Vaccin mot covid-19 i Region Dalarna

Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19

Talaalka covid-19

Vaccination mot covid-19 - somaliska

Covid-19 waa cudur faafa. Tallaalku waxa weeye habka ugu wax ku oolsan ee loogaga hortagaayo in cudurka si xun loogu jirado ama loogu dhinto. Waxa uu tallaalku sidoo kale gacan ka geysanayaa dhimista faafitaanka cudurka covid-19 ee bulshada dhexdeeda. Waxa sidaa darteed muhiim ah inay dad badani doortaan inay is tallaalaan.

Waxaad u baahan tahay in laba cirbadood lagu siiyo, waxaana loo baahan yahay in 3-4 toddobaad u dhaxeeyaan cirbadda koowaad iyo tan labaad.
Waxa tallaalka cirbad lagaaga siinayaa cududa.

Waa gobolkaaga cidda tallaalka ka mas'uulka ahi. Gobolka bogga xagiisa sare ka dooro si aad ugu hesho  macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa khuseeya meesha aad joogto

Uma baahnid inaad tallaalka covid-19 lacag ka bixiso.

Adiga ayaa go'aaminaaya haddii aad rabto inaad is tallaasho.

Du kan läsa texten på svenska här.

To the top of the page