Hagahaaga daryeelka caafimadka ee Östergötland

Waaxda gurmadka degdegga ah

Akutmottagningen – andra språk - somaliskaThe content concerns Östergötland

U tag waaxda gurmadka degdegga ah marka aad la kulanto cudurro iyo shilal daran. Waxaa marka hore la daaweeyaa bukaanada inta ugu badan daryeel u baahan. Haddii cabashooyinkaagu aanay darnayn, waxaad halis u gelaysaa in aad waqti dheer sugi doonto ama in laguu diro xaruntaada daryeelka caafimaadka ama xarunta goobjoogga.

Läs denna text på svenska

Waaxaha gurmadka degdeggu waxay ku yaallaan isbitaallada Linköping, Norrköping iyo Motala. Waaxda gurmadka degdeggu waxay furan tahay 24 saacadood maalintii. Linköping iyo Norrköping waxaa labadoodaba weliba ku yaalla waaxda gurmadka degdegga ah ee caafimaadka carruurta oo loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada ilaa 18 jir ah ee qabta xaalado caafimaad oo daran.

U tag waaxda gurmadka degdegga ah xaaladaha ay ka mid yihiin:

  • Xanuunada xabadka
  • Jabka lafta ee laga shaki qabo
  • Dhiigbaxa daran
  • Neefsashada adag
  • Shilka daran.

Xaaladaha caafimaad ee daran, ee nafta halis gelinaya, u wac lambarka 112.

To the top of the page