Problem med bokningar och incheckning.Det här meddelandet avser Västmanland

Just nu har vi tekniska problem med att boka, boka om och boka av tider samt självincheckning. Felsökning pågår.

In ilme la daryeelo

Taageerada waalidiinta ee Gobolka Västmanland

Föräldraskapsstöd - somaliskaThe content concerns Västmanland

Link to Swedish version

Maadaama aad tahay qof waalid ama qaarabo, waxaad tahay qofka caafimaadka ilmahaags ee ugu muhimsan. Sidaas darteed waxaad haysata fursad aad saamayn wanaagsan ugu yeelato caafimaadka ubadkaaga. Mar kasta ma fududa ogaanshada tallaabooyinka arrintaas laga qaadi karo. Xaaladdaas waxaa fiican ogaanshaha taageerada jirto oona la heli karo.

Taageerada waalidiinta waxay ku salaysan tahay caawinaad iyo taageero, oo lagu xoojinayo kartida waalidiinta iyo xiriirka ilmaha iyo waalidiintooda ka dhaxeeyo. Xiriirka wanaagsan ee waalidka iyo ilmihiisa ka dhaxeeyo, wuxuu gundhig wanaagsan u noqda horumarka ilmaha ee xilliga korniinka iyo ilaa u qof wayn ka noqdo.

Barta internetka www.1177.se/vastmanland/foraldraskapsstod waxaa laga aqrisan karaa warbixin ku saabsan Mashruuca Taageerada waalidiinta, nooca taageerada la heli karo iyo hawlwadeneyaasha arrintaan ee degmada aad degan tahay ka hawlgala. Qoraalkaan oo ah nooca pdf waxaad afkaaga hooyo ku aqrisan kartaa ka qaybagaleeyaasha kala duwan. Waxaan doorbidnay in aan ereyga waalid isticmaalno, taasoo aan ula jeedno qof waalid ah, qof xilhaaye xannaanadda ah ama qofka guud ahaan ilmaha mas'uul ka ah.

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka hooyoyinka iyo ilmaha

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka hooyoyinka, MHV, waxay dumarka uurka leh ka helaan daryeel-caafimaadeed iyo taageero xiriir la leh waalidnimada, sida tusaale kooxaha waalidiinta ka kooban kuwa ummulid iyo waalidnimada iyo isku diyaarinayo. Xarumaha daryeelka hooyoyinka, MVC ama rugrta ummulusooyinka waxaad kula kulmo doontaa badi ahaan qof ummuliso ah. Waxyaalaha halkaas lagaga caawini karo waxaa kamid ah tusaale qaab noololeedyada iyo waxyaalaha uur-qaadida laysaga ilaaliyo.

Rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta, BVC, waxuu ubadkaaga laga bilaabo markii u dhallanka yahay ilaa u fasalka dugsiga xannaanadda ka bilaabo, ka helayaa baaritaano caafimaadeed iyo tallaalo. Adiguna waalid ahaan waxaa lagu siin doonaa taageero iyo talo xiriir la leh caafimaadka iyo horumarka ubadkaaga. Rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta iyo rugta daryeel-caafimaadeedka ama xarumaha qoysaska badi ahaan isku goob ayay ku yaalaan. Tan kale, waxaa suurtagal noqon karto in hoyga lagugu soo booqdo. Booqashada rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta waa ikhtiyaari waxaana lagu soo dhoweeyaa waalidiinta dhammaantood. Booqashada rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta waa lacag la'aan.

Daryeelka caafimaadeedka iyo bukaanada

Xarumaha daryeelka caafimaadeedka iyo bukaanada siyaabo kala duwan ayay u hawlgalaan, kuwaasoo loogu talagalay ilmaha som waalidiinta. Hawlgallada xarumaha daryeel-caafimaadeedka ee xiriirka la leh hordhaca daryeel-caafimaadeedka bulshada way badan yihiin, daryeel-caafimaadeedka ka sokkoow waxaa laga hela taageero iyo talo ku saabsan caafimaadka ubadkaaga. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka ilmaha iyo dhallinyarada, BU-hälsan, waxay ilmaha iskuullada iyo dhallinyarada ku nool Gobolka Västmanland, ilaa 18 sano jirka ah laga daryeela caafimaadka nafsiga oo heer fudud ilaa heer dhexdhexaad ah. Xarumaha lagu daryeelo caafimaadka nafsiga ee ilmaha iyo dhallinyarada waxay gobolka ku leeyihiin saddex xarun oo ku yaalaan degmooyinka Västerås, Köping iyo Fagersta. Ilmaha iyo dhallinuyarada ku talo jira in ay la xiriiraan xarumaha lagu daryeelo caafimaadka nafsiga ee ilmaha iyo dhallinyarada, waa in calaamadaha caafimaad-darrada nafsiga ay muujiyaan

Haddii da'yarku u kaddib markii u la xiriiray xarumaha daryeel-caafimaadeedka ee caadiga iyo kuwa ardayda, u weli aad ugu dhiban yahay xaaladaha noolol-maalmeedyada, iskuulka iyo markii u saaxiibadiisa la joogo, waxaa xaaladdaas loola xiriiri karaa xarumaha lagu daryeelo caafimaadka nafsiga/maanka ee ilmaha iyo dhallinyarada, BUP. Xarumaha BUP waxaa lagu baara laguna daaweeya oona taageero lagu siiyaa ilmaha iyo dhallinyarada aan weli 18 sano buuxsan, oo la dhiban caafimaad-darrada nafsiga/maskaxda ee culus, sida tusaale niyadjab iyo walaac oona dhibaato ka haysato maaraynta dareenada iyo xiriiryada ay dadka kale la leeyihiin. Haddii ay tahay markii ugu horeeysay ee aad xarumaha BUP loola xiriirayo, waa in marka hore loola xiriira BUP Start. Waa xarun ku taalo degmada Västerås waana, wadada caafimaad-darrada nafsiga/maskaxda carruurta iyo dhallinyarada loo maro.

Daryeelka caafimaadka maanka carruurta iyo dhallinyarada Ilmaha - iyo Baxnaaniska carruurta iyo dhallinyarada iyo waaxyada isbitaallada waxaa laga helaa taageero markii cunugga u cudur ku dhaco, xaalad ama u itaaldarro la dhiban yahay. Baxnaaniska waxaa loogu talagalay dadka la dhiban itaaldarro aan marna laga bogsan karin. Xitaa qaraabooda waxay halkaas ka heli karaan taageero iyo aqoon.

Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo

Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo, waxaa loogu talagalay waalidiinta ama qofka ah xilhaayeha xannaanadda ilmaha, oo aan ku qornayn xarumaha xannaanadda ee caadiga ah. Waa xarun bay'ad dareen-kicin leh oo ilmaha ay ka helayaan fursad ay ku ciyaaraan ciyaar-carruureed oona la kulmaan ilmo kale, iyadoo islamarkaas waalidiintooda helayaan fursad ay isku waydaarsadaan fikaradhooda iyo khibradahooda, xiriirka la leh ilmaha iyo waalidnimada. Sidoo kale macallimiinta Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo, waxaa laga hela talo iyo taageero ilmaha doorka waalidnimada.

Booqashada Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo badi ahaan waa lacag la'aan, waana noocyo kala duwan hadba degmada ay ku taallo, waalidiinta uma baahna in kahor ay iska diiwangeliyaan, ee waxay booqan karaan markii ay doonaan. Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo waxaa kaloo loo adeegsan karaa goob ay ku kulmaan waalidiinta dalalka dibadda ku dhasheen, waxayna kaalin ka geystaan in shabakada xiriiryada bulshada dalka Iswiidan ku leeyiin ay korsadaan.

Xarumaha qoysaska

Xarumaha qoysaska waa xarun isku xira xarumaha daryeel-caafimaadeedka hooyooyinka, rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta, Goobaha xannaanadda ee ballan la`aanta la booqan karo iyo Maamulka adeegga bulshada. Hawgalladooda waxay ku salaysan yihiin kahortegid. Mararka qaarkood waxaa kaloo laga helaa xitaa taageero nooc kale oo loogu talagalay waalidiinta ku xiran xarunta qoysaska. Waxaa ka hawlgala ummulusooyin, kalkaalisada caafimaadka, macalimiinta goobaha xannaanadda, kaaliyeyaasha Maamulka adeegga bulshada iyo mararka qaarkooda hagayaasha arrimaha qoysaska, hagayaasha goobaha wakhtilummiska, dhakhaatiirta caafimaad-darrada nafsiga iyo dhakhatiir kale. Hawlgallada dhammaan hawlwadeneyaasha xarumaha qoyska waxay ku salaysan yihiin horumarinta caafimaad wanaagga ilmaha. Dhaqdhaqaaqa waxaa loogu talagalay ilmaha iyo waalidiinta, waxayna ku salaysan yihiin sare u qaadka caafimaadka, kahortegid aan daahid lahayn iyo taageero.

Dugsiyada xannaanadda iyo Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe

Dugsiyada xannaanadda, Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe iyo Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe gaarka ah, waa iskuullo muhim ah, oo suurtageliya kulamada ilmaha, waalidiintooda iyo macalimiinta. Sannadka hordhaca iskuullada iyo sannooyinka dugsi-dhigashada ee ugu horeeyaan, waa kulamada maalmeed ee macalimiinta markii keenista iyo ka kaxaynta, taageero muhim ku ah waalid ahaan. Tan kale, waa fursad muhim ah laysku waydarsan karo warbixin iyo wadashaqayn ilmaha xiriir la leh. Fursadaha kale ee muhimka ah waxaa weeyaan tusaale kulamada waalidiinta, kulamada warbixinta ee habeenada iyo Wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga [Utvecklingssamtal].

Rugta daryeel-caafimaadeedka ardayda

Rugta daryeel-caafimaadeedka ardayda, ilmaha iskuullada waxay caafimaad wanaagooda, horumarkooda, waxbarashadooda dartooda heli karaan caawinaad iyo taageero, laga bilaabo fasalka hordhaca dugsi-dhigashada ilaa dugsi sare. Rugta daryeel-caafimaadeedka ardayda, waxaa laga hela warbixin waxaana laga hirgeliyaa taageero wadahadal ku salaysan loola yeesho ardayda iyo waalidiinta ku saabsan tusaalee ka helida iskuullada, qaab-nooleed caafimaadka u roon, caafimaadka nafsiga, dhibaatooyinka hab-dhaqamada iyo itaaldarrada. Baaritaanada caafimaadka dartiisa ayay ardayda booqan karaan xarumaha waxaana halkaas laga siiyaa tallaalo. Ilmaha iyo waalidiintooda ba way booqan karaan ama la xiriir karaan xarumada daryeel-caafimaadeedka ardayda, laga bilaabo fasalka horudhaca iskuulka ilaa dugsi sare. Ilmaha iyo waalidiintooda ba way booqan karaan ama la xiriir karaan xarumada daryeel-caafimaadeedka ardayda.

Maamulka adeegga bulshada

Waalidiinta waxay mararka qaarkood dareemaan in aynan isku filnayn. Tusaale ahaan waxay dhici kartaa markii ilmahooda aynan la qabsan karin iskuullada/hordhaca-iskuullada ama ilmahooda muujiyaan in ay  ku dhaceen waddo halis iyaga u ah. Xaaladdaas waxaa loola xiriiri karaa Maamulka adeegga bulshada degmada, talo iyo taageero kala duwan darteed. Sidoo kale, haddii aad ka walwalsan tahay xaaladda ilmahaaga, xitaa kuwa aadan waalid u ahayn, waxaad la xiriiri kartaa Maamulka adeegga bulshada talo iyo taageero xiriir la leh walwalka aad dareemayso.

Maamulka adeegga bulshada waxaa laga hela daryeelka qoysaska, qoysaska xiriirka iyo taageerada qaraabada, taageero hordhac u ah qiimaynta baahida. Macnaha xaalad-baarista baahida xaq u yeelanshada taageerada la baarayo ayaa lagu dhaqaaqa iyadoo lagu salaynayo Sharciyada Maamulka adeegga bulshada. Qoysaska leh ilmo la dhiban itaaldarro waxay codsan karaan taageero waafaqsan Xeerka taageerada iyo adeegga loogu talagalay curyaamada qaarkood [LSS], kaddib waxaa loo oggolaan karaa in cunugga u muddo gaaba goob ku sugnaado, loo yeelo qof xiriiriye ah iyo qof waalidiinta hawlaha ka caawinno. Haddii hal waalid u la dhiban yahay itaaldarro wuxuu codsan karaa hagid iyo taageerada guriga ee wax ku ool ah, taasoo degmooyinka badidooda looga yaqaano boendestöd.

Taageerada waalidiinta ee ku salaysan baraha internetka

Baraha internetka oo tiro badan waxaa laga helaa warbixin iyo talo oo xiriir la leh arrimaha ku saabsan xannaanadda ilmaha iyo horumarkooda. Barta internetka 1177 Vårdguiden iyo Gravid.se waa tusaalaha kormeerid ku sameeyeen khabiiro oo hubsadeen in warbixinta ay sax tahay.

Bulshada rayidka

Bulshada rayidka waxay heli karaan taageero loo soo mariyo tusaale ururrada isboortiga, dhaqamada iyo caafimaadka nafsiga/maskaxda, ururrada cadaalada ilmaha sida BRIS iyo Rädda barnen, Isbahaysiga iskuullada dadka waawayn iyo urur-diimeedyada iyo kinisyada.

Waalidiin tiro badan si fudud ayay xiriir u la yeelan karaan bulshada rayidka, tusaale waxaa caawinaad laga heli karaa meelaha aan lahayn laamaha bulshada loogu talagalay, ama arrin adiga shaqsi ahaan kugu habboon.

To the top of the page