Soomaali/Somaliska

In la ruxo ilmo murjuc ah waxay keeni kartaa dhaawacyo maskaxeed

Att skaka ett barn kan ge hjärnskador - somaliskaThe content concerns Västra Götaland

Waa wax caadi ah in ilmaha murjuca ah ay qayliyaan oo mararka qaarkood ay adag tahay in la fahmo sababta ay u qaylinayaan. Waa wax caadi ah in waalid ahaan kadeed la dareemo markii ilmuhu qayliyo. Waxaa la dareemi karaa caal-waa, awood la´aan iyo weliba xanaaq. Laakiin weligaa ha ruxin ilmahaaga murjuca ah! In ilmaha la ruxo waxay khatar ku tahay nolosha ilmaha waxayna keeni kartaa in ilmaha dhaawacyo maskaxda kasoo gaaraan.

In waalid la noqdo waxay ka tirsan tahay dhacdooyinka waawayn oo farxadda badan laakiin sidoo kale mararka qaarkood dhib badan. Way dhib badnaan kartaa haddii ilmuhu wax badan qayliyo. Waalid ahaan wuxuu qofku dareemi karaa guuldarro, ilmaha ku xanaaqi karaa ama xattaa ka cabsado inuu ilmaha waxyeeleeyo. Waxaa laga yaabaa in laga fekarro, ma ku haboonahay waalidnimo ama ilmuhu run ahaantii ma i jecel yahay?

Wuxuu qaylada ku muujinayaa baahi

Ilmuhu wuxuu u qaylinayaa si uu u muujiyo baahidiisa waxaana jira ilmo qaylo badan iyo ilmo qaylo yar. Way fududaanaysaa in la fahmo waxa ilmuhu rabo markii adiga iyo ilmahaagu aad is barataan. Waxaad halkaan ka akhrin kartaa sababta ilmaha murjuca ah u qaylinayo oo waxaad ka heli kartaa talooyin ku saabsan waxaad samayn kartid si aad u sasabtid.

När små barn skriker

Sidaas darteed buu ilmaha murjuca ah u qayliyaa

Ilmaha murjuca ah waa ilmo aan sannad buuxin. Waxaa jira waxyaalo badan oo sababi kara inuu ilmuhu qayliyo, tusaale ahaan:

  • Ilmuhu wuxuu rabaa in la hayo.
  • Ilmuhu wuu gaajaysan yahay.
  • Ilmuhu wuxuu rabaa xafaayad qalalan.
  • Ilmuhu wuu daallan yahay wuxuuna u baahan yahay inuu seexdo.
  • Ilmuhu wuxuu dareemayaa kulayl ama qabow.
  • Ilmuhu si fiican sariirta uma jiifo.
  • Ilmuhu wuxuu u baahan yahay degganaan iyo xassilooni.
  • Ilmuhu wuxuu dareemayaa xanuun ama wuu jirran yahay tus. ahaan calool xanuun.

Haddii ilmuhu uusan qancin

Waxaa jira siyaabo badan oo loo sababo ilmaha, tusaale ahaan:

  • In ilmaha jirka loo soo dhaweeyo oo tartiib loo ruxo.
  • In ilmaha maro ama suun lagu xambaaro.
  • In ilmaha loo qaado heeso dejiya.
  • In ilmaha loola hadlo si deggan.
  • In la demiyo nalalka oo muusiig deggan la daaro.
  • In bannaanka loo baxo oo ilmaha oo gaariga ilmaha ku jira lala soo socdo.
  • In ilmaha gaari lagu kaxaysto.

Waxa la samayn karo markii aadan sasabi karin

Haddii aadan ilmahaaga sababi karin waxaa loo baahan karaa in habab kala duwan la tijaabiyo, tusaale ahaan:

  • Inaad dadka ehelka dhow aad tihiin isku bedbeddeshaan inaad ilmaha sasabtaan.
  • In la wacdo qof kaa caawin kara ilmahaaga.
  • In qof laga codsado inuu kuula joogo ilmahaaga si aad xoogaa u nasatid.
  • In aad tijaabisid inaad muusiig ku dhagaysatid sameecadaha dhegaha ama dhegaha diffaac gashatid.
  • Dhig ilmaha sariirta oo xoogaa markaad joogtidba ilmaha soo fiiri.
  • Qol kale gal oo dhowr daqiiqo soo fariiso.
  • Kor usoo qaad ilmaha markii aad degganaansho soo dareentid.

Weligaa ha ruxin ilmo murjuc ah

Wax kasta oo dhaca iyo awood la´aan kasta oo aad dareentid marna ma ahan inaad ilmahaaga ruxdid.

In xoog loo ruxo ilmo murjuc ah waxay keeni kartaa dhaawacyo degdeg ah oo saamayn ku yeelanaya noloshooda oo dhan. Madaxa ilmaha yar wuu wayn yahay marka loo fiirsho jirka intiisa kale murqaha surkana ma ahan kuwo koritaanku u dhamaystirmay, taasoo keenaysa in ilmuhu uusan is celin karin haddii la ruxo. 

Markii ilmaha la ruxo waxay maskaxdu ku garaacmaysaa lafta madaxa, xididada dhiigga yaryar ee dhexmara maskaxda iyo xuubabka maskaxda ayaa soo go´aya ilmahana dhiig baa maskaxda uga furmaya. Ilmaha waxaa soo gaari kara dhaawacyo ogsijiin yari keentay taasoo keenaysa in maskaxdu bararto.

Markii qofka wayn gacmahiisa xoog ugu qabto shafka ilmaha waxaa is gelaya sambabada taasoo keenaysa in ilmuhu neefsan waayo.

Goormaan daryeel caafimaad raadiyaa?

Haddii ay adag tahay in ilmaha xiriir lala sameeyo jirkiisuna dabco iyo/ama aadan isku hubin in ilmuhu u neefsanayo si caadi ah Wac 112. Dhaawacyada imaan kara way kasii dari karaan haddii ilmuhu uusan helin caawinaad degdeg ah. 

Xattaa haddii ilmuhu u muuqdo caadi waa inaad daryeelka caafimaadka u gaysid haddii ilmaha xoog loo adeegsaday si qiimeyn loogu sameeyo in ilmaha dhaawac soo gaaray. Qoyska oo dhan ayaa saacidaad iyo caawinaad degdeg ah heli kara.

Ma rabtaa inaad wax intaa dheer sii ogaatid?

La hadal ummulisada joogta qaabilaadda ummulisooyinka ama kalkaalisada carruurta iyo dhallaanka ee joogta rugta caafimaadka carruurta (BVC). Iyagaa kaaga jawaabi kara haddii aad su´aalo ka qabtid qoraalka aad akhrisatay. Wac telefoon lambarka 1177 haddii aad rabtid warbixin ku saabsan caafimaadka carruurta iyo cudurrada carruurta. Waxaad wici kartaa 1177 habeen iyo maalin kasta sannadka oo dhan. Mar walba wac lambarka 112 haddii qof degdeg u xanuunsado.

To the top of the page