Tallaalka looga hortago hargabka/influensada Västmanland

Vaccination mot influensa i Västmanland - somaliskaThe content concerns Västmanland

Muhimad gaar ah ayay ku leedahay inaad iska tallaalsho hargabka/influensada xilliyeedka, waa haddii aad ka tirsan tahay kooxaha u halista u yahay. Iska tallaal hargabka/influensada ama jirrada kale ee wehlisa, sidii aad ugu badbaado in si halis ah aad ugu xannuunsato, sida tusaale qaarjeex.

Iska tallaal hargabka/influensada haddii qodob kamid ah qodobada hoos ku xusan u ku khuseeyo: 

  • Haddii da`daada ay tahay ama ka wayn tahay 65 sano (dadka dhasheen 1957 ama kahor ba).
  • Haddii aad ku sugan tahay toddobaadka uurqaadista 12-aad ama ka dambe ba.
  • Haddii aad ku sugan tahay toddobaadka uurqaadista 12-aad kahor oona qodob kamid ah qodobada hoos ku xusan ku khuseeyo. 
  • Haddii aad la nooshahay qof difaaca jirkiisa u aad u hooseeyo. 
  • Haddii aad la dhiban tahay mid kamid ah cudurrada ama xaaladaha hoos ku xusan:
    • Wadna xanuunka daba dheeraada
    • Sambaba xanuunka daba dheeraada, sida tusaale KOL ama neefta
    • Haddii aad la dhiban tahay xaalado kale oo sababa hoos u dhaca hab-shaqaynta sambabaha ama aadan si fiican u qufaci karin
    • Haddii aad qabto cudurrada hawlgabnimada beerka iyo kiliyaha oo raaga
    • Haddii aad qabto cudurka macaanka/sonkorta
    • Haddii aad la dhiban tahay xaalad aad hoos ugu dhigto kartida difaaca jirka taasoo u sabab ah jirro ama dawooyin. 

Islamarkii iska tallaal covid-19 markii aad iska tallaalayso hargabka/influensada

Islamarkii iska tallaal covid-19 markii aad iska tallaalayso hargabka/influensada xilliyeedka. Waydii shaqaalaha goobta tallaalka haddii aad islamarkii laga tallaali karo labada ba.

Qiimaha tallaalka waa immisa?

Haddii aad ka tirsan tahay kooxaha u halista u yahay wax lacag ah ma bixinaysid. Haddii aadan ka tirsanayn kooxaha u halista u yahay waxaad bixinaysaa 262 kr tallaalka dartiisa.

To the top of the page