Sharciyada iyo xuquuqda

Buuga bukaan jiifka

Patientjournalen - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Läs texten på svenska här

Markii adiga soo doonatid iyo lagu siiyo daryeel caafimaad waxaa lagu qori buuga bukaan jiifka. Ujeedada ugu muhiimsan buuga bukaan jiifka baa ah in adiga daryeelkaada shaqaalaha ku siinaayaan la qoro. Wuxuu noqon buug laga heli warbixin iyo adiga kula socon, oo tusaale ahaan daryeelka adiga lagu siiyo. Buuga bukaan jiifka wuxuu xitaa fududeyn sidaa adiga uga qeyb-qaadan laheed daryeelkaada.

Buuga bukaan jiifka waa muhiim haddii

  • adiga dacwo ka tahay daryeelka iyo loo baahdo in baaritaan la suubiyo
  • waa baahanyahay sidii dib u raacid iyo horumarin loogu suubiyo daryeelka caafimaadka
  • waxaa, xaaladaha qaaska qaarkood, loo isticmaali cilmi baaritaanka.

Dhammaan shaqaalaha la aqoonsanyahay oo ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka iyo isbitaalada waa iney ku qoran buuga bukaan jiifka qiimeynta ey suubiyaan, tallaabooyinka qaadaan iyo wixii la mid ah ey suubiyaan. Waxaa xitaa jiro kooxyo kale oo shaqaalaha kamid ah laakiin la aqoonsaneen oo ayaga xitaa ku qori warbixin buuga bukaan jiifka. Shaqaalahas waxaa kamid ah tusaale ahaan shaqaalaha la taliyaha bulshada iyo shaqaalaha la shaqeynaayo shaqaalaha la aqoonsanyahay.

Ka akhriso buugaada bukaan jiifka internetka

Adiga oo daryeel caafimaad ka helay gobalka la dhaho Västerbotten waxaad buugaada bukaan jiifka ka akhrisankartaa internetka. Adiga waxaad soo gali bogga internetka 1177.se oo isticmaali kaarka aqoonsiga oo elektroniga.

Buuga bukaan jiifka adiga waxaad ka heli warbixinta ey qoren shaqaalaha daryeelka caafimaad adiga markaa booqashada ugu imaatay, lagu jiifyay isbitaalka ama telefoonka kala soo xiriirtay shaqaalaha daryeelka. Mustaqbalka waxaa xitaa suurtagal ahaan doono inaad arkikartid dalabyada daryeelka caafimaad [remisser] iyo akhrisankartid natiijada baaritaanada.

Wakhtigaan la joogo waxaad akhrisankartaa internetka buuga bukaan jiifka laga soo bilaabo 2001 iyo wixii ka dambeeyay. Wixii qoraalo lagaa suubiyay oo wakhtigaas ka horeeyay waxaa lagu siin ayagoo warqado ah. Qoraalada oo qeybaha daryeelka caafimaadka oo cilmi nafsiga oo dadka dambiga galay, dadka weeyn, qeybta hannaanka layska dhaxlo, qeybta daryeelida iyo tababarida carruurta iyo dhallinyarada curyaamada ma laga arki karo bogga internetka oo adeega kaarka aqoonsiga oo elektroniga.

Buugaada bukaan jiifka oo warqad ahaan

Haddii adiga aad dooneysid inaad akhrisatid buugaada bukaan jiifka warqad ahaan adiga waxaad la xiriiri meeshii daryeelka caafimaadka ku siiyay. Adiga waa wici kartaa ama qoraal u diri kartaa oo ka codsaneysid in meeshii daryeelka ku siisay kuu soo diran buugaada bukaan jiifka. Daryeelka caafimaadka waxaa waajib ku ah iney jawaab ku siiyaan sida ugu dhaqsaha badan. Haddii adiga u aragtid in jawaabta wakhti dheer qaadaneyso adiga waxaad la xiriirikartaa maamulaha qeybtaas.

Mararka aadan ka qeyb-qaadan karin buugaada bukaan jiifka

Daryeelka caafimaadka markasto waxey suubin qiimeyn shaqsiyan oo haddii lagu siin ama lagu siineyn buuga bukaan jiifka. Tusaale ahaan adiga waa laguu diidikara inaa akhrisatid buugaada bukaan jiifka haddii dhakhtarka mas’uulka qiimeeyo sababo daawooyin ahaan owgeed eysan ku wanaagsaneen inaad akhrisatid. Badanaa ma dhacdo iyo waxey badanaa quseysaa qeybaha daryeelka caafimaadka oo arrimaha cilmi nafsiga.

Buuga bukaan jiifka waa la difaaci

Waxaa kaliya xaq u leh buugaada bukaan jiifka iney akhristaan shaqaalaha adiga daryeelka ku siin ama shaqaalaha kale oo sababo kale darteed u baahan warbixinta sidey shaqadooda u fulinkaran.

Markasto shaqaalaha daryeelka caafimaadka ey fiiriyaan buuga bukaan jiifka waa la diwaangalin. Adiga xaq baa u leedahay in warbixin lagaa siiyo haddii iyo markii qof akhriyo buugaada bukaan jiifka. Haddii aad dooneysid inaad warbixin ka heshid wakhtiyada la akhriyay buugaada bukaan jiifka waxaad la soo xiriiri meesha adiga daryeelka caafimaadka ku siisay iyo ka codsan iney kuu soo saaran xilliyada la soo galay buugaada bukaan jiifka. Warbixinta xilliyada la akhristay iyo qeybaha daryeelka akhristeen buugaada bukaan jiifka iyo wakhtiyada la akhristay.

Warbixinta xiriirka ka dhaxeeyo

Warbixinta xiriirka ka dhaxeeyo waxey micnaheeda tahay in qeybaha bixiyo daryeelka caafimaadka, tusaale ahaan gobalka iyo shirkadaha caafimaadka daryeelka, iney wada qeybsadan warbixinta buuga bukaan jiifka. Haddii ey cusub ey ku siin daryeel caafimaad waxey buuga bukaan jiifka ka fiirin karan haddii tusaale ahaan dhacaamo baaritaan horey lagaaga qaaday, daawooyinkaada iyo daryeeladii caafimaadka lagu siiyay.

Waa in shaqaalaha caafimaadka adiga warbixin kaa siiyaan haddii qeybta daryeelka buuga bukaan jiifka warbixinta ku qoran dadkale la qeybsadaan. Adiga waxaad xaq u leedahay inaad maya dhahi kartid haddii warbixintaada lala qeybsado daryeel caafimaad bixiyaasha kale.

Haddii daryeel caafimaad bixiyaha dooni inuu akhristo warbixinta buuga bukaan jiifka ku qoran oo daryeel caafimaad bixiye kale qoray waa in koow adiga oo bukaan jiifka la weeydiiyo haddii aad ansaxineysid. 

Haddii adiga dooneysid inaad qufushid warbixin

Haddii adiga dooneysid inaa qufushid warbixin ku qoran buuga bukaan jiifka sideysan uga mid ahaan warbixinta la qeybsado adiga waxaad ka soo saari bogga internetka Din journal foomka qufulida warbixinta[spärrblankett]. Adiga waxaa xitaa soo wici kartaa 090-785 70 04 iyo ku dhihi inaa dooneysid inaa la hadashid qofka ku shaqo leh qufulida buuga bukaan jiifka.

Haddii warbixinta ka qufushid daryeel caafimaad bixiyaasha kale ma akhrisankaran warbixintaas. Markaas waa in adiga warbixin ka siisid daryeel caafimaad bixiyaha cusub warbixinta ey doonaayaan. Warbixinta qufulan waxeey sababa u noqon kartaa in shaqaalaha caafimaadka eysan helin warbixin dhameystiran. Taasna waxey halis galin kartaa ammaanka bukaan jiifka iyo sameyn natiijada daryeelka caafimaadka iyo daryeelka aad heleysid.

Shaqaalaha caafimaadka xaaladaha qaarkood weey ka qeyb-qaadankaran warbixinta buuga bukaan jiifka adiga oggolaansho lagu weeydiin. Tusaale ahaan haddii adiga mirkaada joogin. 

To the top of the page