Raadso daryeel
Hagahaaga daryeelka caafimadka ee Östergötland
Vården i Östergötland - somaliskaThe content concerns ÖstergötlandHaddii aad jirrato ama bukooto ama dhaawacanto, waxaa jira kiliniigyo ama rugo caafimaad kaladuwan oo ku deeqa talo iyo daawayn. Midka aad u tagayso waxay ku xiran tahay sida uu u daran yahay cudurka ama dhaawaca aad qabto. Hagahan ayaa kuu sharxaya nooca daryeelka laga helo kiliniigyada kaladuwan iyo halka ugu fiican ee aad gargaar ka heli karto marka aad u baahato.