Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Waa sidan sida aad adigu u ballansanayso waqtiga tallaalka ka hortagga covid-19, ee gudaha Dalarna

The content concerns Dalarna

00:04 - 00:20 Abdullahi:

Asalaamu caleykum wa raxmatullaahi wa barakatu, Magaceyga waa Cabdullahi Warsame Afrax. Waxaan ahay dhaqtar ka howlgala rukta caafimaadka Jakobsgårdarna, Borlänge gobolka Dalarna.

00:21 - 00:33 Hamdi:

Haye, Magceyga waa Xamdi.

Waxaan ahay kalgaaliso hoose iyo turjumaan oo waxaan ka shaqeeya isbitaalka Jakobsgårdarna Vårdcentralen ee ku yaala gobolka Dalarna.

00:35 - 01:52 Abdullahi:

Waxaan rabna inaan idin la socodsiino ina hada laga billaabo aad iska tallaali kartaan cudurka Corona Viruska, Covid-19. Adiga oo is tallaala waxaad yareeysaa halista ah inaad si daran u bukooto ama ad u dhimato cudruka Covid-19.

Marka ad tahay qof tallaalan waxaa aad sidaas oo kale qacan ka geysaneysaa yareeynta halista faafinida cudurkaan Covid-19 dadka ku nool agagaarka l ama hareerahaaga.

Tallaalka waxaa la ansixiyey kaddib markii la sameeyey baaritaano hubinta nabadgeliyo oo dhameystiran.

Talaalka Covid-19 waa ikhtiyaari oo micnaheeda yahay inaad xor u tahay inaad tallaalkaan qaadato ama ad iska dhaafi karto.

Talaalkani waa lacag la’aan.

Haddana waxaan u gudbeynaa sida ad adigu u sameysan karto ballanta tallaalka lidka ku ah cudurka Covid-19

01:55 - 03:50 Hamdi:

1177, kedib waxa aad riixda dusha badhada other langugaes, oo ah luqadaha kale.

Dabadeedna ka dooro adiga luuqadaada, tusaale ahaan Somaliska.

Hadda waxaad adiga soo gashay bogga ballanta laga qabsado halkaas oo ad adigu ka arki karto dhamaan goobaha la iska talaalo.

Kaddib dooro, ka dooro hal goob tallaal oo ah meesha adiga kuugu dhow.

Si ad ballan u qabsato adigu sidaan samee,

la xirii qofka caawiyaha ah ee jooga goobta tallaalka aad adigu dooratay.

Maclumaadka xiriirka qofka caawiyaha ah waxaa ad adigu ka heleysaa hoosta goobta tallaal ee aad adigu dooratay.

Meesha caawinaadda waxaa ku jira qof adiga kaa caawinkara si aad waqtiga ballanta u qabsan laheyd.

Qofka caawiyaha ah wuxuu isticmaali karaa turjumaan haddii loo baahdo.

Adigu toos uma wici kartid rugta caafimaadka ama 1177 si ad u qabsato waqti ballan tallaal ah.

Haddaba haddii aad adigu ka heli weydo waqti bannaan goobaha tallaalayaasha aad adigu dooratay waxaad adigu tijaabin kartaa inaad waqti ka qabsato meesha kuugu dhow ee kale ee gob tallaal ah.

To the top of the page