan turjumaan haddii taasi loo baahdo. Waxa la soo dirayaa ambalaas haddii adiga ama qofka jirani uu u baahan yahay inuu si degdeg ah rugta gargaarka degdegga ugu yimaado.

Rugta qaabilaadda carruurta

Waxa jirta rug gaar ah oo loogu talagalay dhammaan carruurta ilaa lix sano jirka ah. Waxa loo yaqaanaa barnavårdscentraler. Carruurta ayaa si joogto ah halkaas ugu imaan doonta. Meeshaas, ayuu  ilmuhu tallaalka ka qaadanayaa. Halkan ayaad barnavårdscentraler ka raadsan kartaa. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Meelaha qaar ayaa waxa ku yaal cisbitaal gaar ah iyo rugo gargaarka degdegga ah oo loogu talagalay carruurta.

 Rugta qaabilaadda dhalinyarta

Ungdomsmottagningen waxa loogu talagalay qofka 13 ilaa 25 sano jir u dhaxeeya. Halkaas  ayaa tusaale ahaan lagaa caawin karaa, ka hortagga uurka, baadhidda uurka,  cudurada galmada lagu kala qaado ama wada hadal iyo talobixin.

Wax dheeraad ah ka akhri youmo.se. Halkan ayaad ka helaysaa ungdomsmottagningar. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Rugta qaabilaadda dumarka

Waxa jirta rugo gaara oo loogu talagalay dhammaan dumarka. Waxa kuwaasi loo yaqaanaa barnmorskemottagning, xarunta daryeelka hooyada ama daryeelka caafimaadka dumarka. Halkaas  ayaa tusaale ahaan lagaa caawin karaa, talobixin, ka hortagga uurka iyo baadhitaanada cudurada kala duwan. Waxaad sidoo kale halkaas u tagi kartaa baadhitaannada uurka haddii aad uur leedahay.

Markaad umuleyso/dhalayso ayaad qeybta dhalmada aadeysaa. Waxay taasi furan tahay habeen iyo maalinba.

Halkan ayaad ka raadsan kartaa barnmorskemottagningar. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Rugaha caafimaadka ee kale

Mararka qaar waxaad daryeel caafimaad uga baahan kartaa rug caafimaad oo kale. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa qeybta cudurada maqaarka, xarunta xanuunnada dhimirka, ama xarunta caafimaadka indhaha.

Waxaad markaa u baahan doontaa in lagu gudbiyo. Waxa warqadda gudbinta ku yaalla macluumaad sheegaya inaad baadhitaan ama daaweyn u baahan tahay. Cidda aad xarunta caafimadka kula kulmayso ayaa gudbinta kuu diri karta.

Waxaad u baahan kartaa inaad sugto si aad u hesho ballan aad rugta noocaas ah ku booqato.

Rugta qaabilaadda daryeelka ilkaha

Daryeelka ilkaha ayaa badiyaa ka qaalisan daryeelada caafimaadka ee kale. Iska weydii marka hore intuu kharashka booqashadu noqonaayo. Carruurta iyo  dhallinyarada ayaa badiyaa daryeelka ilkaha aan lacag laga qaadin.

Halkan ayaad ka helaysaa daryeelka ilkaha. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Waa imisa kharashka daryeelka caafimaadku?

Kharashka la iska qaadaayo marka daryeel caafimaad la raadsado ayaa Iswiidhan kala duduwan. Tusaale ahaan, kharash ka badan ayaa lagaa qaadayaa markaad daryeel caafimaad ka raadsato qeybta gargaarka degdegga ah marka taas la garab dhigo inta xarunta caafimaadka lagaa qaadaayo.

Kharashka lagaa qaadayaa wuu kala duduwan yahay kaas oo ku xidhan da'daada iyo haddii aad Iswiidhan degan tahay ama haddii aad wadan kale ka timid.

Carruurta iyo dhalinyarada ayaan badiyaa laga rabin in ay lacag bixiyaan.

Turjumaan dalbo si aad luqadaada caawimo ugu hesho.

Haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin ayaad turjumaan xaq u yeelan kartaa. Waxa turjumaanka saaran waajibaadka sir qarinta. Waxba kama bixinaysid kaalmada turmumaanka. Daryeelka caafimaadka la xidhiidh kahor intaanad halkaas tegin si aad luqadaada caawimo ugu hesho.

Waxaad xaq u leedahay inaad ammaan ku ahaato daryeelka caafimaadka

Waxa shaqaalaha oo dhan saaran waajibaadka sir qarinta. Waxay taasi micnaheedu  yahay inaanay shaqaaluhu cid ka baxsan daryeelka caafimaadka u sheegi karin wax adiga ku khuseeya. Waajibaadka sir qarinta waxa uu qabanayaa/khuseeyaa dhammaan shaqaalaha aad daryeelka caafimaadka kula kulanto oo dhan, xitaa turjumaanada iyo shaqaalaha farmasiga.

Markaad daryeel raadsato, ayaad u baahan tahay inaad sheegto magacaaga iyo cida aad tahay. Haddii aad haysato wax dhokumenti ah oo aqoonsigaaga muujinaya, ayay wanaagsan tahay haddii aad kaas hore u sii qaadato.

Waxa youmo.se ku jira macluumaad khuseeya waajibaadka sir qarinta iyo sharci reebaaya in la bixiyo waraaqaha/xogta dadweynaha ee qofka da’yarta ah qoraalku waxa uu ku qoran yahay luqado badan.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page