Umusha/dhalmada

Dhiigbaxa dhalmada kadib

Blödningar efter förlossningen - somaliska

Mar walba dhiig baa ka soo baxa farjiga umusha kadib. Waxa uu dhiiggu ka imanayaa nabar ilmo-galeenka ku dhex yaala. Waxa uu nabarku sameysmaa/ yimaadaa marka ay madheertu ka soo go'do derbiga ilmo-galeenka. Haweenka dhibaatooyinka dhiigbaxa yeesha qaarkood ayaa u baahan kara inay daryeel caafimaad raadsan.

Waxa dhiigga dhalmada kadib soo baxa loogu yeedhi karaa dheecaan (avslag). 

Läs texten på svenska här.

Sidan ayuu caadi ahaan dhiiggu kaaga yimaadaa dhalmada kadib

Maalmaha ugu horreeya ee dhalmada kadib, ayaa dhiigu kaaga yimaada sidii kii caadada oo kale laakiin ka faro badan. 
 
Waxa dhici karta inuu dhiig ka badan kaa yimaado markaad waxqabaneyso ee aad dhaqdhaqaaq badan sameynayso. 

Waxa dhici kara inuu dhiig ka badan kaa yimaado markaad jiifto ee aad kadibna kor u istaagto. Markaas ayaa sidoo kale xinjiro dhiiga ahi kaa imaan karaan. 

Dhiiga kaa socda ayaa kolba ka sii yaraada  

Dhiiga kaa socda ayaa wakhti kadib kolba hoos u dhacaaya. Muddo kadib ayaa dhiigga midabkiisu noqdaa mid ka sii bunni san. Kadibna waxa uu noqdaa mid bunni khafiifa ah.  

Qiyaas ahaan lix ilaa siddeed toddobaad kadib ayuu dhiiggu joogsadaa.  

Maxaan samayn karaa?

Marka uu dhiigu kaa socdo waa inaad ka fikirtaa: 

  • Qubeyso halkii aad kaga dabbaalan laheyd. 
  • Ha isticmaalin suufka caadada ee farjiga gudahiisa la galiyo sida tampong-ka ama sida koobka caadada (menskopp). 
  • Kondhoom isticmaal haddii aad galmo farjiga sameysid. 

Goorma iyo goobtee ayaan daryeel caafimaad ka raadsadaa?

Dadka uu dhalmada ka dib dhiig ka yimaado ayaan badidoodu u baahneyn inay daryeel caafimaad raadsadaan.  
 
Daryeel caafimaad raadso haddii mid ka mid ah kuwani kugu haboon tahay: 

  • Waxa kaa socda dhiig ka badan kii aad laheyd maalinta ugo horeysay ee dhalmada kadib. 
  • Waxaad leedahay xinjiro badan ama fudad waaweyn oo dhiig ah. 
  • Waxaad saacad gudaheed ku qoyneysaa hal faashad caadi ah. 

Daryeel caafimaad ka raadso förlossningsavdelningen aad ilmaha ku dhashay. 

Daryeel caafimaad ka raadso qeybta gargaarka degdega ah haddii aanay iyagu ku qaabili karin.  

Soo wac oo talobixin ka hel lambarka telefoonka ee 1177 

Wac lambarka telefoonka ee 1177 haddii aad rabto in lagaa caawiyo sidaad yeeli lahayd.  
Cidda ka jawaabeysaa waa kalkaalisooyin.  
Waxay ku hadlaan af Iswidhish iyo Ingiriisi. Mararka qaar ayay suurtogal tahay in caawimo lagu helo luqado kale. 
 
Wac 0046 771-11 77 00 haddii aad telefoon lambar wadanka dibadiisa ah ka soo hadlayso. 

Muxuu dhiiggu kaaga imanayaa?

Markaad uurka qaaddo ayaa waxa sameysmaaya madheer ku dheggan ilmo-galeenka. Marka uu ilmuhu dhasho ayay madheertu ka soo go'daa ilmo-galeenka iyadoo markaa meeshaasi nabar noqota.  

Dhalmada kadib ayuu ilmo-galeenku isku soo ururayaa oo uu yaraanayaa. Nabarka ayaa isna sidoo kale yaraada oo bogsada. 

Haweenka qaar ayaa daweyn u baahan kara  

Haddii uu dhiig badan kaa socdo waxay ku xidhnaan kartaa inaanu ilmo-galeenku sidii la rabay iskugu soo ururin. Waxa sidoo kale laga yaabaa in qeyb yar oo mandheerta ka mid ahi ku sii hadhsantahay gudaha ilmo-galeenka. 

Markaas ayaad u baahan kartaa in dawo lagu siiyo.

Waxyaalo badan oo af Somali ah ayaa ku jira

Soomaali

Waxaad halkan ka arki kartaa waxyaabaha ku jira bogga 1177.se oo af Soomaali ku dhigan. Gobolka bogga xaggiisa sare ka dooro si aad ugu aragto waxyaabaha ku khuseeya.

1177 in other languages

Here is a list of other languages that the material is available in. The page is available in English.

To the top of the page