Talaalka covid-19
Vaccination mot covid-19 - somaliskaCovid-19 waa cudur faafa. Tallaalku waxa weeye habka ugu fudud/haboon ee loogaga hortagaayo in cudurka si xun loogu jirado ama loogu dhinto.

Gobolkaaga ayaa ah cidda talaalka ka mas'uulka ah. Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa khuseeya meesha aad joogto.
Uma baahnid inaad tallaalka covid-19 lacag ka bixiso.
Adiga ayaa go'aaminaaya haddii aad rabto inaad is tallaasho.
Macluumaadka qoraalka ayaa khuseeya carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.
Sidee ayaan sameeyaa si aan tallaal ugu helo?
Dhammaan dadka 12 sano jir buuxiyey waxa loo soo bandhigayaa tallaal. Carruurta qaar marka laga soo blaabo 5 sanno jirada ayaa tallaalka Covid-19 la siin karaa.
Xitaa qofka magangalyo doonka ah ama Iswiidhan sharci la’aan ku jooga ayaa bilaash tallaalka loo siinayaa. Waxay taasi khuseysaa xitaa qofka Iswiidhan wax ka barta iyo ka shaqeeyaba iyadoo xataa aanu muwaadin Iswiidhish ah ahayn.
Waxa laguu soo jeedinayaa inaad is tallaasho xitaa haddii uu covid-19 hore kuugu dhacay.
Waxaad ballanta tallaalka saddexaad u qabsan kartaa saddex siyaabood:
- Adiga oo isticmaalaya appka Alltid öppet. Waxaad u baahan tahay inaad shirkad iswidhish ah runkun u noqoto iyo inaad haysato tobanka lambar ee swidhishka (personnummer).
- Adiga oo wacaya telefoonkan oo ballanta ku qabsanaya 08–428 429 02 maalmaha shaqada 00-12.00 - waxaad u baahan tahay tobanka lambar ee iswidhishka (personnummer) si aad awood ugu yeelato inaad ballan ku qabsato lambarkan.
- Haddii aanad haysan tobanka lambar ee iswiidhanka ah? Ballan kama qabsan kartid adiga oo isticmaalaya ballanta telefoonka lagu qabsanayo. La xidhiidh xarunta caafimaadka.
Sidan ayaa talaalka loo sameynayaa
Waxa cirbada tallaalka lagaa siinayaa cududa. Dhamaan dadka 18 sanno jir ah iyo waxa ka weyn ayaa cirbad saddexaad ama mid afaraad loo soo jeedinayaa. Qofka 18 sano jir ka yar ayaa heli doona laba cirbadood. Waxa cirbadaha lagu kala siin doonaa marar kala duwan.
Qaado dhamaan cirbadaha laguu soo bandhigaayo. Markaas ayaad difaac wanaagsan oo Covid-19 kaa ilaaliya helaysaa.
Waxaad marka cirbada lagu siiyo meesha sii joogi doontaa 15 daqiiqo. Taasi waxa weeye si caafimaadkaaga loogu hubiyo.
Qofka unugyada difaaca jidhkiisu aad u dhacsan yihiin ayaa doos dheeraad ah oo tallaalka u baahan kara. Dhakhtarkaaga ayaa go’aaminaaya haddii aad taas u baahan tahay.
Ma dooran kartid nooca tallaalka ee aad heli doonto.
Weydii shaqaalaha daryeelka caafimaadka haddii ay jirto wax aad iska weydiinayso. tallaalkaaga.
Miyaan is tallaali karaa haddii aan jiranahay?
Waa in aanad is tallaalin haddii aad leedahay qandho ama calaamado covid-19 ah. Sug ilaa intaad hadana ka soo roonaaneyso.
Sidee ayaan ka dib dareemayaa?
Waxaad yeelan kartaa cududda oo ku xanuunta, madax xanuun, inaad daal dareento maalinta ugu horreysa ee tallaalka ka dib. Waxa sidoo kale dhici karta inaad barafoowdo/dhaxamooto, aad qandho yeelato ama ay laabatooyinka iyo murquhu ku xanuunaan. Waxa loo yaqaanaa saameynta xun waxaanay caadi u tahay carruurta iyo dadka waaweyn ee tallaalka qaata.
Waxay taasi caadi ahaan noqotaa dhibaato khafiif ah iyadoo dhowr maalmood gudahood iska tagta.
Saameynta xun ee tallaalka ee aan caadiga aheyn
Malaayiin qof ayaa covid-19 iska tallaalay. Waa wax aan caadi ahaan dhicin inaad saameyn xun yeelato ka dib markaad tallaalka qaadato. Waxa ka khatar weyn inaad covid-19 si xun ugu xanuunsato.
Soo sheeg saameynta xun ee tallaalka
Waxaad adigu soo wargalin kartaa hey’adda Läkemedelsverket haddii aad ka shakisan tahay in tallaalku uu wax saameyn xun ah kugu keenay. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.
Xitaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa soo sheegaya haddii ay ka shakiyaan in tallaalku uu wax saameyn xun ah keenay.
Macluumaadka ku saabsan saameynta xun ee laga shakisan yahay ayaa lasoo uruninayaa . Waxa ka dibna baaritaan lagu sameynayaa haddii ay xiriir tallaalka la leeyihiin.
Uurka iyo tallaalka
Dumarka uurka leh ayaa aad ugu jiran kara covid-19. Si aad naftaada iyo ta ilmahaba ugu illaaliso ayaa tallaalka laguugu soo jeedinayaa.
Dumar badan oo uur leh ayaa dunida tallaalka covid-19 la siiyey. Waxyeello uma keeneyso ilmaha caloosha ku jira.
Kalkaalisadaada kala hadal si aad ugu ogaato waxa adiga ku khuseeya.
Carruurta iyo tallaalka
Carruurta ayaa Covid-19 aad ugu xanuunsan karta, inkastoo aanay taasi wax caadi ah aheyn. Carruurta da'doodu tahay 12 sano jir iyo wixii ka weyn ayaa sidaas darteed tallaalka loo soo bandhigayaa. Carruurta qaar marka laga soo bilaabo 5 sanno jirada ayaa tallaalka Covid-19 la siin karaa. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa cudur xun oo sanbabada ah. Dhakhtarka ilmaha daaweynaaya kala hadal wixii idinka idin khuseeya.
Dadka ka yar 18 sano jir ayaa u baahan kara ogolaanshaha waalidka/daryeelaha si uu tallaalka ugu helo. La xiriir qof jooga meesha is tallaalistu ka dhacayso haddii aad dooneyso inaad is tallaasho, laakiin aanad ogolaansho haysan.
Qofka hore ugu yeeshay xasaasiyad xun
Kala hadal dhakhtar haddii aad horey u yeelatay xasaasiyad aad u xun taas oo aad u baahatay inaad isla maalintaasba daryeel caafimaad raadsato. Waxa taas keeni kara tallaal, dawo ama wax aad cuntay.
Tallaalka si taxaddar leh ayaa loogu kantaroolay
Tallaalka covid-19 waxa loo sugay si la mid ah sida taxaddirka badan leh ee tallaalada kale. Malaayiin qof oo dad waaweyn iyo carruurba leh ayaa tallaalka qaatay iyadoo cilmi baadhayaal ay daraasad saameyntiisa ku sameeyeen. Waxa sii socota in tallaalka daraasad lagu sameeyo.
Waxa aad bogga Så fungerar vaccin ka akhrisan kartaa oo aad ka daawan kartaa filimo tallaalka ku saabsan. Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.
Waxa uu Covid-19 kugu dhici karaxitaa haddii lagu tallaalay. Laakiin dadka la tallaalay badankoodu xoog uma xanuunsadaan.