Uurka leh

Foosha iyo xanuunka foosha

Sammandragningar och värkar - somaliska

Ilmo-galeenku waxa weeye muruq. Mararka qaar ayuu ilmo-galeenku xilliga uurka dhuujismaa/giigsamaa. Waxa tan loo yaqaannaa fool (sammandragningar). Marka la gaadho wakhtigii umusha ayuu sidoo kale ilmo-galeenku giijismayaa. Waxa tanna loo yaqaannaa xanuunka foosha.

Läs texten på svenska här.

Sidan ayaa foosha loo dareemayaa

Markay fooshu kugu timaaddo ayay calooshu ku adkaan kartaa. Waxa la dareemi karaa inay wax aan fiicnayn/la karaahiyeysto tahay. Laakiin wax xanuun ah ma laha. 
 
Fooshu waxay badanaa ku qabataa waqtiyo aan joogto ahayn. Waxay imaan kartaa haddii aad wax qabato ama aad wax qaado. Tusaale ahaan, haddii aad degdeg u lugeyso ama aad wax kor u qaadid. 

Waa wax caadi ah in fooshu kuu timaado. 

Waxa ay badanaa fooshu kaa tagtaa markaad nasaneyso ama aad nafis tahay. 
 
Waa caadi in fooshu kuu timaado laga bilaabo badhtamaha uurka ilaa iyo intaad ka umuleyso. 

Waa sidan dareenka xanuunka fooshu

Marka uu jidhku bilaabo inuu isku diyaariyo dhalmada, ayay fooshu timaaddaa.  
 
Fooshu waxay keentaa xanuun ka badan. Waxaanu xanuunkaasi yimaadaa iyada oo uu wakhti u kala dhaxeeyaan.  

Foosha ayaa kolba ka sii xoog badata oo ka sii awood badata marka la umulaayo.  
Waxaad dareemi kartaa in hoosta cadaadis kaa saaran yahay. Dhabarka ayaa sidoo kale ku xanuuni kara. 

Markaas ayay gaadhay wakhtigii qeybta dhalmada la tagi lahaa

Marka ay qiyaastii laba ilaa saddex daqiiqo ay kolba xanuunka foosha u kala dhaxeyso, ayay caadi ahaan tahay wakhtiga la tagi doono qeybta dhalmada ee cisbitaalka.  

Wakhti kaas ka horeeya ayaad tagi kartaa haddii aad dareemeyso inaad caawimo u baahan tahay. Markasta la soo hadal qeybta dhalmada ee cisbitaalka kahor inta aanad halkaas tagin. 

Halkan ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan marka la tagayo  cisbitaalka iyo qeybta dhalmada. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Uma baahnid inaad daryeel caafimaad raadsato haddii ay fooli ku hayso. 

Waxa adkaan karta in la kala saaro foosha iyo xanuunka foosha. La xidhiidh Umuliso joogta xarunta barnmorskemottagningen haddii aad welwelsan tahay ama aanad wax hubin. 

Waxa laguu qaban karaa turjumaan 

Waxa ku caawin kara turjumaan haddii aanad Iswiidhish ku hadlin. U sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanataada booqashada qabsaneyso. 

Haddii ay xaaladdu degdeg tahay

Waxa laga yaabaa inay aad degdeg ugu noqoto in daryeelka caafimaadka lala xidhiidho haddii ay waxyaalahani adiga kugu haboon yihiin:  

  • Waxaad leedahay giigsanaan foosha iyadoo uu isla markaasna dhiig ama biyaha uurjiiftu farjiga kaa soo baxayaan. Markaa waxaad yeelan kartaa xanuunkii foosha. 

La xidhiidh mid ka mid ah rugahan caafimaadka ee soo socda: 

  • Rugta gargaarka degdega ah haddii lagu jiro qeybta hore ee uurka. 
  • Qeybta dhalmada haddii lagu jiro qeybta danbe ee uurka. 

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177 

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sida aad yeeli lahayd.  

Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin. Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi.  
Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale.  

Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Baadhitaannada

Haddii ay fooli ku hayso ama aad xanuunka foosha leedahay ayaa loo baahan yahay inay umuliso kugu baadho aaladda ultraljud. 

Waxa xitaa laga yaabaa in shaybaadh kaadi ah lagaa qaado. 

Daaweynta

Waxa laga yaabaa inaad u baahato in lagu siiyo dawo haddii aad leedahay xanuunka foosha kahor intaanay gaarin wakhtiga aad dhaleysay. 

Maxaan samayn karaa?

Uma baahnid inaad wax sameysid gaar ahaan markaad foosha dareemeyso. Laakiin waxyaabahan ayaa fiicnaan kara: 

  • Waxaad sameyn kartaa inaad biyaha saxanka qubeyska dhex gashid ama aad qubeystid.  
  • Waad nasan kartaa oo aad is dejin kartaa. 
  • Waxoogaa duugitaan fudud ah ayaa kaa caawin karta inaad nasato. 
  • Waxaad isku dayi kartaa in dhinacyo kala duwan jidhku qabto/jidhka u wareejiso. 

Waxyaabahaas oo kale ayaa kaa caawin kara oo kaa khafiifin kara xanuunka marka uu xanuunka fooshu ku hayo. 
Halkan ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan xanuun dhimista xilliga umulitaanka. 

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page