Sharciyada iyo xuquuqda

Qalabyada iyo taageero-bulshodeedka caqabadda shaqo loogu talagalay

Hjälpmedel och samhällsstöd vid funktionshinder - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Läs texten på svenska här

Maamulka gobolka ee caafimaadka wuxuu mas’uul ka yahay in dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ay helaan baxnaaniska gaar u ah ama baxnaaniska guud ee ay u  baahan yihiin, hadba inta suurtagal noqon karto, taasoo u suurtagelin doonto in ay nolol-maalmeedkooda ay gutaan iyo sidii xubin bulsho ahaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda ay ku gudan lahaayeen.

Baxnaaniska caafimaadka iyo daryeelka caafimaadka waxa kale oo ku jirta fursada in la tijaabiyo lana helo qalabka shaqada fududeeya kaas oo sahlaya nolol maalmeedka isla markaana kordhinaya fursad ku aadan nolon isku-filnaansho ah.

Degmadu waxay mas’uul katahay dugsiga/waxbarashada, guri haboon, daryeelka waayeelka iyo dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay iyo daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ilaa iyo heer dhakhtar ee qaababka hoyga ee gaarka ah. Qasnada caymisku waxay mas’uul ka tahay mas’uuliyada caymiska bulshada, tusaale ahaan lacagaha hawl-gabka iyo gunnada bukaanka.

Qorsheha baxnaaniska shaqsiyeed iyo qorsheha isku-dubbaridida

Marmar waxay hay’adaha u baahan yihiin wada-shaqayn ku salaysan sidii loo midayn lahaa dadaalkooda qorsheysan, oona wadajir hawlgalooda u hirgeliyaan. Waxay noqon kartaa wada-shaqaynta baxnaaniska daryeelka caafimaadeedka iyo bukaanka iyo maamulka adeegga bulshada iyo dugsiga, Khasnadda caymiska bulshada ama Xafiiska Shaqada.

Haddii dhowr hay’ado ku hawla yihiin arrimaha qofku, wuxuu qofkaas xaq ku leeyahay in loo dejiyo qorsheha isku-dubbaridida iyo qof isku-dubbaride ah oo ka caawiya isku-dubbaridida kala duwan. Qorsheha waxaa loo soo bandhiga wadajir qofka arrinta ay khuseeyo ama qof qaraabo ah waa haddii qofka arrinta khuseeyso usan ka qaybgelida awoodin

Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay curyaamada qaarkood – waa xeer xaq u yeelasho

Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay caqabadda shaqo qaarkood, LSS, waa xeerka xaq u yeelanshada. Go’aanada waafaqsan xeerka xaq u yeelanshada  rafcaan baa laga qaadan karaa oo maxkamad ayaa ka arrinsan karto.

Maamuleha daryeelka caafimaadeedka iyo bukaanka ayay mas’uuliyada saran tahay, taasoo xiriir la leh daryeelka caafimaadeedka iyo bukaanka, baxnaaniska guud, baxnaaniska itaaldarrada iyo qalabyada caawinaadda. Qofka lafaantiisa ama qof wakiil ka ah waa in u codsada dadaalka waafaqsan Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay curyaamada qaarkood. Taasoo ujeedadeeda ah in qofku u inkastoo laxaadkiisu kala dhantaalanyahay u haddana helo noolol wanaagsan oo madaxbannan.

Maamulka caafimaadka ee gobolka u gaarka ah ammuuraha caqabadda shaqo oo mas’uul ka ah baxnaaniska ayaa diyaariyo go’aan ka gaaro taageerada gaarka ah ee waafaqsan Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay caqabadda shaqo. Qofkii loo oggolaado dadaalka waafaqsan Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay curyaamada qaarkood wuxuu xaq ku leeyahay in loo dejiyo qorshe u gaar ah.

Xagee qofku la xiriirayaa?

Degmooyinka iyo Maamulka gobolka ee caafimaadka badidooda waxaa ka hawlgala gacanhaayeha Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay curyaamada qaarkood. Telafoonka su’aalaha xeerkan ku saabsan dhinaca maamulka caafimaadka ee gobolka Västerbotten waa 090-785 71 31.

To the top of the page