U gudbinta isbitaal ama daryeel gaar ah

Remiss - somaliska

Mararka qaarkood waxad u baahan kartaa inaad daryeel ka hesho rug kale oo aan ahayn ta aad tegi jirtay. Markaasi waxad u baahan kartaa u gudbin si aad halkaasi u tagto.

Läs texten på svenska här.

Si loo tago rug caafimaad ama rugta qaabilaada degdegga ah ma loo baahna wax u gudbin ah. Halkaasi waxa lagu sameeyaa qiimeynta ugu horeysa ee dhibaatooyinka aad leedahay. Haddii loo baahdo waxad helaysaa u gudbin si aad ugu sii gudubtid takhasus kale, tusaale ahaan dhakhtarka maqaarka ama takhasuska cudurada jidhka ee saameeya dhaq-dhaqaaqa, kalkaaliyaha caafimaad ee masaajada iyo duugniinka xubnaha jirka.

U gudbinta waxay ka koobantahay warbixin ku saabsan waxa aad u baahantahay inaad hesho ee daryeel caafimaad, tani waxay ahaan kartaa qiimeyn, baaritaan ama daweyn. Waxa intaasi sii dheer oo u gudbinta ku jira tusaale ahaan warbixin ku saabsan sida aad dareemayso, waxa calaamado ah ee aad leedahay iyo cudurada iyo dhibaatooyinki hore.

Badanaaba waa dhakhtar qofka qora u gudbin, laakiin waxa kale oo jira shaqaale caafimaad oo kale kuwaas oo fursad u haysta inay sameeyaan tani, tusaale ahaan kalkaalisada caafimaad ee xarunta daryeelka caafimaadka caruurta.

Caadi ahaan adigu ma arkaysid u gudbinta, laakiin waa inaad mar kastaba heshaa oo ogaataa sababta u gudbinta loo dirayo iyo waxa uu yahay daryeelka aad heli doonto marka lagaaga yeedho rugta caafimaad ee qaabilaysa u gudbinta. Waxa kale oo ay tahay inaad ogaato dhererka wakhtiga aad u baahan karto inaad sugto si aad u timaado rugtan caafimaad, taas oo tusaale ahaan ku oolaan karta isbitaal goboleed

Rugaha caafimaadka qaarkood waxay mar kastaba shuruud ka dhigaan u gudbin ka timi dhakhtar si loo helo ballan. Rugaha caafimaadka ee shuruud ka dhiga u gudbin way kala duwanyihiin. Sidaas darteed waa inaad adigu soo ogaatid sida ay u shaqayso rugta caafimaad ee aad doonaysid inaad tagto. Noocyada qawaaniinta khuseeya u gudbinta waxa iskood u go'aamiya maamulka caafimaadka gobolka iyo gobol kastaba.

U gudbinta maamulka caafimaadka gobolka ama gobol kale

Mararka qaarkood waxa qofku heli karaa u gudbin ku socota daryeel caafimaad takhasus ah oo ku yaala maamulka caafimaadka gobolka ama gobol kale, tusaale ahaan haddii daryeelka caafimaad ee aad u baahantahay aanu ka jirin halkaad ku nooshahay. Markaasi waxa maamulkaaga caafimaadka ee gobolka ama gobolkaagu bixinayaa safarada bukaan socodka iyo kharashyada.

Haddii aad hesho u gudbin ku socota daryeel caafimaad takhasus ah, waxa weeye daryeel caafimaad oo aan u baahnayn in lagu dhigo isbitaal, markaasi adiga ayaa dooran kara meesha dalka ka mid ah ee aad doonaysid inaad ka heshid. Qaallitaanka caadka indhaha waa nooc daryeel oo ka mid ah. Markaasi adiga ayaa iska bixinaya kharashyadaada safarka iyo hoyga.

Haddii adigu aad doorato inaad raadsato daryeelka caafimaadka takhasuska ee furan oo ku yaala gobol kale waxa muhiim ah inaad soo ogaatid noocyada qawaaniinta u gudbinta ee ka shaqeeya rugta caafimaad ee aad doonaysid inaad tegtid.

Haddii ay khasab tahay inaad u gudbin ka haysato markaad joogtid maamulka caafimaadkaaga ama gobolkaaga marka aad daryeel raadsanaso markaasi waa khasab in xitaa aad tani haysato meesha aad doonaysid inaad daryeel ka raadsato. Waad u baahantahay u gudbin xitaa haddii daryeelka caafimaadka ee gobolka kale aanu tani u baahnayn.

Is-diiwaan gelin gaar ahaaneed

Maamulada caafimaadka ee gobolo badan waa suurtagal in in wakhti toos loola ballansado dhakhtar takhasus ah iyadoo aan la haysan u gudbin. Rugaha caafimaadka qaarkood waxay markaasi doonayaan inaad adigu qortid waxa loogu yeedho is-diiwaan gelin gaar ahaaneed, taas oo mararka qaarkood xitaa loogu yeedho is-gudbin gaar ahaaneed ama codsi daryeel gaar ahaaneed.

Noocani waxay tahay in adigu aad u qoranayso rugta caafimaadka oo u sheegayso sida aad dareemayso iyo sababta aad daryeel u raadsanayso. Mararka qaarkood waxa jira foomam loogu talogalay samaynta is-diiwaan gelinta gaar ahaaneed. Haddii qofka eegaya is diiwaan gelintaada gaar ahaaneed ay la tahay inaad u baahantahay baaritaan waxad helaysaa u yeedhitaan ka yimaada rugtaas caafimaadka.

Is-diiwaan gelinta gaar ahaaneed si loo daryeel caafimaad looga helo gobol kale waxa keliya oo aad qori kartaa haddii shuruuda u gudbintu aanay ka jirin meesha aad doonaysid inaad daryeel caafimaad ka hesho, ama maamulkaaga caafimaadka ama gobolkaaga.

Wakhti intee leeg ayaad u baahantahay inaad sugto?

Waxad xaq u leedahay inaad dhakhtarkaaga kala tashato meesha ay tahay in laguu gudbiyo. Rugaha caafimaadka qaarkood wakhtiga sugitaanka wuu dheeraan karaa. Markaasi waxad codsan kartaa in laguu gudbiyo rug caafimaad oo wakhtiga sugitaankeedu koobanyahay, haddii si dhakhso ah aad daryeel caafimaad ugu baahantahayna waxa arrintan lagu qori karaa u gudbinta. Laakiin mar kastaba rugta caafimaadka ee gudoomaysa u gudbinta ayaa go'aaminaysa dhakhsaha uu qofku u heli karo ballan.

Damaanad qaadka dareelku waa lagu kala duwanyahay

Marka aad hesho u gudbinta rug caafimaad oo ah gudaha maamlkaaga caafimaadka ama gobolkaaga waxa shaqaynaya damaanad qaadka daryeelka ee qarameed, tani waxa weeye inaad xaq u leedahay helitaanka daryeel caafimaad wakhti go'an gudihiisa. Dhinaca rugaha caafimaadka ee takhasuska ah waxa ka shaqeeya in aanad u baahan sugitaan ka badan sagaashan maalmood si loo helo ballan.

Haddii aad hesho u gudbin oo aad doorato inaad daryeel caafimaad ka raadsato maamul caafimaad kale ama gobol kale ma sii shaqaynayo damaanad qaadka daryeelku. Markaasi waa baahiyagaaga caafimaad ee daryeel waxa go'aaminaya inta ay noqonayso dhererka wakhtiga sugitaanka.

Kharashka bukaan socodka ee booqasho daryeel wuu kala duwanyahay kharashkiisu, waxay ku xidhantahay waxa uu yahay daryeelka caafimaadku iyo meesha loo dirayo. Kharashkani wuxu ku jiraa daboolida kharaskha badan.

Inta lagu jiro wakhtiga aad sugayso si aad u timaado rugta caafimaad ee aad u gudbinteeda heshay, qofki qoray u gudbinta ayaa mas'uul ka ah inaad hesho daryeelka caafimaad ee aad u baahantahay. Haddii dhibaatadu kugu sii xumaato inta aad sugayso waa inaad la xidhiidho qofki qoray u gudbinta.

To the top of the page