Soomaali/Somaliska

Tallaalka hargabka loogu hortago

Vaccinera dig mot influensa - somaliska
The information concerns Västerbotten

Xilliyada dayrta iyo qaboobaha kasta waxaa dalka Iswiidan, ka soo ifbaxa cudurka hargabka. Hargabka si dhaqsi badan ayuu dadka ugu kala qaadaa. Tallaalka hargabka loogu hortago waxaa looga badbaada dhowr nooc oo hargab ah. Intiisan hargabka u faafin sidii aad u hesho difaac heer sare ah, waxaa lagula talinayaa inaa sannad kasta hargabka iska tallaasho.

Dadka qaarkood si halis ah ayay ugu xannuunsadaan haddii hargabka u ku dhaco. Xaaladdaas waxaa dhici karto in ay u baahdaan in isbitaal la seexiyo. 

Dadka kooxaas ka tirsan si gaar ah ayay muhim ugu tahay in hargabka ay iska tallaalaan 

sidaas darteed ayaa lacag la`aan lagu tallaali karaa. 

Haddii aadan ka tisanayn dadka lagula talinayo in hargabka ay iska tallaalaan oo laakiinse aad doonayso inaad hargabka iska tallaasho kharashka tallaalka waa 350 kronor.

Kharashka waa intaas xitaa haddii qof aad isku hoy tihiin awgeed aad is-tallaalayso.

Läs texten på svenska

Sidee ku ogaan karaa haddii aan kooxaas ka tirsan nahay iyo in kale?

Dadka badidooda si halis uguma xannuunsadaan hargabka mana u baahna in hargabka ay iska tallaalaan. Laakiin haddii aad ka tirsan tahay mid kamid ah dadka hoos ku tilmaaman waxaa lagula talinayaa inaad hargabka iska tallaalto: 

  • Haddii 65 sano aad jirto ama ka wayn tahay. 
  • Haddii aad qabto cudur ama wax kale kaasoo sababi karo inaad si halis ah hargabka ugu xannuunsato.  
  • Haddii aad la nooshahay qof difaaca jirkiisa u aad u liito. 

Haddii aan halis dheeraad ugu jiro in aan si halis ah ugu xannuunsado maxaan samayn karaa?

Waxaa jiraan waxyaabo kala duwan oo kordhiya halista inaad si darran u xannuunsato. 

Laakiin haddii aad ka tirsan tahay mid kamid dadka hoos ku tilmaaman waxaa lagula talinayaa inaad hargabka iska tallaalto: 

  • Haddii aad qabto cudur wadnaha ama sambabaha ku dhaca kaasoo si fudud aan loo daryeeli karin ama gebi ahaanba aan la daryeeli karin. 
  • Haddii aad qabto cudurka sonkorowga. 
  • Haddii aad qabto cudur ama aad qaadato daawooyin hoos u dhiga heerka difaaca jirka ee infekshanada. 
  • Haddii aad qabto hawlgabka beerka ama kiliyaha kuwaasoo aan si fiican u shaqaynayn.  
  • Haddii neefsashada ay kugu adag tahay, sida tusaale aad qabto cudurka neefta, aad u cayilan tahay ama qabto cudurrada dareenada ama murqaha ku dhaca. 
  • Haddii aad la dhiban tahay dhowr itaaldarro oo kala duwan. 
  • Haddii aad qabto cudurka Down syndrome 
  • Haddii aad tahay qof dumar oo caafimaad qaba oo tan iyo 12 toddobaad uur leh. 

Talooyinka wuxuu khuseeyaa adiga oo ah qof wayn iyo xitaa ilmaha oo da`dooda ka wayn lex bilood. 

Tallaalka cudurka covid-19 looga hortago

Dadka qaarkood waxay u baahan yihiin in xitaa cudurka covid-19 laga tallaalo  
Waxaa lagula tallinayaa inaad is-tallaalto haddii:  

  • Haddii sannadkaan aad 75 sano buuxsan doonto ama in ka wayn. 
  • Haddii si halis ah aad ugu xannunsan karto cudurka covid-19.  

Uma baahnid inaad is-tallaalto haddii aad uur leedahay. Laakiin haddii aad uur leedahay oona halis ugu jirto, inaad si darran ugu xannunsato cudurka waxaa lagula talinayaa in is-tallaalto.

Ku saabsan iska tallaalida cudurka covid-19 haddii aadan hubin, waydii shaqaalaha markii hargabka laga tallaali doono. 

Tallaalka looga hortago bakteeriga pneumococci

Dadka qaarkood waxay u baahan yihiin in xitaa bakteeriga pneumococci iska tallaalaan. Bakteeriga pneumococci waa nooc bakteeri oo sababa inaad si aad ugu xannuunsato cabuuqa sambabaha. 

Waxaa lagula tallinayaa inaad is-tallaalto haddii: 

  • Haddii sannadkaan aad 65 sano buuxsan doonto ama in ka wayn. 
  • Haddii si aad ugu xannuunsato cabuuqa sambabaha. 

Ku saabsan tallaalka looga hortago bakteeriga pneumococci haddii aadan hubin, waydii shaqaalaha markii hargabka laga tallaali doono.

Halkee ayaan iska-tallaali karaa?

Waxaad iska tallaali kartaa xarumaha daryeel-caafimaadeedka. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka qaarkood waa inaad ballanka tallaalka qabstaa. 

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka qaarkood waxaa booqan kartaa ballan la`aan drop in. 

Booqo rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay bogga internetka 1177.se. 

Waxaad barta internetka ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan wixii aad samayn lahayd. Haddii aad Skellefteå degan tahay waxaad iska tallaali kartaa  
 
Vaccinationscentrum - Anderstorg 

Haddii da´daada ay ka wayn tahay oo aad degan tahay vårdhem [hoyga daryeelka] oo habeen iyo maalin shaqaale goobjoogaan halkaas ayaa iska tallaali kartaa. Magaca af-iswiidish ee hoyga noocaas waa särskilt boende för äldre. (Hoyga gaar ahaan waayeelada loogu talagalay)

Qof kasta uma baahna in u is-tallaalo

Uma baahnid inaad is-tallaalto haddii aadan weli buuxsan 65 sano oona aadan ka tirsanayn dadka loogula taliyay in ay is-tallaalaan  

-Dadka badidooda oo caafimaadkooda wanagsan oo hargab ku dhaca qiyaatii hal toddbaad kadib way ka bogsadaan. 

Haddii aad badsato inaad si taxaddarsan gacmaha isaga dhaqdo waxaad hoos u dhigi kartaa in cudurka lagu qaadsiiyo. 

Teeda kale waa inaad ka fogaata dadka u hargabka ku dhacay.  

Turjubaan miyaa u baahan tahay?

Waa muhim inaad fahanto warbixinta shaqaalaha caafimaadka. Haddii aadan fahmin su`aal waydii.  

Haddii aadan af-iswiidish ku hadlin waxaa ku caawini karo qof turjubaan ah.  

Markii aad booqashada ballansanayso wargeli inaad u turjubaan afkaaga hooyo ku hadlo u baahan tahay. 

Xitaa haddii aad itaaldarro la dhiban tahay waxaa laga caawini karaa dhinaca turjumida.

To the top of the page