Umusha/dhalmada

Infegshanka ilmo-galeenka ee dhalmada kadib

Infektion i livmodern efter förlossning - somaliska

Infegshanka ilmo-galeenka ee dhalmada kadib. Taas waxa sabab u ah in ilmo-galeenka ay bakteeriya soo gashay. Daryeel caafimaad raadso si lagaaga daaweeyo.

Marka laga daaweeyo ayay dumarka badidoodu dhawr maalmood kadib bogsadaan. Mar kale ayaad uur qaadi kartaa kadib marka infegshanka ilmo-galeenka lagaa daweeyo.

Du kan läsa texten på svenska här.

Calaamadaha

Waxaad yeelaneysaa mid ama wax ka badan oo dhibaatooyinkan ah:

  • Waxaad xanuun ku yeelaneysaa caloosha xageeda hoose. Way ku damqaneysaa markaad caloosha riixdo.
  • Aad ayay u urayaan dhiiga iyo dareeraha ka soo baxaaya farjigu dhalmada kadib. Dhiiga iyo dareeraha ayaa loo yaqaan dheecaan.
  • Waxaad yeelanaysaa qandho ka sarreysa 38 digrii oo Celsius ah.

Waxaad sidoo kale yeelan kartaa madax xanuun iyadoo aad daal dareemeyso.

Waxa badiyaa infegshan la yeeshaa 1 ilaa 10 maalmood dhalmada kadib.

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Daryeel caafimaad raadso isla markaaba haddii aad u malaynayso inaad infegshan ilmo-galeenka ah qabtid.

La xidhiidh qaybta dhalmada ama dhalmada BB ga ee cisbitaalka aad ku umushay.

Daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaarka degdega ah haddii aanay ku caawin karin.

Soo wac oo talobixinhel lambarka telefoonka ee 1177

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd. Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay sidoo kale adiga kaa caawin karaan halka aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso, haddii kaas loo baahdo.

Waxay kalkaalisadu ku hadashaa af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad lambar telefoon oo wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso.

Baadhitaanada iyo daawaynta

Cisbitaalka ayaa siyaabo kala duwan laguugu baadhi doonaa. Waxa tusaale ahaan lagaa qaadi karaa shaybaadh dhiig iyo kaadida ah.

Haddii aad infegshan leedahay ayaad u baahan kartaa in antibiyootig lagugu daaweeyo. Waxaad sidoo kale u baahan kartaa dawooyin kale.

Dadka qaar ayaa in daryeel caafimaad cisbitaal lagu siiyo u baahan kara. Markaas ayuu ilmuhu la joogi karaa.

Maxaan samayn karaa?

Naso oo isdeji.

Waxaad isticmaali kartaa dawo paracetamol ku jirto haddii uu xanuun calooshi ku hayo ama aad xumad badan leedahay.

Qubeyso halkii aad ka dabbaalan laheyd. Farjiga ha marin saabuun ama kiriim/bomaato.

Maxaa keena infegshanka ilmo-galeenka?

Waxa infegshanka sabab u ah in ilmo-galeenka ay bakteeriya soo gashay.

Waxa inta badan infegshan la yeeshaa haddii ay tusaale ahaan dhalmadu wakhti badan qaadatay. Waxa sidoo kale badiyaa la yeeshaa haddii aanay mandheertu iyadu iskeed iska soo dhicin. Laakiin dhamaan dadka dhalmo noocaas oo kale ah yeeshay ayaan kuligood infegshan qaadin.

Waxa laguu qaban karaa turjumaan

Haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin ayaad turjumaan xaq u yeelan kartaa.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page