Raadso daryeel

Galoolanka maarta ka sameeysan oo jajabay – Gobolka Skåne

Trasiga kopparspiraler i Skåne - somaliskaThe content concerns Skåne

Galoolanka maarta ka sameeysan waa waxyaalaha uur-qaadista laysaga ilaaliyo. Qaar dumarka Gobolka Skåne ku nool waxaa loo geliyay galoolanka maarta ka sameeysan, kaasoo goor dambe la shaacbixiyay in uu cillad leeyahay. Tani waxay dhacday bisha jannayo 2015 iyo xilligii kuleelaha 2018. Xilligaas miyaa galoolanka maarta ka sameeysan lagu geliyay mana ka walwalsan tahay? Xaaladdaas khadka taleefanka kula xiriir ummulisadaada.

Magaca ganacsiga ee galoolanka maarta ka sameeysan ee cilladda leh waa [Novaplus T380]. Tiro lagu qiyaasay lex kun oo dumar ah oo ku nool Gobolka Skåne ayaa galoolanka maarta ka sameeysan loo geliyay. Tobbankii ba hal galoolan maarta ka sameeysan ayaa jabay, taasoo badi ahaan dhacda markii ilmogalenka laga soo saarayay. Maamulka Gobolka Skåne wuxuu joojiyay isticmaalista galoolanka maarta ka sameeysan durbadiiba kaddib markii la shaacbixiyay ciladda.

Ma jiro dumar dhaawac ka soo gaaray galoolanka maarta ka sameeysan oo jajabay. Laakin dhawr dumar ah ayaa uur qaaday. Lama oga sababta, haddii ay u sabab tahay cilladda galoolanka maarta ka sameeysan ama sabab kale. Caadi ahaan tiro aad u yar oo galoolanka maarta ka sameeysan loo geliyay ayaa uur qaada. Laakinse xaqiiqda waxay tahay in aysan jirin waxyaalaha uur-qaadista laysaga ilaaliyo oo boqolkiiba boqol uur-qaadista looqa badbaado.

Haddii aad arrintaan ka walwalsan tahay wac ummulisada

Galoolanka maarta ka sameeysan ma lagu geliyay bishii jannayo 2015 iyo xilligii kuleelaha 2018? Haddii aad arrintaan ka walwalsan tahay wac ummulisada. Baaritaan awgiis ayaa lagugu yeeri doonaa, badi ahaan laba toddobaad gudahooda. Ummulisada ayaa markaas shaacbixin karto nooca galoolanka maarta ka sameeysan ee lagu geliyay.

Goormu galoolanka maarta ka sameeysan jabjabi karaa?

Lama garanayo goorta galoolanka maarta ka sameeysan u jajabi karo. Laakin galoolanada maarta ka sameeysan badidooda cillad ma laha ilaa ummulisada ay dibada u soo saarto. Badi ahaan markaas ayay jajabaan. Sidaas awgeed, haddii usan jajabin adiguna waxba dareemin waxaa lagula talinayaa inaad iska haysato galoolanka maarta ka sameeysan. Iyadoo sidaasi tahay haddana waxaad ikhtiyaar u leedahay in laga beddelo galoolanka maarta ka sameeysan.

Sidee baa ku garan karaa in galoolanka maarta ka sameeysan u jajabay?

Haddii galoolanka maarta ka sameeysan u jajabo waxaa qaybihiisa dibadda u soo bixi karaa markii aad caadada leedahay. Markaas ayaa ummulisada wici kartaa. Kaddib baaritaan awgiis ayay ummulisada kugu yeeri doontaa iyo in galoolanka maarta ka sameeysan mid cusub lagu beddelo. Wax lacag ah ma bixinaysid haddii galoolanka maarta ka sameeysan laga beddelo.

Waxaa dhicin karto in qaar qaybaha galoolanka maarta ka sameeysan ay ku haraan ilmogalenka, oona iskood u soo bixin. Xaalladdaas waxay ummulisada kugu baari doontaa iyadoo raajo adeegsanayso. Haddii la shaacbixiyo in qaybo ah ku hareen waa laga soo saarayaa.

Waxaad xaq u yeelan kartaa magdhaw

Waxaad xaq u yeelan kartaa magdhaw haddii dhaawac u ka soo gaaro xarumaha daryeel-caafimaadeedka. Wuxuu ku xusan yahay Sharciga dhaawaca bukaan-socodyada [patientskadelagen] waxaana loo yaqaanno Caymiska bukaan-socodyada [patientförsäkring].

Ku saabsan Caymiska bukaan-socodyada [patientförsäkring] oo ku qoran luqado kale.

Dhaawacaaga ka diiwan geli barta internetka www.lof.se. Markaas kaddib ayaa arrintaa ula socan kartaa qaab digital ah. Waxaad kaloo barta internetka ka soo degsan kartaa foomka arjiga ama in guriga lagugu soo diro.

To the top of the page