Soomaali/Somaliska

Uurka leh

Graviditet - somaliska

Current articles

Visa innehåll som:
Dhibaatooyinka badanaa xilliga uurka la yeesho Vanliga besvär under en graviditet - somaliska

Markaad uurka leedahay ayuu uurku jidhka siyaabo kala duwan u saameeyaa. Wuxuu keeni karaa dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatooyinkaas ayaa dhalmada ka dib kaa taga.

Soo xaadhista uurjiifkaAbort - somaliska

Soo xaadhista uurjiifka ayaa ah marka uurka dhexda lagu joojiyo. Adigaaga uurka leh ayaa go’aansanaya in aad iska soo xaadho iyo in kale.

In la yalaalugoodo (lalaboodo) marka uur la leeyahayAtt må illa under graviditeten - somaliska

Waa wax caadi ah in la yalaalugoodo/lalaboodo oo la matago marka uur la leeyahay. Inkasta oo ay wax adag/la dhibsado noqon karto, ayaanay haddana taasi waxyeello adiga iyo ilmaha toona u laheyn. Waxa jira waxyaalo aad sameyn karto si aad uga roonaato.

Xanuunka miskaha ee xilliga uurka Att ha ont i bäckenet under graviditeten - somaliska

Markaad uurka leedahay ayay xubnaha kala-goysyada jidhku noqdaan qaar ka dhaqdhaqaaq badan. Waxaad markaas xanuun ku yeelan kartaa miskaha. Taasi waa wax caadi ah oo badanaa dhalmada ka dib kaa tagta.

Dhiigkarka yimaada xilliga uurkaHavandeskapsförgiftning - somaliska

Havandeskapsförgiftning (dhiigkarka yimaada xilliga uurka) waa cudur aad qaadi karto markaad uurka leedahay. Waxaad yeelanaysaa dhiig kar. Taasi ayaa adiga iyo ilmahaba saameyn karta. Si cadaadiska dhiiggaaga loogu dejiyo waxaad u baahan kartaa nasasho iyo dawo lagu siiyo.

Foosha iyo xanuunka foosha Sammandragningar och värkar - somaliska

Ilmo-galeenku waxa weeye muruq. Mararka qaar ayuu ilmo-galeenku xilliga uurka dhuujismaa/giigsamaa. Waxa tan loo yaqaannaa fool (sammandragningar). Marka la gaadho wakhtigii umusha ayuu sidoo kale ilmo-galeenku giijismayaa. Waxa tanna loo yaqaannaa xanuunka foosha.

Khamriga iyo uurka Alkohol och graviditet - somaliska

Khamri ha cabin markaad uurka leedahay. Waxa khamriga ku jira maadooyin khatar ah oo ilmaha caloosha ku jira dhaawici kara. Dumarka ay ku adagtahay inay cabitaanka khamriga joojiyaan ayaa taas laga caawimo karaa.

Tubaakada iyo uurka Tobak och graviditet - somaliska

Waxyeelo ayay kuu keeneysaa haddii aad tubaakada isticmaasho markaad uurka leedahay. Ilmaha uurka ku jira ayaa maadooyin khatar ahi ka soo gaadhi karaan tubaakada. Sidaas darteed tubaako ha isticmaalin markaad uurka leedahay. Haddii ay kugu adagtahay inaad joojiso ayaa taas lagaa caawin karaa. Waxyaalaha ay tubaakadu ku jirto waxa ka mid ah sigaarka

Booqashada xarunta umulisada Besök på barnmorskemottagningen - somaliska

Markaad uurka leedahay ayaad booqan doontaa xarunta umulisada. Waxa ay ujeedada booqashadu tahay si loogu eego sidaad adiga iyo ilmaha uurka ku jira aad tihiin. Waxa lagu siin doonaa talo iyo gargaar ku wajahan sidii aad dhalmad iskugu diyaarin laheyd. Booqashadu waa kuu bilaash.

Miyaad uur leedahay mise dhawaan ayaad ilmo dhashay? Rayigaaga/Ereygaaga ka dhiiboGravid eller nyss fött barn? Gör din röst hörd - somaliska

Haddii aad uur leedahay ama hadda uun aad ilmo dhashay/umushay waxa aad fursad u leedahay inaad ka qeybqaadato rayi ururinta loo yaqaan Rayi ururinta uurka (Graviditetsenkäten.) Waxaad taas/Halkan kaga jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan sida aad daryeelka u heshay xilligii aad uurka laheyd,dhalmada ka dib ama hal sanno dhalmada/umusha ka dib. Waxaad sidoo kale ka jawaabi doontaa su'aalo ku saabsan adiga caafimaadkaaga. Uur kasta iyo dhalmo kastaaba waa mid gaar sidaas darteed ayay muhiim u tahay inaad ka qeybqaadato. Jawaabahaaga ayaa gacan ka geysanaya horumarinta daryeelka.

Baaritaanka xaalad-caafimaadeedka uurjiifka. [Foster diagnostik] Skåne – af-iswidish fududFosterdiagnostik i Skåne - somaliska

Uur miyaad leedahay? Haddii aad uur leedahay waxaad helaysaa fursadda lagu doorto baaritaanka loo yaqaanno baaritaanka xaalad-caafimaadeedka uurjiifka, oo macneheeda ah shaacbixinta baaritaanka xaalad-caafimaadeedka uurjiifka. Baaritaanka xaalad-caafimaadeedka uurjiifka wuxuu ka kooban yahay baaritaanno kala duwan, oo lagu baaro xaaladda uu uurjiifka kaga sugan yahay caloosha. Waxaa baaritaanka lagu shaacbixin karaaa haddii uurjiifka uu cudur qabo, dhawaacyadaha uurjiifka ama kala duwanaanshada koromsoomada.

To the top of the page