Uurka leh

Haweeney taageero kuu fidiso oo kula dhaqanka ah – taageertaa dumarka uurka leh

Kulturdoula - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Kuwa mardhaw dhali raba waxay ka heli karaan caawimaad iyo taageero haweeney taageero u fidiso oo la dhaqan ah. cultural doula (Haweeney ku taageerta oo kula dhaqan ah) waa haweeney ku hadasho luuqadaada waxaadna iskala soo jeedaan hal meel. Ayada lafteedu way soo martay dhalida marka waxay kuu sheegi xogta waxa dhaco intaad uurka tahay, dhalmada iyo maalmaha ku xiga dhalmada ee ugu horeeya.

Läs texten på svenska här.

Erayga cultural doula (Haweenayda ku taageerta ee kula dhaqanka ah) waxaa iswidhish lagu dhahaa kulturdoula.

Haweenayda ku taageerta ee kula dhaqanka ah mar kasta laguma tababaro daryeel caafimaad. Laakiin waxay kaa caawin kartaa inaad fahanto waxay ay kuu sheegayaan xirfadleyda daryeelka caafimaadka. Waxaad xaq u leedahay inaad la kulanto haweeney ku taageerta oo kula dhaqan ah ama turjumaan haddii aadan ku hadlin afka Iswidhishka.

Yaa loo oggol yahay inuu helo haweeney taageerta oo la dhaqan ah?

Haddii aad tahay qof uur leh kuna hadasho mid kamid ah luuqadaha soo socda waxaad la xiriiri kartaa haweeney ku taageerto oo kula dhaqan ah: Yukrayni, Ruushi, Soomaali, Carabi, Tigre, Amxaari, Dari, Farsi, Badinani, Kurmanji, Sorani ama Urdu.

Taageerada laga helo haweeney kula dhaqan ah waa mid bilaash ah.

Sidee ayaan ula xiriiri karaa haweeney i taageerto oo ila dhaqan ah?

Marka ugu horeysa ee aad booqato ummulisada waxaad ka heli doontaa xog dhamaystiran oo ku saabsan haweeneyda taageerada ee kula dhaqanka ah.

Adiga iyo ummulisada ayaa ka wada hadli doona haddii ay kugu haboon tahay inaad ka hesho taageero haweeney kula dhaqan ah iyo in kale. Markaad sidaas samayso, waxaad la kulmi doontaa haweeneyda kula dhaqanka ah booqashadaada xigta ee aad la leedahay ummulisada.

Haweeneyda ku siisa taageerada ee kula dhaqanka ah waxay kaa caawin karta waxyaabaha soo socda

Haweeneyda ku siisa taageerada ee kula dhaqanka ah waxay ku siin kartaa taageero xilliga uurka, xilliga dhalmada iyo maalmaha ugu horeeya ilmaha aad dhashay.

Waxay kuu sharixi kartaa sida daryeelka caafimaadka uga shaqeeyo Sweden waxayna kaa caawin kartaa inaad fahanto waxay kuu sheegayaan xirfadleyda daryeelka caafimaadka.

Haweeneyda ku siisa taageerada ee kula dhaqanka ah waxaa laga yaabaa inay qayb ka noqotp booqoashooyin iyo baaritaano badan. Tuusaale:

  • Booqashooyinka ummulisada inta aad uurka leedahay.
  • Baaritaanada haweenka ama muunada ka qaadida unugyada ilmo galeenka.
  • Tijaabada unugyada ee ilmo galeenka
  • Kulanka Kooxaha Waalidka.
  • Booqashooyinka xarumaha daryeelka caruurta.

Haweenka fidiyo taageerada waxaa lagu dhaariyaa inay xogta sida xirfadleyda u qariyaan

Haweeneyda fidiso taageerada waxaa lagu dhaariyaa inay xogta sida xirfadleyda u qariso. Tani waxay ka dhigan tahay inaan iyada loo ogolayn inay cid kale kaala hadasho ogolaanshahaaga la'aantiis.

To the top of the page