Baaritaano/tijaabooyin

Martiqaadid tallaalka bilaashka oo ka hortiga faayraska HPV iyo qalabka aad iskaga baareysid HPV oo gobolka Sörmland

Erbjudande om gratis vaccination mot HPV och självtest för HPV i Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

HPV, humant papillomvirus, waa faayras aad caadi u ah. Faayraska HPV wuxuu sabab u noqonkara tusaale ahaan kansarka ku dhaco ilmo-galeenka. Adiga oo ah dumar iyo dhashay 1994-1999 waxaa lagugu martiqaadi tallaal aadan wax lacag bixineyn oo iska tallaalikartid faayraska HPV, humant papillomvirus, iyo qalabka aad iskaga baarikartid HPV, oo suubineysid marka aad is tallaaleysid.

Adiga leheen jinsi sharciyesneen, laakin jirkaada leeyahay ilmo-galaeenka, waa lagugu martiqaadi tallaalka iyo wakhti tallaal waad ballansankarta.

Wakhti ballanso

Dalbo goobta caafimaadka aad dooneysid inaa iska tallaashid iyo wakhti ballanso adigoo isticmaali xiriiriyaha hoostan. Adiga waxaa xita soo wicikarta telefoon lambarka 016-10 40 44 oo waxaan kaa caawin wakhti ballansashada.

Goobahaan baa adiga iska tallaalikarta.

Martiqaadkaan wuxuu xita quseeyaa adiga horey tallaalka usoo qaatay

Daawada tallaalka aan isticmaaleyno waxaa la dhaha Gardasil 9 iyo ku siin diifac ka sii ballankaran tallaalkii horey. Sidaas daraadeed buu martiqaadkaan xita quseeya adiga oo horeyba iskaga tallaalay HPV.

Iska baar faayraska HPV

Tallaalka kadib adiga waxaa lagu siin qalab aad iskaga baarikartid faayraska HPV.  Baaritaanka aad iska qaadan waxaa ku soo diri bostada. Warbixin oo sida aad suubineysid marka aad baaritaanka iska qaadeysid baa la socdo qalabka baaritaan iskag qaadida.

Adiga waxaa kamid tahay cilmi baaritaan

Marka aad tallaalka qaadatid adiga waxaad ansaxin inaa kamid ahaaneysid cilmi baaritaan qaran oo ujeedkiisa yahay dabargoynta kansarka ku dhaco ilmo-galenka oo Iswiidhan. Adiga inaa oggoshahay ka qeybqaadashada cilmi baaritaanka waxaad bixin marka aad tallaalka qaadaneysid. Horey usoo qaado kaarka aqoonsiga marka aad tallaalka qaadashada u imaaneysid.

Warbixin kale oo cilmi baaritaanka ku saabsan halkaan ka akhriso Bogga internetka oo warbixinta HPV (waa warbixin ku qoran iswiidhish).

Kadib tallaalka iyo baaritaanka

Jawaabta baaritaanka waxaa la heli 3-4 isbuuc kadib marka aad baaritaanka suubisid. Soo gal adigoo isticmaali mobilt BankID si aad u heshid jawaabta baaritaanka (waa warbixin ku qoran iswiidhish).

Bogga internetka oo la dhaho hpvcenter.se baa ka akhrisankarta habka aad u fahmi laheed jawaabta baaritaanka aad suubisay (waa warbixin ku qoran iswiidhish).

Haddii baaritaankaada laga helo HPV waxaa laguu soo diri wakhti ballan aad la kulmeysid kaalkaaliso ummuliso si baaritaan dhacaan lagaaga qaado.

Adiga waxaa lagugu martiqaadi tallaal kale 3 sano kadib.

Adiga oo uur leh ama naas nuujin

Adiga oo uur leh tallaalka ma qaadaneysid, maadaama tallaalka HPV aanan lagu tijaabin dumar uur leh. Adiga oo canug naas nuujin waa qaadankartaa tallaalka. 

Adiga oo sanadkale dhashay

In la tallaalo dadkii dhashay 1994-199 baa loo arkaa iney natiijo weyn keeneyso. Dadka sanadyadaas dhashay aad buu ugu faafi HPV. Isla markasna wey yartay tirada oo tallaal haysato.

Adiga oonan dhallan 1994–1999 waa qaadankarta tallaalka cusub oo la dhaho Gardasil 9. Adiga baa iska bixineysid kharashka tallaalyada.

To the top of the page