Raadso daryeel

Iska tallaal hargabka

Influensavaccination i Sörmland - somaliskaThe content concerns Sörmland

Xanuunka hargabka badanaaba maaha mid khatar leh. Haddii aad leedahay cudur wadnaha iyo sambabada ah oo joogto ah ama cuduro kale oo joogto ah, aad uur leedahay ama ka weyntahay 65 sanno ama da’weyn tahay markaasi waxa ammaan ah inaad is tallaashid. Haddii aad ka tirsantahay mid ka mid ah kooxahaasi waa bilaash tallaalku.

Waa maxay hargabku?

Hargabku waa xanuun faayrus kaas oo caadi ka ah Iswiidhan xilliga nus sanadeedka jiilaalka. Hargabka caadiga ah waxa kale oo lagu magacaabaa hargab xilliyeedka. Noocyada hargabyadu way kala duwanyihiin sannad ilaa sannad oo tallaalkan arrintaas ayaa lagu waafajiyaa. Sidaas darteed waa muhiim inaad is tallaasho xilli dayreed kastaba si aad u hesho difaac fiican oo ka hortaga nooca hargabka ee xilligaas taagan.

Miyay khatar tahay in la hargabo?

Dadka badankooda ee u xanuusada waxa hargabku ku keenaa xummad sareysa, qufac, madax xanuun iyo xanuun laabatooyinka ah. Badanaaba waxad caafimaadaysaa hal toddobaad gudihiisa. Balse haddii aad ka tirsantahay kooxyada khatarta ku jira wuxu hargabku keeni karaa in aad u xanuusato si khatar ah.

Qofkee ayay tahay inay is tallaalaan?

Dadka ah 65 sanno ama ka weyn kuwa uurka leh (ka dib toddobaadka 16-aad ee uurka) iyo dhamaan dadka leh mid ka mid ah cudurada ama xaaladahan hoos ku qoran, iyadoo aan loo eegin da’da, waxa lagu casuumayaa tallaal bilaash ah:

  • Xanuun joogto ah oo wadnaha iyo/ama sambabada ah
  • Kaadi macan daaweyntiisu dhib leedahay
  • Xiiq dhib leh taas oo keentay hoos u dhac laxaadka ah
  • Hoos u dhac xoogan oo difaaca infekshanada ah (ay keentay cudur ama daaweyn)
  • Liicid joogto ah oo keliyaha- ama beerka ah
  • Cudurada neerfayaasha muruqyada taas oo raad ku yeelatay neefsiga
  • Caruurta leh caqabado awooda ah oo dhowr ah
  • Dadka miisaankoodu sareeyo ee leh BMI ka sareeya 40

Haddii aanad hubin inaad ka tirsantahay koox khatar ah waxad mar kastaba la hadli kartaa dhakhtarkaaga.

Tallaal la lagu kalsoonaan karaa waxay bixisaa difaac fiican

Malaayiin dad ah aduunka oo dhan ayaa la tallaalay tan iyo sanadihi 1970-yadi. Waa tallaal lagu kalsoonaan karo oo bixiya difaaca ugu wanaagsan ee ka hortaga hargabka. Marka aad is tallaasho waxa mararka qaarkood guduud ku noqon karta kuna barari karta meeshi lagaa tallaalay oo waxa halkaas laga dareemi karaa damqasho yar. Mararka qaarkood waxad yeelan kartaa xummad. Dhibaatadani iskeed ayay u joogsata laba maalmood gudahood.

Halkan ayaad iska tallaali kartaa

Waxad iska tallaali kartaa rugta caafimaadka ee aad ka tirsantahay. Laga bilaabo bilowga noofambar waxay rugaha caafimaadka ee gobolku leeyihiin wakhtiyo gaar ah oo bilaa ballan ah. Haddii wakhtiyadani aanay kugu haboonayn waxad taas baddelkeeda ballan ka samaysan kartaa rugta caafimaadka iyadoo loo marayo telafoon ama bogga internetka. Wakhtiyada bilaa ballanta ah waxad ka helaysaa macluumaadka xiriirka ee ku yaala 1177.se.

To the top of the page