Baaritaano/tijaabooyin

Wadasheekaysiga caafimaadka ee cida jirta 40 sano – kahadal caafimaadkaaga

Hälsosamtal Gävleborg - somaliskaThe content concerns Gävleborg

Cida da'adeedu noqonayso 40, waxa lagu soo dhawanaynayaa goobtaada caafimaad. Halkaa waxaad ka helaysaa inaad lahadasho shaqaalaha kalkaalisada ee ku saabsan caafimaadkaaga iyo caadooyinkaaga maalinlaha ah. Wadasheekaysigu wuxuu ku saabsan yahay sida aad ku hagaajin karto caafimaadkaaga oo aad ku yarayn karto khatarta inaad mustaqbalka xanuunsato. Wicitaanku wuxuu qaadanayaa saacad.

Inta lagu gudojiro wadasheekaysiga, waxaad heli doontaa talooyin ku saabsan caafimaadka iyo xanuunada. Xanuunada caanka ah sida wadne xanuunka, faaliga, macaanka iyo kansarka waxay soo bixi karaan sanado badan dabadood iyada oo aan wax ogaysiis ahi jirin. Inaad noolaato nolol caafimaad badan, waxaad saamayn kartaa oo aad yarayn kartaa xanuunka.

Inta lagu gudo jiro wadasheekaysiga caafimaadka waxaad sidoo kale awood u yeelan doontaa:

  • hubi cadaadiska dhiigaaga
  • hubi sonkorta dhiigaaga
  • cabir dhererkaaga, qaad culayskaaga iyo cabirka dhexdaada.

Miyaad heshay martiqaad?

Cida hesha martiqaad wadasheekaysi waxay ka jawaabi kartaa su'aalaha kuwaasoo loogu diray warqada. Keen jawaabahaaga markaad soo booqanayso

Ogaysii xarunta caafimaadka kahor wadasheekaysiga haddii aad u baahantahay turjumaan.

Ma helin wax martiqaad ah? La xidhiidh goobtaada caafimaad.

To the top of the page