Daryeelka caafimaadka dhalaanka ee gobonla Västra Götaland

Daryeelka caafimaadka dhalaanka ee gobonla Västra Götaland

Om barnhälsovården i Västra Götaland - somaliskaThe content concerns Västra Götaland

Sidaan ayay u shaqaysaa rugta caafimaadka carruurta (BVC) ee Västra Götaland

Dhammaan carruurta Iswiidhan ku nool waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka dhallaanka waxaana kusoo dhawaynanaa rugta caafimaadka carruurta (BVC). BVC waxaa loo soo gaabshay rugta caafimaadka carruurta waana qayb ka mid ah rugta caafimaadka. Laga bilaabo markuu ilmuhu dhasho illaa uu iskuulka ka bilaabayo, wuxuu daryeelka caafimaadka dhallaanka la socdaa caafimaadka, koritaanka, horumarka u samaynayo waxaana adiga waalidka ah ka helaysaa saacidaad.

Dhammaan kulamada rugta daryeelka caafimaadka carruurta (BVC) waxaa mudnaanta la siiyaa waxa ilmaha u fiican. Waalid ahaan ilmahaaga si fiican ayaad u taqaan waxaadna fursad u helaysaa inaad ka hadashid ilmahaaga iyo in waalid la ahaado. Waxaa jira barnaamijka caafimaadka carruurta ee heer qaran kaasoo sharraxaya ballamaha/kulamada daryeelka caafimaad ee loo fidiyo ilmaha laga bilaabo markuu dhasho illaa intuu iskuul ka bilaabayo. Ballamaha marka la qabanayo waxaa la waafajinayaa baahida ilmaha iyo waalidka. Waxay badanaa kalkaalisadu adiga iyo ilmaha kula kulmaysaa rugta caafimaadka carruurta (BVC). Waxay mararka qaarkood kalkaalisadu idinku imaanaysaa gurigiina. Waxaad rugta caafimaadka carruurta (BVC) ka helaysaa warbixin intaa dheer oo ku saabsan marka la gaarayo wakhtiga ballanta caafimaad. Dhammaan carruurta waxaa loo fidinayaa tallaalo sida uu dhigayo barnaamijka tallaalka carruurta ee heer qaran.  

Dhammaan dadka ka shaqeeya rugta daryeelka caafimaadka dhallaanka (BVC) waxaa saaran waajib sir xajin. Taasi waxay la micne tahay inaan la gudbin karin warbixin ku saabsan ilmaha ama adiga waalidka ah iyadoo aan oggolaansho lagaa haysan. Waxaad xaq u leedahay turjubaan haddii aad u baahan tahay. Ballantu (kulanku) waa bilaash. 

Kasii akhri

Ballamaha iyo baaritaanada daryeelka caafimaadka dhallaanka ee Västra Götaland

Turjubaan

Haddii aanad ku hadlin ama aanad fahmin luuqadda af iswiidhishka, waxaa aad xaq u leedahay in aad hesho turjubaan si aad isku af fahmtaan adiga iyo shaqaalaha ka shaqeeya rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC. Fadlan u sheeg kalkaalisada caafimaadka ee ka shaqeysa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC in aad u baahan tahay in laguu qabto turjubaan. Turjubaanku wuxuu kuugu turjumi karaa telefoon, kombuyuutarka (khadka) ama waxaa uu iman karaa isla goobta.

Sidoo kale haddii uu maqalkaagu liito, dhego la’dahay ama dhegaha iyo indhaha la´dahay waxaa lagugu caawin karaa in laguu turjumo. Waxaa kale oo aad heli kartaa caawimaad haddii uu dhib kugu yahay hadalka, akhriska ama qoraalka.

Turjubaanka waxaa qabanaya xeerka sir qarinta. Taas oo macnaheedu yahay in aanu turjubaanku bixin karin ama cid kale u sheegi karin macluumaad ku saabsan adiga iyo ilmhaaga haddii aan adiga oggolaansho lagaa helin. Asxaabta iyo qaraabada ma qabanayo xeerka sir qarinta. Lama oggola marnaba in carruurta ay waalidkood u turjumaan.

Kasii akhri

Turjumaad luuqadayda

Adeegyada turjumaadda markii dhiminaansho jirto (svenska)

Yaa ka shaqeeya rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC?

Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeeya waxaa ay takhasus gaar ah u leeyihiin carruurta. Booqashooyinka aad ku timaado waxaa inta badan la kulantaa kalkaalisada caafimaaadka ee ku qaabilsan , kalkaalisada caafimaadka ee ku ah u leh carruurta (barnsjuksköterska) ama waa kalkaaliso caafimaad oo qaabilsan waa kalkaaliso caafimaad oo qaabilsan degmada oo dhan (distriktssköterska). Qaar ka mid ah kulanada daryeelka caafimaadka waxaa aad si wadjir ah ula kulmi doontaa kalkaalisada caafimaadka iyo dhakhtarka labadaba.

Haddii uu wax welwel ah ka qabto koritaanka ilmahaaga ama uusan gaadhin halkii aad rabtey, waxaa jirta fursad aad kula xidhiidhi karto dhakhtarka dhaya maanka (psyklog). Haddii ka waalida ahaan aysan xaaladaada caafimaad aheyn taam waxaa aad sidoo kale heli kartaa caawimaad.

Rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka waxaa ay wada shaqeyn ka dhaeysaa hay’adaha kale ee la kulma carruurta iyo qoysaskooda.

Dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC waxaa qabanaya xeerka sirta qarinta. Taas oo ay macnaheedu tahay in aysan shaqaaluhu bixin karin ama cid kale u sheegi karin macluumaad ku saabsan adiga iyo ilmhaaga haddii aan adiga ogolaasho lagaa helin.

Qofka haysta ilmo dhawaan dhashey

Waxaa aad haystaa fursad aad adigu ku dooran karto rugta caafimaadka iyo rugta caafimaadka carruurta, BVC, ee ilmahaagu ka tirsanaan doono. Rugta daryeelka caafimaadka hooyoda uurka leh waxaa aad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida la sameeyo.  Marka uu ilmahaagu dhasho waa in aad wacdaa rugta daryeelka caafimaadka dhaalaanka BVC si aad uga qabsato balan sida ugu dhakhsaha badan. Booqashada ugu horeysa waxaa ay ka dhacdaa guriga adiga iyo ilmahaagu aad degentihiin. Mararka qaarkood waxaa loo baahdaa in uu ilmuhu booqasho ku yimaado rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka ka hor inta aan lagu soo booqan guriga.

Caawimaada loogu talogaley dadka waalidiinta ah

Mararka qaarkood waa ay fiicantahay in ay jirto cid aad kala hadasho su’aalaha aad qabto ee ku saabsan carruurta iyo qoyska. Waa wax iska caadi ah in su’aalaha iyo fikiradu ay kala duwanaan karaan, taas oo ku xidhan da’da ilmaha iyo dhacdooyinka kala duwan ee uu ku suganyahay qoyska iyo dunida ku xeersan. Waxaa markaa haboon in aad la xidhiidho rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC. Waalid kasta muhiim ayey u tahay caafimaadka iyo koritaanka ilmihiisa. Mid ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee loo igmadey daryeelka caafimaadka waa in la caawiyo isla markaana la xoojiyo kaalintaada waalidnimo.

Waxaa mararka qaarkood lagu marti qaadaa waalidiinta caawimaad kooxeed loogu talogaley waxaalidiinta, taas oo ka dhacda rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC ama xarumaha qoysaska (familjecentralen). Kooxda waalidiinta waxaa aad heysataa aad kula kulmi karto waaalidiin kale oo cusub si aad ula sheekeysato.

Haddii uu ilmahaagu xanuunsanyahay

Waxaa jiri kara carruur iy waalidiin soo booqda rugta daryeelka caafikaadka BVC oo u nugul infakshanka. Sidaa darteed si loo yareeyo halista i loo gudbiyo cudarada dadka kale, lama ogola in la soo booqdo rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC haddii adiga ama ilmahaagu aad qabtiin cudurada infakshanka, sida tusaale ahaan hargab/duri, xumada/qandho ama calool xanuumn. Haddii uu shaki kaaga jiro, waxaa haboon in aad wacdo si aad ula tashato rugta daryeelka caafimaadka BVC ee aad ka tirsantahay.

Haddii uu ilmahaagu xanuunsanyahay ama uu dhaawacmo, waxaa aan kugu soo dhaweyneynaa inaad soo booqato rugta daryeelka caafimaadka. Fadlan wac 1177 haddii aad u baahato talo bixin ku saabsan daryeel caafimaad. Waxaa aad markaa heli kartaa caawimaad in la qiimeeyo astaamaha cudurka ama caawimaad ku saabsan in laguu tilmaamo meesha aad ka heli karto daryeel caafimaad. Waxaa sidoo kale aad ka raadin kartaa macluumaad bogga internteka ee 1177.se

Kasii akhri

1177 hagaha caafimaad ee telefoonka (svenska)

Dhibaatooyinka iyo cudurrada caadiyan ilmaha ku dhaca (svenska)

Doorasha iyo bedelashada Rugta daryeelka caafimaadka BVC iyo rugaha daryeelka caafimaadka ee gobolka Västra Götaland (Västra Götalandsregionen)

Marka aad u dooreyso ilmahaaga rugta dryeelka caafimaadka, waxaa ay macnaheedu tahay in aad sidoo kale aad u dooraysid rugta caafimaadka carruurta, BVC, ee uu ka tirsanaan doono. Haddii aad adigu dooran weydo waxaa lagu diiwaan galin doonaa ilmahaaga rugta daryeelka caafimaadka iyo rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC ee idiinku dhow.  Haddii aanad markaa ku qanacsaneyn waa aad badalen kartaa marka aad rabto.

Dukumantiga caafimaad (journalen) ee ilamaahaga ee yaala rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka waaxaa uu u raacaa ilmaha kolba rugta BVC ee ilmahaagu u guuro. Haddii aad bedelato rugta daryeelka caafimaadka iyo rugrta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC ee ilmahaagu ka tirsanayahay waxaa aad u baahantahay in aad la xidhiidho kalkaalisada caafimaadka si ay ugu wareejiso dukumantiga caafimaadka (jornalen) ee ilmahaaga rugta BVC aad u badeletey.

Kasii akhri

Dooro rug caafimaad ku taal Västra Götaland (svenska)

Ka raadi rugaha caafimaadka (svenska)

Soo hel daryeel caafimaad (svenska)

Daryeelka caafimaadka dhallaanka ee Västra Götaland

Xarumaha Qoyska

Xarumaha qoysku waa goobo lagu kulmo oo adiga iyo qoyskaagu aad kula kulmi kartaan carruur kale iyo waalidiintooda. Waxaa goobtan si wadjir ugu yaala rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC, rugta daryeelka caafimaadka hooyada uurka leh iyo hay’ada adeega dadweynaha (socialtjänsten). Waxaa ay u shaqeeyaan si wadajir ah si loo caawiyo isla markaana loo xoojiya kaalinta qoyska. Xarunt qoyska waxaa loogu talogaley in ay soo booqdaan waalidiinta leh carruurta iyo kuwa waalidiinta noqon doona.

Dhamaan carrurta oo dhan waxaa ay xaq u leeyihiin koritaan uu ka reebayahay dil xagga jidhka, maskaxda ah iyo kufsi

Dhamaan carruurta oo dhan waxaa ay xaq u leeyihiin in ay ku koraan nolol ay ka raabantahay dil xagga jidhka, mid xagga maskaxda ah, sidaa aawadeed waxaa waalidiinta lagu weydiiyaa rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka ee ku yaala gobolka Västra Götaland (Västra Götalandsregionen) su’aalo la xidhiidha dilka.

Wadanka Iswiidhen sida ku xusan sharciga waa mamnuuc in loo geysto carruurta dil xagga jidhka ah, dil xagga maskaxda ah iyo kufsi. In lagu koro dagaal waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa xaalada caafimaad ee xagga jidha iyo xagga maskaxda ee ilmaha ee wakhtiga hadda taagan iyo mustaqbalka labadaba. Carruuta dareema in dil loogu geyso qoyskooda, fursada kaliya ee ay ku badbaadi karaan waa in cid kale oo ka baxsan qoyska ay wax ka qabato sida tusaale ahaan,  in  qof la xidhiidho hay’ada arimaha bulshada ee degmada. Adiga laftaada ayaa la xidhiidhi kara hay’ada adeega arimaha bulshada si aad u hesho talo bixin iyo caawimaad. Dhamaan hawl wadeenada ka shaqeeya carruurta isla markaan ka shakiya in ilmo uu dayacsanyahay waxaa saaran sida ku xusan sharciga waajib ah in ay u soo gudbiyaan hay’ada arimaha bulshada dacwad ku saabsan welwelka kaaga jira ilmaha dayacsan.

Wada sahqeynta dugsiga xanaanada carruurta iyada oo laga duulayo danaha ilmaha

Dugsiga xanaanada carruurtu waxaa uu noqon karaa qayb ka mid ah nolol maalmeedka ilmahaag. Barrayaasha ka shaqeeya dugsiga xanaanada carruurta iyaga aayaa la kulma ilmahaaga inta badan. Waxaa suurogal ah in carruurta ay mararka qaarkood u baahdaan caawimaad dheeri ah oo ku aadan koritaankooda. Hadaba si ay u helaan caawimaada sida ugu haboon waxaa muhiim ah in rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC, dugsiga xanaanada carruurta iyo adigu ka waalid ahaan aad yeelaataan wada shaqeyn.

Xidhiidh kasta oo dhexmara rugta daryeelka caafimaadka dhallanka BVC iyo dugsiga xanaanada carrurta ma dhaco haddii aan ogolaansho laga helin waalidka mas’uulka ka ah ilmaha.

Haddii aad soo booqato rugta daryeelka caafimaadka dhaalnka BVC adiga oon aan qabsan wax balana ah

Haddii adiga iyo ilmahaagu aad na soo booqataan idinka oo aan qabsan wax balan ah, waxaa dhici karta in ay adkaato in ay idin qaabisho kalkaalisada caafimaadku. Haddii balan looga qabto ilmahaagu rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka waa wakhtigaa wakhtiga loogu talogaley in aad timaadaan adiga iyo ilmahaagu. Haddii la idiin qabto balan booqasho isla markaana uusan wakhtigaas idinku habooneyn waxaa inta badan suurogal ah in la badali karo. Fadlan wac ama u sheeg rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC si aad u hesho caawimaad.

Marka ilmaha la keeni waayo kulamada daryeelka caafimaadka

Waxyaabo badan ayaa ku dhici kara nolosha muddo yar oo kooban oo dadka waawey u arkaan muddo gaaba. Marka ilmo yar la keeni waayo balan looga qabtey rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka BVC isla markaana uusan qoysku la soo xidhiidhi rugta, sida caadiga ah marka hore kalkaalisada caafimaadka ayaa wacda am balan cusub u dirta qoyska. Haddii markaa ilmaha la keeni waayo balamaha loo qabto in kastoo marar badan la xasuusiyey, waxaa dhici karta in kalkaalisada caafimaadka ay ku abuuranto welwel ku aadan ilmaha. Haddii aad ogtahay in aad gali doonto safar qaadan doona muddo dheer, aad guurtiin ama aad badashaan lambarka telefoonka, waxaa loo baahanyahay in aad wargalisaan rugta daryeelka caaafimaadka dhalaanka BVC.

Daryeelka caafimaadka dhallaanka waxaa saaran waajib ah in ay soo gudbiyaan dacwad haddii welwel laga muujiyo xaaladda ilmaha

Dacwada ku saasban welwel laga qabo ilmo dayacan oo loo gudbiyo hay’ada adeega arimaha bulsha waxaa loo yaqaanaa gudbin dacwad ku saabsan welwel laga qabo ilmaha (orosanmälan). Waxaa dacwada welwelka laga qabo ilmaha loo gudbiyaa si uu qoysku u heli karo caawimaada ay u baahanyihii si ilmaha iyo qoyskiisuba ay helaan nolol wanaagsan.

Dhamaan hawl wadeenada ka shaqeeya goobaha ku shaqo leh carruur ay da’adoodu ka yartahay 18 sano, waxaa saaran waajib sida ku xusan sharciga in ay u gudbiyaan hay’ada adeega arimaha bulshada dacwad ku aadan haddii u jiro shaki laga qabo in ilmo yar ay niloshaiisu dayacanyahay. Waxaa arinkaa lagu magacaaba waajibka gudbinta (anmälningsplikt). Waxaa uu xeerkana khuseeyaa tusaale ahaan dugsiyada waxbrashada, dugsiyada xanaanada carruurta, daryeelka caafimaadka iyo ciidanka ilaalinta nabadagelyada (polisen). Waxaa kale oo uu xitaa xeerkani khuseeyaa goobha ama meheradaha sida gaarka ah loo leeyhay.

Heshiiska xuquuqda carruurta iyo daryeelka caafimaadka dhalaanka

Wixii ka danbeeyey 1-dii bisha janaayo sanadka 2020 heshiiska qamada midoobey ee xuquuqda carruurta (FN:s barnkonvention) waxaa uu noqdey xeer ka mid ah xeerasha lagaga dhaqmo wadanka Iswiidhen. Waxaa xeerkaas ku qeexan xuquuqd uu ilmo kastaa leeyahay. Heshiiska xuquuda carruurta waxaa koobanyahay afar qodo oo loogu yeedho, afarta qodob ee mabaadiida asaasoga ah. Waxaa uu heshiiska oo dhan ka koobanyahay afarta qodob ee aasaaiga ah, kuwaa oo kala ah.

  • Waxa ay ku jirto danta ilmaha waa in mar kasta laga hormariyo wax kasta oo kale
  • Waxaa ay carruurtu xaq u leeyihiin in ay cabiri karaan fikirkooda
  • In aan haba yaraatee la takoorin ilmaha
  • Ilmo kastaa waxaa uu xaq u leeyahay in ku noolaado nolol fiican iyo in uu horumar sameeyo

Waalidka ayaa iska leh mas’uuliyada ugu weyn ee carruurtooda. Hawlaha loo igmadey daryeelka caafimaadka dhalaanka waa in ay ka kaalmeeyaan waalidka isla markaana fududeeyaan in uu waalidku u xanaaneeyo carruurtiisa sida ugu haboon, si uu ilmuhu u helo xuquuda uu xaqa u leeyahay.

To the top of the page