Doorashada daryeelka-caafimaadka ee gobolka Västerbotten

Hälsoval Västerbotten - somaliskaThe content concerns Västerbotten

Qofku wuxuu dooran karaa rugta daryeel-caafimaadeedka u doonaayo.

Läs texten på svenska här

Shabakadda internetka 1177.se waxaa laga helaa adreesyada xarumaha daryeel-caafimaadeedka iwm ee ku yaalaan gobolka Västerbotten ee la dooran karo.

Sidatan ayaa xarunta daryeel-caafimaadeedka loo doorta

Wuxu qofku iska diiwaan gelinayaa xarun caafimaad ama rug caafimaad oo dalka ah iyadoo la adeegsanayo adeega elaktarooniga ah ee Hagida Daryeelka 1177 ama iyadoo la buuxinayo foom. Foomam la turjumay waxa laga helayaa iyo xarumaha caafimaadka.

Xarumaha caafimaadku qof ku jira diiwanka diiwaan-gelinta ee Iswiidhan ma u diidi karaan in la iska diiwaan geliyo meesha uu qofku doonayo.

Haddii qofku guuro gudaha gobolka ama u soo guuro gobolka isla markaana aanu samayn wax doorasho ah waxa laga diiwaan gelinayaa xaafada qofku kaga jiro diiwaanka diiwaan-gelinta. Caruurta cusub ee dhalatay waxa ugu horeyn laga diiwaan-gelinayaa isla xarunta caafimaad ee waalidka. Caruurta ka yar 16 sano waa waalidka kuwa dooranaya xarunta caafimaadka.

Xiriir daryeel-caafimaadeed oo joogto ah

Qofku wuxu heli karaa xiriir joogto ah oo dhakhtar ah dhinaca xaruntiisa caafimaad. Laakiin ma la ballan qaadi karo in isla dhakhtarka qofku doonayo uu helayo. Waxa kale oo qofku uu codsan karaa in la helo xiriir daryeel caafimaad oo joogto ah, qof aan ahan dhakhtar, waa haddii qofku u baahanyahay arrintan.

Saacadaha ay furanyihiin

Dhammaan xarumaha daryeel-caafimaadeedka waxay furan yihiin maalmaha caadiga ah. Khadka taleefanka ayaa lagala xiriiri karaa haddii qofku uu baahan yahay talo ama inuu ballan qabsado. Haddii qofku u xannuunsado xilli ku aadan habeen ama maalin fasax ah, waxaa muhim ah in u khadka taleefanka u kula xiriiro 1177 kuwaasoo u gudbin doono goobta u daryeel-caafimaadeed ka heli karo. Xaaladaha qaarkood waxaa dhici karto in qofku loo gudbiyo heeganka daryeel-caafimaadeedka koowaad. Heeganka daryeel-caafimaadeedka koowaad ee gobolka Umeå wuxuu ku yaalla degmada Ålidhem iyo Skellefteå iyo Lycksele wuxuu ku dhexyaala waaxda daryeel-caafimaadeedka degdegga ee isbitaalka. Goobaha leh daryeel-caafimaadeedka loo yaqaanno sjukstugor kolba qollo ayaa xilka heeganka daryeel-caafimaadeedka koowaad la wareego. Talo-bixin awgeed, waxaa had iyo jeer la wici karaa 1177.

Rugaha daryeel-caafimaadeedka ee la dooran karo

Healthcare centres in Västerbotten

To the top of the page