Raadso daryeel

Daryeel caafimaadka ee dadka magangelyo doonka ah ama aan sharciga Iswiidhan haysan

Vård om du är asylsökande eller inte har tillstånd att vara i Sverige - somaliska

Qofka qaangaadhka ah/weyn ee magangelyo doonka ah ayaa xaq u leh inuu helo daryeel caafimaad iyo daryeelka ilkaha ee aan sugi kareynin. Waxay taasi xitaa khuseysaa qofka Iswiidhan jooga ee bilaa sharciga ah. Qofka 18 sano jir ka yar ayaa markasta xaq u leh inuu helo daryeel caafimaad iyo daryeel ilkaha ah.

Person som får sitt örat undersökt av sjuksköterska.
Boggu waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish.

Waxa uu daryeelka caafimaadka ee aan sugi karin tusaale ahaan noqon karaa haddii ay lug ku jabtay ay u baahan tahay in nuurad/jibis lagu xidho.

Läs texten på svenska här.

Sidee ayaan daryeel caafimaad u raadsadaa?

Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsan uu daryeel caafimaad u baahan yahay ayaad badiyaa caawimo ka heli kartaan xarun caafimaad (vårdcentral). Waxa taas sidoo kale loogu yeedhi karaa, tusaale ahaan, hälsocentral, husläkarmottagning ama familjeläkarmottagning.

Haddii aanad hubin meesha aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso

Waxaad goor kasta soo wici kartaa 1177 haddii aanad hubin meesha aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso. Waxaad ku hadli kartaa af Iswidish ama Ingiriisi.

Kalkaalisooyinka ka jawaabaaya ayaa xitaa kaala talin kara waxyaalaha aad adigu sameynayso si aad uga roonaato.

Macluumaad dheeraad ah ka akhriso Sidee daryeelka-cafimaad uga shaqeeyaa Iswiidhan.

Kaadhka LMA-ga ee dadka magangelyo doonka ah

Waxaad khaadh khaas ah ka helaysaa Hay’ada Socdaalka (Migrationsverket) markaad magangelyo dalbato. Waxa kaas loo yaqaanaa kaadhka LMA. Waa inaad kaadhka tusto markaad daryeel caafimaad raadsanayso.

Carruurta ayaa sidoo kale kaadhka LMA heleysa marka ay magangelyo dalbadaan.

Waa imisa kharashka daryeelka caafimaadku?

Carruurta ilaa 18 sano jir ah ayaan inay wax bixiyaan u baahneyn. Waxay taasi khusaysaa carruurta magangelyo doonka ah ama aan sharci ku laheyn Iswiidhan. Mararka qaar ayay carruurtu u baahan karaan inay lacag ka bixiyaan rugta gargaarka degdegga ah.

Dadka waaweyni waxay bixinayaan kharashka daryeelka caafimaadka

Qofka buuxiyey 18 sano jir ayaa badiyaa bixinaaya kharashka daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha.

Tusaale ka mid ah daryeelka caafimaadka ee lacag laga bixinaayo

  • Booqashada dhakhtarka ee xarunta caafimaadka (vårdcentral) ugu badnaan waa 50 karoon.
  • Booqashada dhakhtarka ilkuhu waa 50 karoon. Waxa uu kaasi khuseeyaa daryeelka ilkaha ee aan la sugi karin.
  • Dawada warqadda la iskugu qoro ayaa ugu badnaan qiimaheedu yahay 50 karoon. Laakin daawooyinka qaarkood ayaad qiime dhan bixineysaa, tusaale ahaan dawada qufaca.

Tusaale ka mid ah daryeelka caafimaadka ee aan lacag laga bixineynin

  • Booqashada rugta umulisada
  • Daryeelka umusha/dhalmada.
  • Booqashada xarunta daryeelka carruurta (barnavårdscentral)

Baadhitaanka daryeelka caafimaadka ayaa dadka waaweyn iyo carruurta u bilaash ah

Dhammaan dadka waaweyn iyo carruurta magangelyo doonka ah ee Iswiidhan jooga ayaa baadhitaanka caafimaadka loo fidiyaa. Taasi wax kharash ah la iskama qaadaayo.

Qofka Iswiidhan sharci la'aan ku jooga ayaa baadhitaan caafimaad loo fidinayaa markuu daryeel caafimaad raadsado. Kaasi wax kharash ah kama  bixinayo.

Turjumaan dalbo si aad luqadaada caawiyo ugu hesho

Haddii aanad af Iswiidhish ku hadlin ayaad turjumaan xaq u yeelan kartaa. Waxa turjumaanka qabanaaya xeerka sir qarinta. Waxba kama bixinaysid kaalmada turjumaanka. Daryeelka caafimaadka la xidhiidh kahor intaanad halkaas tegin si aad luqadaada caawimo ugu hesho.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page