Umusha/dhalmada

Dillaaca xilliga foosha

Bristningar vid förlossningar - andra språk - somaliska

Marka uu ilmuhu halka hore ka soo dhasho ayay caadi tahay in farjiga nabar lagu yeesho. Waxa loo baahan yahay in nabarkaa la tolo, waxaana loo yaqaanaa dillaac. Waxa jira dillaac yar iyo dillaac weyn. Dillaaca ayay isla dhalmada ka dibba umuliso ama dhakhtar uu hagaajiyaa.

Waxay umulisadu kuu sheegaysaa haddii aad dillaac leedahay.
Waxaad weydiisan kartaa sawir gacanta lagu sawiray oo xubinta taranka, oo ay umulisadu ku tusi karto meesha uu dillaacu ku yaalo.

Läs texten på svenska här.

Sida la dareemayo

Kuwani waa dhibaatooyin caadi ah markaad dillaac leedahay:

  • Hoosta ayaa ku xanuuneysa.
  • Dhiig ayaa farjiga ka socda.
  • Waxaad yeelan kartaa qodobo ku xoqaaya.
  • Waxa la dareemi karaa inay kaadida iyo xaarku ku dhibayaan.

Dhibaatooyinka ayaa caadi ahaan maalin kasta ka soo roonaada. Badanaa waxa uu xanuunka ugu weyni kaa tagaa hal toddobaad ka dib. Laakin ilaa sannad ayay qaadan kartaa intaad ka bogsaneyso.

Daweynta

Dillaaca ayaa isla markaaba dhalmada ka dib la tolaa.

Dunta toliinka loo isticmaalay ayaa iska baaba'da ama iskeed iska soo dhacda dhowr toddobaad gudahood.

Dib u booqasho xarunta umlisada (barnmorskemottagningen)

Laba iyo toban todobaad gudahood dhalmada ka dib ayaad dib u soo booqan doontaa xarunta umulisada. Markaas ayaad umulisada dillaaca kala hadli kartaa.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsan karaa?

Dumarka qaar ayaan sugi karin booqashadooda dib loogu booqanaayo xarunta umulisada si ay dillaaca uga wada hadlaan. Waxay u baahan yihiin inay daryeel caafimaad booqashada ka hor raadsadaan.

Dumarka qaar ayaa dillaaca goor danbe ogaada. Markaas ayaa daryeel caafimaad la raadsan karaa dib u booqashada ka dib.

La xidhiidh daryeel caafimaadka haddii mid ka mid ah kuwani kugu haboon yahay:

  • Xanuunku ismuu dhimin, ee wuu ka sii daray.
  • Waxa uu dillaacu saameeyaa noloshaada iyo sidaad dareemeyso.
  • Way ku xanuunaysaa marka aad saxaroonayso ama aad kaajeyso.
  • Waxa ku dhibaaya qodobada hoosta kaaga yaala.

Waxaad sugi kartaa ilaa inta ay maalin shaqo noqonayso haddii ay maalmaha fasaxyada tahay.

Waxay noqon kartaa in degdeg daryeel caafimaad loo raadsado haddii mid kuwan ka mid ahi kugu haboon yahay:

  • Nabarrada hoosta ayaa kaa sii barara oo bilaaba inay ku xanuunaan.
  • Xummad ayaad yeelatay ama xanuun ayaad dareemeysaa.
  • Waxa kugu adag kaadida.

Halkan ka raadso daryeel caafimaad

La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda:

  • Qeybta dhalmada förlossningsavdelningen aad ilmaha ku dhashay.
  • Rugta heeganka ee furan.
  • Xarunta barnmorskemottagning.
  • Rugta umulisada.
  • Xarunta caafimaadka (vårdcentral).

Haddii ay xidhan yihiin ama aanay ku qaabili karin, daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaargka degdega.

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Daryeel caafimaad raadi marar badan haddii loo baahdo

Mar labaad daryeel caafimaad raadso haddi aanad dareemayn inaanay daaweynta aad heshay waxba kuu tarayn.

Waxa badanaa jira caawimo la heli karo xitaa haddii ay muddo dheer ka soo wareegtay markii aad ilmo dhashay.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan luqada u baahan tahay markaad ballantaada booqashada qabsaneyso.

Maxaan samayn karaa?

Waxyaalahan ayaad adigu sameyn kartaa markuu dillaacu ku bogsanayo:

  • Is deji oo naso.
  • Isticmaal kiniinka xanuunka biiya haddii aad xanuun leedahay.
  • Jiifso oo naaska ku du/nuuji haddi ay fadhiga kugu xanuunayso.
  • Dhaqdhaqaaq samee. Waxaad tusaale ahaan sameyn kartaa inaad soo luglugeyso.
  • Qubeyso halkii aad ugaga dabbaalan laheyd. Farjiga ha ku isticmaalin saabuun. Tuwaalka/shukumaanka si taxadir leh ugu qoy markaad qallajinayso.
  • Ha xidhan dhar kugu dhagan iyo dharka hoosta laga xidho/nigisyo marmarka qaarkood, haddi ay suurtogal tahay. Waa ay wanaagsan tahay haddii hawadu hoosta marto/gasho.
  • Murqaha hoosta jimicsi/tabobar u samee/adkee. Waxa loo yaqaanaa Jimicsigaaga sagxada miskaha.
  • Iska sug inaad sameyso galmo ilaa inta la dareemaayo inay si buuxda hoostu ugu bogsatay. Waxay qaadan kartaa toddobaadyo ama bilo.

Waxaad qaadan kartaa dawooyinka aan warqadda dhakhtarku qoro u baahneyn haddii aad xanuun leedahay. Waxaad weydiin kartaa farmasiiga.

To the top of the page