Soomaali/Somaliska

Tallaalka lagaga hortagayo hargabka

Vaccinera dig mot influensa - somaliska
This message concerns Västerbotten

Hargabka waxa sababa fayras waana mid aad u faafa. Fayraska hargabku wuxuu ku badan yahay Iswiidhan bilaha jiilaalka sannad kasta. Fayrasku waxa lagu kala qaadaa hawada waxana uu ku fidaa dhammaan haddii qof buka uu qufaco ama hindhiso. Waxaad iskaga ilaalin kartaa hargabka adigoo qaata tallaalka. Waxa lagaa tallaali karaa dhawr cudur wakhti iskumid ah.

Dadka qaarkood aad bay u xanuunsan karaan haddii ay hargabka qaadaan. Waxay gaar ahaan muhiim u tahay in la iskaga ilaaliyo hargabka, waxaana lagula talinayaa in la tallaalo.

Läs texten på svenska här.

Yaa lagula talinayaa inuu is talaalo dayrta 2024?

Waxaa lagugula talinayaa tallaalka haddii mid ka mid ah kuwan soo socda kugu habboon yihiin:

  • Adiga oo gaadhay 65 ama ka weyn.
  • Adiga oo ah xaamilo oo kusoo jiray taasi 12 todobaad.
  • Waxaad leedahay xanuun ama waxkale oo kordhiya khatarta inaad aad u xanuusatid. Tani waxay khusaysaa qofkasta oo da'da 6 bilood.
  • Aad la nooshahay qof leh habka difaaca oo leh xanuun daran.


Maxaa ii nuglayn kara inaan galo khatar weyn oo qaadida xanuun daran ah?

Tani waxay kordhinaysaa khatarta ah inaad qaadid xanuun daran oo hargabka ah:

  • Waxaad qabtaa xanuuno la xidhiidha xididada wadnaha, waxa kamida faalig.
  • Waxaad qabtaa xanuunka sambabada, tusaale ahaan xiiq.
  • Waxaad qabtaa macaan ama sonkorow.
  • Habdhiskaaga difaacu si daran ayuu diciif u noqday iyadoo ay ugu wacan tahay xanuunka ama daawada.
  • Waxaa ku xanuunaya oo hawshoodii gabay kalida ama beerka.
  • Si xad kabax ah ayuu miisaankaagu u badan yahay.
  • Waxaad qabtaa xanuuno neerfaha ah kaasoo saamaynaya neefsashadaada.
  • Waxaad leedahay naafanimo badan oo jidheed.
  • Waxaad leedahay xanuun maskaxeed.

Tallooyinku waxay ku habboon yihiin labadiinaba adiga oo qof wayn ah, iyo caruurta kawayn lix bilood.

Adigoo khatar ugu jira inay korodho khatarta inaad si daran u xanuusato sababo kale dartood waxaa lagugula tallinaya inaad qaadato tallaalka. Waa qiimayn uu sameeyay dhakhtarkaagu.

Haddii aad la nooshahay qof laga yaabo inuu si xun u qaado xanuun, waxaa lagugula talinayaa inaad iska tallaalasho hargabka si aad u dhawrto ciddaa. Tani waxay ku habboon tahay adiga haddii aad ka ag shaqayso qof aad u xanuunsan kara.

Waxaad u baahan tahay in lagu tallaalo sanad kasta

Marka lagu tallaalo, waxaad iska ilaalisay fayraska keenaya hargabka kaasoo jira sanadkan. Tallaalku wuxuu u baahan yahay in la qaato sanad walba si looga hortago fayraska.

Tallaalka lagaga hortagayo pneumococcus

Waxa kale oo jira tallaal kale oo ay tahay inaad qaadato haddii aad tahay qof lagula taliyay in laga tallaalo hargabka.

Waa tallaal ka dhan ah waxa loo yaqaan pneumococcus. Pneumococcus waa nooc ka mid ah bakteeriyada oo aad kaaga dhigi karta inaad u xanuunsato xanuunka oofta.
Ma uur ayaad leedahay, markaas uma baahnid in lagaa tallaalo pneumococcus.

Halkee ayaan ka heli karaa tallaalkayga?

Waxa lagugu tallaalayaa xaruntaada caafimaadka ama cisbitaalka Haddii aad ku nooshahay Skellefteå, waxa lagugu soo dhaweynayaa inlagu tallaalo xarunta dhexe ee tallaalka Vaccinationscentrum Skellefteå.

Haddi aad tahay qof weyn oo aad ku nooshahay guri dadka waayeelka ah oo ay joogaan shaqaale 24 saac, waxaad ka heli doontaa talaalkaaga halkaas. Waxa loo yaqaan särskilt boende Iswidhish ahaan.

Sidan ayaa loo sameeyaa tallaalka

Waxaad ka heli doontaa tallaalka hargabka iyadoo lagugu siinayo shiliis. Mudditaanka inta badan waxa laga qaataa gacanta sare. Carruurta da'doodu ka yar tahay saddex sano waxay caadi ahaan ka helaan tallaalka bowdada. Carruurta da'doodu ka weyn tahay laba sano iyo da'yarta ilaa da'da 18, waxaa sidoo kale jira tallaal ah qaab sanka lagu buufiyo.

Waxa laga yaabaa in aad xoogaa inay ku casaato oo bararto ka dib meesha lagaa muday. Waxa kale oo laga yaabaa in uu dareemo xanuun yar. Waxaa laga yaabaa in aad qandho, madax-xanuun iyo murqo xanuun ku qaadaan. Carruurtu waxaa laga yaabaa inay yeeshaan cunto xumo iyo shuban. Dhibaatadu waxay caadi ahaan ku gudubtaa dhowr maalmood gudahood.

Goorma ayaan is tallaali karin?

Haddii aad xumad leedahay, waa inaadan is tallaalin. 

Uurka iyo naas-nuujinta

Adiga oo uur leh aad ayaad ugu bukoon kartaa hargabka. Si loo ilaaliyo adiga iyo ilmahaaga, tallaal ayaa lagula talinayaa. 

Wax dhib ah uma aha ilmaha uurka ku jira. Tallaalku waxa kale oo uu ilmaha dhawaan dhashay siiya difaac wanaagsan.

Waad is tallaali kartaa xitaa haddii aad naas nuujinayso. Waxaa lagugula talinayaa in aad is tallaasho marka aad uur leedahay ugu yaraan 12 toddobaad. Waxa kale oo lagugula talin karaa tallaal hore haddii dhakhtarkaagu go'aamiyo inaad u baahan tahay.  

Waa maxay kharashku?

Västerbotten, talaalku waa lacag la'aan dadka khatarta ugu jira inay si daran u xanuunsadaan.

Haddii aad la nooshahay qof halis ugu jira inuu si xun u jirro ama haddii aad tahay qof aan lagugula talin inaad qaadato tallaalka, laakiin aad weli rabto in la tallaalo, waxaa lagugu soo dalacayaa lacag dhan 350 karoon.

Haddii aad xanuunsato

Haddii aad qabto ifilada in kastoo lagu tallaalay, calaamaduhu badanaa waa nooc ka fudud.

Guriga joog ilaa inta aad xumad leedahay oo aad xanuun dareemayso. Ku qufac oo ku hindhiso laabta gacantaada oo dhaq gacmahaaga marar badan si aad uga fogaato in aad dadka kale qaadsiiso.

Waa inaad la xidhiidhaa daryeelka caafimaadka tallo haddii aad hargabku kugu dhacdo oo aad tahay qof lagula taliyay in lagu tallaalo.

Saamayn ku yeesha oo ka qayb qaado daryeelkaaga

Waa muhiim inaad fahanto waxa shaqaalaha daryeelka caafimaadku kuu sheegayaan. Su'aalo weydii haddii aadan fahmin. Waxaad caawinaad ka heli kartaa turjumaan haddii aadan ku hadlin Swedish.

Soo sheeg haddii aad u baahan tahay turjumaan garanaaya luuqadaada markaad mudaynaysid booqashadaada. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimo turjumaada haddii aad tahay naafo.

To the top of the page