COVID-19
Talaalka covid-19
Vaccination mot covid-19 - somaliskaCovid-19 waa cudur faafa. Talaalku waxa weeye habka ugu wax ku oolsan ee loogaga hortagaayo in si xun loogu jirado/xanuusto ama loogu dhinto cudurka. Waxa uu Talaalku sidoo kale gacan ka geysan karaa yareynta faafitaanka cudurka covid-19 ee bulshada dhexdeeda. Waxa sidaa darteed muhiim ah in dadka inta ugu badan ee suurtogalka ahi ay doortaan inay is talaalaan.

Waa gobolkaaga cidda talaalka ka mas'uulka ahi. Hubi inaad gobolka saxda ah ka dooratay bogga xaggiisa sare si aad macluumaadka saxda ah ugu hesho.
Uma baahnid inaad lacag ka bixiso talaalka covid-19.
Adiga ayaa go'aaminaaya haddii aad rabto inaad is talaasho.