Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsan uu daryeel caafimaad u baahan yahay ayaad badiyaa caawimo ka heli kartaan xarun caafimaad (vårdcentral). Wac lambarka 1177 haddii aanad hubin meesha aad daryeel caafimaad ka raadsaneyso. Waxaad kula hadli kartaa af Iswiidish ama Ingiriisi. Kalkaalisooyinka ka jawaabaaya ayaa xitaa kaala talin kara waxyaalaha aad adigu sameynayso si aad uga roonaato.
Jirdilku waa marka qof si ula kac ah uu qof kale u kadeedo/silciyo.Tusaale ahaan, in laga cabsiiyo ama la quursado oo la bahdilo. Jirdilku waa mamnuuc. Waxaad heli kartaa caawimo haddii adiga lagu jirdilay.