Cuwaaf/cuntooyinka fudud, khudaarta miraha ah iyo khudaarta cagaaran ee sonkorowga dumarka uurka leh
Mellanmål, frukt och grönsaker vid graviditetsdiabetes - somaliskaThe content concerns Jönköpings länInuu qofku cunada joogto u cuno waxay u wanaagsan tahay siduu heerka sonkorta dhiigga qofku uu ahaan lahaa mid siman kana foojignaado damac ah inuu qofku wax macaan u baahdo. Ujeeddada cuntooyinka fudud maaha inuu qofku dhergo laakiin waa in laga taxaddaro in aanu qofku gaajoon inta ka horeysa xilliga cuntada xigta. Saddex cunto oo waaweyn iyo hal ilaa laba cunto fudud ayaa ah cunto qaybin wanaagsan haddii uu qofku qabo sonkorowga uurka.
![Knäckebröd med rädisor och grönsaker på en tallrik.](/globalassets/1177/regional/jonkoping/media/bilder/barn--gravid/7_4_matinspiration_150306_0130-3.jpg?saved=2021-05-27+02:38)
Hindise ku saabsan cuntada fudud - Förslag på mellanmål
Hindise ku saabsan cuntada fudud uu ku yar yahay karboon haydaraydka (kolhydrater)
- 1-2 gacan muggeed laws iyo iniinyo ah.
- Hal xabo oo mira ah (haddii aad doorato mooska, waxa wanaagsan inaad ka cunto nus/kal dhar).
- 1-2 disiliter oo ah farmaajada nooca kvarg, keso, yoogadhka dabiiciga ah ama caanaha ciirta ah oo ay la socdaan mid ka mid ah waxyaabahan:
- miro iyo laws ama iniinyo
- miro iyo 1 disiliter oo ah müsli (nyckelhålsmärkt müsli)
- Hal xabo oo mira ah iyo nus ½ müsli (nyckelhålsmärkt müsli).
- Iniinyo (chiapudding):
2 qaado cunto oo ah iniinaha chia, 1 disiliter oo ah caano/cabitaan khudaar laga sameeyey dhadhanka aad doonto sida qorfe, budada vaniilka iyo miro. - Nooc ka mid ah boorashka (over night oats):
1 disiliter oo boorash ah (havregryn), 1 disiliter oo caano ah ama cabitaan khudaar laga sameeyey oo ay miro iyo laws la socdaan. - Rooti ismaris madow ah oo wax badan dusha laga saaray.
- 1-3 rootida khalalan oo wax badan dusha laga saaray (knäckebrödskivor).
- 1-3 keeg naturell ah oo ka sameysan galley, bariis, dinkel, digirta yar yar ama tan xumuska (kikärtor) oo dusha laga saaray, tusaale ahaan:
- farmaajada/jiiska uu dufanku ku yar yahay iyo hilibka shinbir digaag (kalkon)
- leverpastej iyo ukun
- xumus, digirta cagaaran- ama salbuko/faasuuliyad la walaaqay/la shiiday
- ukun karsan, bataati iyo malaayga sillka oo la isku daray (gubbröra), qawqab iyo majoonees la isku daray (skagenröra) ama doofaar lagu qasay khudrad iyo farmaajo (skinkröra)
- subaga lawska, keso iyo jeex cambaruud ah. - Ukun, ukun la shiilay ama ukun la walaaqay.
- Kalluunka/malaayga qasacada ku jira (makrill i tomatsås).
- Ukun iyo nooc ka mid ah malaayga (sill).
- Afokaado.
- Oliifer (oliver).
- Khudaarta oo inta la dhuudhuubo soos cad lagu daaranayo (med dipp).
Digir (Edamamebönor) oo lagu daray cusbo ama soja.
Miraha (frukt) iyo khudaarta (grönsaker)
Miraha iyo khudaarta ayaa caafimaad u leh in la cuno sababtoo ah waxaa ku badan fiber, faytamiino iyo macdano. Laakiin waxaa miraha ku jira sonkor marka loo eego khudaarta. Halbeeg wanaagsan ayaa ah inaad cuntid hal xabo oo mira ah markiiba. Marka ay noqoto miraha qaarkood (sida mooska/muuska), waa in aad xaddiddo caddadka oo aad cuntaa xabad barkii (nus) markiiba. Khudaarta kale waxaad cuni kartaa wax badan iskumar (tusaale ahaan laba ama saddex liim-macaan ama kiwi ah).
Miraha iyo khudaarta, qaddar 15-20 karboon haydarayd ah ayaa ku haboon in markiiba la qaato.
Halkan waxa aad is barbardhigi kartaa inta kaarboon haydarayd ah ee kala duwan ee ku jirta miraha iyo khudaarta, xabad kasta ama in qof qaadan karo (portion):
Khudaarta miraha ah (frukt)
Nooc |
Miisaan/tiro |
Kaarboon haydarayt |
Cananaas |
45 garaam/gabaldkii |
5 garaam |
Liin (apelsin) |
125 garaam/xabbadii |
15 garaam |
Mashmash, cusub |
125-150 garaam/xabbadii |
10 garaam |
Mashmash, la qalajiyey |
7 garaam /xabbadii |
3,5 garaam |
Moos/muus |
100-150 garaam xabbadii |
20-30 garaam |
Miraha buluuga (blåbär) |
60 garaam / decilitirkii |
5 garaam |
Liim macaan (clementin) |
75-125 garaam /xabbadii |
5-10 garaam |
Timir |
8 garaam /xabbadii |
5 garaam |
Miraha guduudan (hallon) |
50 garaam / decilitirkii |
2 garaam |
Farawle (jordgubbar) |
50 garaam / decilitirkii |
5 garaam |
Kiwi |
50-100 garaam /xabbadii |
5-10 garaam |
Cambe |
250 garaam / xabbadii |
35 garaam |
Qare/xabab |
150 garaam/gabalkii |
10 garaam |
Sabiib (russin) |
60 garaam /decilitirkii |
40 garaam |
Sharon/kaki |
85-100 garaam /xabbadii |
15 gram |
Cinab |
10-15 cinab/canab |
15 garaam |
Tufaax/cambaruud |
125-200 g/xabbadii |
15-20 garaam |
Khudaarta cagaaran (grönsaker)
Nooc |
Miisaan/tiro badan |
Kaarboon haydarayt |
Oobarjiin |
70 garaam /in qof qaadan karo |
2 garaam |
Afokaado |
100 garaam /xabbadii |
2 garaam |
Kaabash |
25 garaam /jirrida ubaxa |
1 garaam |
Borokoli |
25 garaam / jirrida ubaxa |
1 garaam |
Khajaar/kiyaar |
50 garaam / decilitirkii |
1 garaam |
Galley |
70 garaam /decilitirkii |
10 gram |
Kaarooto/dabacase |
65 garaam /xabbadii (dhexdhexaad ah) |
5 garaam |
Khudaarta Palsternacka |
65 garaam /xabbadii (dhexdhexaad ah) |
5-10 garaam |
Baradho/bataati |
60 garaam/xabbadii (cabbirka ukunta) |
10 garaam |
Bocor hindi (pumpa) |
70 garaam/in qof qaadan karo |
3 garaam |
Batruul (rödbeta), cusub |
50-100 garaam/xabbadii |
5-10 garaam |
Batruul (jarjaran/gabal gabal) |
10 garaam /gabalkii |
1,5 garaam |
Basasha guduudan(cas) |
100-200 garaam/xabbadii |
5-10 garaam |
Ansalaato/saladh |
25 garaam/ decilitirkii |
0 garaam |
Yaanyo/tamaandho |
80-100 garaam/xabbadii |
2 garaam |
Kaabash |
35 garaam/decilitirkii |
2 garaam |
Digirta atal |
60 garaam /decilitirkii |
5 garaam |
La soco heerka sonkorta dhiiggaaga - Håll koll på ditt blodsockervärde
Isbarbardhigga waxyaabaha ku jira kaarboon haydaraydyada raashinka iyo cuntooyinka kala duwan waxay kaa caawin kartaa inaad si fudud heerka sonkorta dhiiggaaga uga dhigto mid ka hooseysa 8 mmol/l cuntada kadib.
Cuntadaada waxaa haboon inay ku jirto ugu yaraan 175 garaam oo kaarboon haydarayd ah maalintii. Halbeegga wanaagsani waa 3 cunto oo waaweyn oo leh 30-45 garaam oo kaaraboon haydarayd ah cunto kasta iyo 2-4 cunto fudud oo leh 15-30 garaam oo kaaraboon haydarayd ah.
Fadlan soo dejiso appka T1D kadibna istcimaal ”Enkla-listan”.
- Ka akhriso wax dheeraad ah: Appka T1D – hagahaaga nooca 1aad ee sonkorowga