Hagahaaga daryeelka caafimadka ee Östergötland

Xarumaha goobjoogga ee habeenkii iyo maalmaha wiikeendiga

Jourcentralen – andra språk - somaliska
The information concerns Östergötland

Marka aad daryeel u baahan tahay habeenkii iyo maalmaha wiikeendiga ee Sabtida iyo Axadda, xarumaha goobjoogga ayaa adiga diyaar kuu ah. Waxay gargaar kaa siinayaan cudurrada iyo dhaawacyada aadan u sugi karin ilaa la furayo xarunta daryeelka caafimaadka. Mar walba wac lambarka 1177 si aad u hesho talo iyo qiimayn. Shaqaalaha 1177 ayaa qiimeynaya haddii aad u baahan tahay daryeel xarunta goobjoogga, waxayna kuu qoondeynayaan waqti haddii loo baahdo. Adigu ma ballansan kartid.

Läs denna text på svenska

Tusaalooyinka waxyaabaha aad gargaar ka heli karto:

  • Caabuqa adag ee nidaamka neefsashada sare
  • Dhag xanuunka daran
  • Saris qotodheer
  • Caabuqa kaadi mareenka ee leh calaamado cudur oo daran.
To the top of the page