Soomaali/Somaliska

Baaritaano/tijaabooyin

Undersökningar/prover - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
  • Fiiruska HPV iskaga baar Sörmland

    Testa dig för HPV-virus i Sörmland - somaliska

    Ma tahay qof dumar ah, oo da'deedu u dhaxayso 23 ilaa iyo 70 sano? Markaas waxaad si joogto ah u heli doontaa wax leeskaga baaro fiiruska HPV-ga. Waxaad baaritaanka iskula sameyneysaa guriga. Wuxuu baaritaanku muujinayaa haddii aad qabto fiiruska HPV-ga, kaas oo keeni kara cudurka kansarka.

  • Martiqaadid tallaalka bilaashka oo ka hortiga faayraska HPV iyo qalabka aad iskaga baareysid HPV oo gobolka Sörmland

    Erbjudande om gratis vaccination mot HPV och självtest för HPV i Sörmland - somaliska
  • Baaritaanka naasaha - raajada naasaha

    Mammografi - somaliska

    Waxaad si joogto ah u samayn kartaa baaritaannada naasaha iyadoo la adeegsanayo raajada naasaha marka aad gaarto da' gaar ah. Tani waa in la hubiyo haddii aad qabto cudurka kansarka naasaha.

  • Baaritaanka lagu ogaanayo HPV ee afka ilmo-galeenka

    Upptäck HPV i livmoderhalsen - somaliska

    Baaritaanka ayaa si joogto ah loo heli karaa marka aad gaarto da' gaar ah. Dheecaan qaadida ayaa laga soo qaadaa xubinta taranka haweenka si loo baaro. Baaritaanku wuxuu muujinayaa inaad qabto fayraska papilloma ee aadanaha, oo loo yaqaan HPV. HPV wuxuu keeni karaa isbeddello unugyada ah. Isbeddellada unugyada waxay isu beddeli karaan kansarka afka ilmo-galeenka (kansarka afka ilmo-galeenka).

  • Baaritaanka PSA ee qanjirka shahwada ragga sameeya (prostata)

    Blodprov: PSA - somaliska

    Tijaabada PSA-du waa tijaabo dhiiga oo muujineysa haddii ay wax qanjidhka shahwada ragga iska bedeleen. Waxa jira isbeddello noocan oo kale ah oo aan khatar aheyn iyo kuwa keeni kara kansarka ku dhaca qanjirka shahwada ragga sameeya. Iyadoo la isticmaalaayo tijaabada PSA ayaa dhakhtarku uu ogaan karaa haddii aad u baahato in laguu sameyso baadhitaano dheeraad ah ama daaweyn.

To the top of the page