Hagahaaga daryeelka caafimadka ee Östergötland

1177 dhanka telefoonka

1177 Vårdguiden på telefon – andra språk - somaliskaThe content concerns Östergötland

Haddii aad talo u baahan tahay marka ay xiran yihiin xaruntaada daryeelka caafimaadka iyo kiliniigyada kale, waxaad garaaci kartaa 1177, oo saacad walba furan. Kalkaaliyaha caafimaadka ee telefoonka kaa qabta ayaa qiimayn kara daryeelka aad u baahan tahay waxuuna talo kaa siin karaa waxa aad laftigaagu samayn karto iyo halka aad tagi karto haddii aad u baahan tahay gargaar caafimaadeed.

Läs denna text på svenska

Haddii aad dalka dibaddiisa joogto oo aad u baahan tahay talo caafimaadeed, garaac lambarka +46 771-11 77 00. Haddii aad isticmaasho telefoon qoraal ama TTY ama telefoon fiidiyow, waxaad heli kartaa talo caafimaadeed taasoo loo adeegsado turjumaan farakahadal, oo markaa wacaya lambarka 1177.

Waxaad wici kartaa marka:

  • Aad bukooto ee aadan xiriir hore ula bilaabin xarun daryeel caafimaad
  • Aad waqti gaaban bukooto
  • Aad bukooto ama jirrato ee ay xiran tahay xarunta daryeelka caafimaadku.
To the top of the page