Besök 1177.se, logga in för personliga e-tjänster eller ring 1177 för sjukvårdsrådgivning.
Caadada – sidoo kale loo yaqaan dhiiga xeeda – waa dhiig-bax ka imaanaya ilmo-galeenka. Waxay dhacdaa qiyaastii bishiiba mar. Inta dhiig-baxa ah way ku kala duwan yihiin dadka.
Jirka wuxuu isu beddelaa siyaabo kala duwan xilliga caado-joogsiga. Mid kamida waxyaabaha kale, waxaad joojinaysaa caadada. Dadka qaar waxay la kulmaan dhibaatooyin xilliga caado-joogsiga. Caawinaad waa la heli karaa.