Uurka leh

Marxaladaha foosha

Förlossningens olika faser - somaliskaThe content concerns Östergötland

Canuga wuxuu ku jira makaanka iyo waxaa laga dhali uu ka soo bixi afka cambarka. Qeybta hoose oo makaanka waxey u suubsantahay sida luqun oo waxaa lagu magacaaba luqunta makaanka. Luqunta makaanka waxey hoose usoo aadi cambarka. Dhammaadka uurka luqunta makaanka waxey noqon jeleec. Markas adiga waxaa isku arki karta dhacaan badan oo horey kaa imaan jirin. Wuxuu kaa soo bixikara sida wax xaako camal ah. Marmar dhacaankas waxaa lagu magacaaba xinjir xaako. Dhammaan ma dareemaan xinjir xaako.

Läs texten på svenska

Canuga siduu usoo bixikaro waxaa is furi luqunta makaanka. Marku soo bixi rabo waa isku aroori oo gaaban luqunta makaanka iyo fidsami. Markey luqunta makaanka wada furmato daloolka canuga ka soo bixi siduu cambarka ugu soo gudbo daloolkas wuxuu ahaan 10 sentimitir.

Marxalada qarsoon - Latentfasen

Qeybta koowad oo foosha waxaa lagu magacaaba marxalada qarsoon[latensfasen]. Inta lagu jiro marxalada qarsoon jirka wuxuu isku diyaarin qeybta foosha oo dhaqdhaqaaqeeda badan yahay oo waa marka canuga soo bixi. Marxalada qarsoon waxey socon karta ama qaadankarta ilaa 20 saac. Marmar wakhti intas ka badan.

Caadiyan foosha waxey ku bilaaban inaa xanuun dareentid. Xanuunka waxaa sabab u ah makaanka oo isa soo aroorin. Inta aad ku jirtid marxalada qarsoon makaanka baa u diyaargaroobi dhalida canuga. Waxaa jeleec laga dhigi luqunta makaanka, luqunta soo gaaban iyo bilaabi iney kala furmato.

Bilaawga xanuunka waxaa loo dareemi sida xanuunka caadada camal. Bilaawga ma’ahan joogto. Marmar wakhti dheer baa u kala dhaxeeyo.

Foosha waxey xita ku bilaabankarta in dhiig isku aragtid. Waxaa loo yaqaan dhiiga sawirka oo wuxuu tilmaam ka bixin foosha iney bilaabatay laakiin marmarna ma ubaahna in taas sabab u ahaato.

Ku da’daal inaa tartiibsatid

Inta aad ku jirtid marxalada qarsoon qofka badana gurigiisa buu jooga iyo ku nasta. Aad bey u fiicantahay inaa nasatid iyo awood sii keedsatid. Adiga waxaa cunikarta daawada xanuun jebiye oo ku jirto paracetamol haddii aad u baahato. Kuleel iyo jir duugis xanuunka weey kaa caawin.

Marxaladan waxey ahaankarta mid dhib miiran maadaama adiga aad dareemeysid xanuun wakhtigaas inta ugu badan.

La soo xiriir qeybta foosha

Inta aad ku jirtid marxalada qarsoon baa soo wici qeybta foosha. Ayaga markas waxey isku sii diyaarin inaa adiga u tagidoontid. Adiga waxaa ka heli ayaga fikrado iyo talooyin haddii aad u baahantahay.

Waxaa suurtagal ah in adiga u baahantahay inaa tagtid qeybta foosha haddii marxalada qarsoon aad ku jirtid 24 saac ka badan. Meeshas baa adiga oo canug dhali ka heli daawo oo xanuun jebin ahaan. Daawada xanuun jebiyaha adiga weey ku caawin sidaa u nasan kartid oo adiga usii daalin ayadoo la gaarin marxaladaha dambe.

Marmar waxaa loo baahan in foosha si farsamo loo bilaabo. Ummulisada baa daloolin xuubka canuga ku jiro oo markas biyaha baa soo bixi. Ama adiga lagu siin daawada keento foosha.

Marmar foosha waxey ku bilaaban biyaha oo kaa imaado ama xanuun aad u culus

Marmar ma dareemeysid marxalada qarsoon. Xanuunka foosha baa toos ku qaban iyo adiga marka aad imaatid qeybta foosha waxaad imaan luqunta makaanka oo dhowr sentimitir is furtay.

Foosha qaarkood waxey ku bilaaban xuubka dilaaco oo biyo ka soo baxan cambarka.

Marxalada bilaawga - Öppningsskedet

Marxalada qarsoon waxaa ku xigo marxalada bilaawga. Marxaladas waxaa is wada furi luqunta makaanka siduu canuga uga soo bixikaro cambarka. Marxalada bilaawga xanuunka xoog baa u dareemi. Xanuunka wuxuu ku hayn wakhti dheer iyo si joogto buu kuugu soo laablaaban. Markas waxaa wanaagsan inaa imaatid qeybta foosha. Halkas baa adiga ka heli caawinaad xanuunka. Marmar waxaa adkaankaro inaa oggaankarin xilliga aad soo aadeysid qeybta foosha. Adiga markasto waa soo wicikarta qeybta foosha sidaa ula tashatid.

Foosha canuga koowad waxey qaadankarta wakhti dheer

Foosha canuga koowad aad cambarka ka dhaleysid luqunta makaanka wuxuu is furi nus sentimitir saacadiiba. Laakin weey noqonkarta fool dhaqso ku dhammaato ama fool tartiibsato. Luqunta makaanka waxey si dhaqso badan isku furi haddii canug horey usoo dhashay, qiyaastii hal sentimitir saacadiiba.

Markii la soo gaaro dhammaadka marxalada bilaawga canuga madaxiisa wuxuu soo mari meel kamid ah lafta misigta oo la dhaho spinae. Meeshas aad bey ciriiri u tahay marka madaxa canuga ka soo gudbi. Markas adiga waxaa dareemi in la soo riixooyo lafta misigta. Adiga waa labolaboon. Dadka qaarkood weey matagaan.

Meesha la dhaho spinae markuu canuga soo dhaafo canuga wuxuu usoo gudbi qeybta hoose oo lafta misigta. Taasna xanuun badan bey u baahantahay, inta loo gudbin marxalada kale oo foosha.

Marxalada soo bixida – ducanaya - Utdrivningsskedet – att krysta

Qeybta ugu dambeyso oo foosha waxaa lagu magacaaba marxalada soo bixida. Foosha marka ey xaaladan soo gaarto canuga meesha ugu hooseyso oo lafta misigta buu ku jira oo adiga waxaa u baahantahay inaa soo riixdid canuga siduu uga soo baxo afka cambarka. Adiga waxaa dareemi inaa soo riixdid iyo ducaneysatid. Markuu xanuunka ku qabto adiga waxaa dareemi sidii inuu xaar ku haayo camal.

Dadka qaarkood waxey dareemi iney soo riixitaanka suubiyan canugii oo wali usoo degan hoos oo joogin meeshii la doonaayay. Markas camal ummulisada weey kuu sheegi. Adiga markas waxaa isku dayee inaa neefsatid markuu xanuunka soo riixitaanka ku qabto, oo adiga ma soo riixeysid. Ummulisada baa ku caawin.

Marka aad dhaleysid canuga koowad oo ka soo bixi cambarka dadka inta ugu badan waxey ducanayaan ama soo riixi ilaa hal saac inta uusan canuga bannaanka usoo bixin. Waa ey dhacdaa in wakhti intas ka dheer ey qaadato. Haddii horey canug usoo dhashay adiga ma u baahnid inaa soo riixdid in ka badan 30 minid.

Marka aad soo riixeysid adiga waxaa dareemi inaa dooneysid inaa canuga iskaga soo saartid sida ugu dhaqsaha badan. Laakin waxaa fiican in wakhti la siiyo. Markas afka cambarka wuxuu heli fursad uu si fiican ugu jilicoobo iyo waxaa yaran halista in xubinta dhalmada ku dilaacdo.

Marxalada soo gabogabeynta – canuga marka uu dhasho - Efterbördsskedet - när barnet är fött

Caadiyan waxaa ah in canuga bilaabo inuu qayliyo iyo neefsado markuu bannaanka imaado. Canuga wuxuu lahaan midab qaas dhowr minid oo koowad iyo madaxa wuxuu u egyahay in la isku riixay. Wax lala yaabo ma’ahan.

Adiga oo canuga dhalay baa isla markas loo dhiibi canuga, haddii canuga u egyahay inuu caafimaad qabo. Ummulisada baa qiimeyn caafimaadka canuga, oo ma ahan wax adiga u baahantahay inaa ku fikirtid. Ummulisada baa qallajin canuga iyo u xiri koofid. Weey fiicantahay haddii canuga ku jiifo jirkaada oo labadiina maqaar istaaban, oo bustaha hoostiina ku wadan jirtiin.

Carruurta qaarkood waxey u baahanyahiin in la caawiyo sidey tamarta ugu soo noqoto ama laga caawiyo neefsashada foosha kadib. Markas shaqaalaha canuga waxey geyn miis qaas ah, oo meeshas waxaa ku caawin ummuliso ama dhakhtarka carruurta.

Makaanka wuu isku soo aroori

Markuu canuga caloosa bannanka uga soo baxo waxaa makaanka ka soo fuqi xubinta canuga ku dhex jiray. Markas bey meeshii uu xubintaas ku degneed bilaabi iney dhiigto. Isla markas waxaa isku soo aroori makaanka. Makaanka marka uu isku soo arooro waxaa yaran nabarka iyo dhiiga wuu yaran.

Xubintas xita waa iney soo baxdo. Waa ey fududahay soo bixida xubintas, waa jileec iyo waa wax buusbuusmi. Ummulisada baa riix riixi iyo baari caloosa sidey u hubiso in xubintas ka soo fuqday makaanka iyo makaanka sidii la doonaayay uu isku aroorin.

Aad bey muhiim u tahay in makaanka sida ugu dhaqsaha badan isku aroorsho. Inta ugu badan ummulisada dadka waxey ku duri cirbad ey ku jirto daawada la dhaho oxytocin. Oxytocin waa hoormoon waa caawin makaanka inuu isku soo arooro iyo markas waxaa yaran dhiiga.

Ummulisada waxey baari xubinta makaanka ka soo fuqday

Markey xubinta makaanka ka soo fuqday ey bannaanka usoo baxdo ummulisada baa baari inuu dhammeystiranyahay iyo yahay sidii loogu talagalay. Ummulisada waxey xitaa fiirin xudunta iyo xisaabin xididada dhiiga. Markas kadib ummulisada waxey baari cambarka, afka cambarka inta u dhaxeyso cambarka iyo meesha laga xaaro sidey u hubiso ineysan wax dilaac jirin foosha kadib. Inta ugu badan adiga waa lagu suuxin inta la suubin baaritaankas.

Waa caadi in adiga kaa soo baxo dhiig gaari ilaa hal litir foosha. Waxey kula ahaan karta wax badan, laakin jirka diyaar buu u yahay. Inta aad uurka laheed baa dhiig dheeri abuurmay.

Maalmaha koowad foosha kadib - De första dygnen efter förlossningen

Sida ugu dhaqsaha badan canuga markuu calooshaada ka soo baxo jirka wuxuu la qabsan inuu uur laheen. Hoormoonada qofka waxey saameyn jir iyo maskax ahaan. Foosha kadib dadka inta ugu badan waxey dareemi inuu jirka oo dhan daalanyahay. Adiga waxaa dareemi sidii inaa xoog u tababaratay, waa dhanqan iyo xubinta dhalmada weey ku barari iyo naasaha ku adkaan.

Xanuunka ugu dambeynta

Makaanka wuxuu sii wadi isa soo aroorinta. Taas waxaa lagu magacaaba xanuunka ugu dambeynta. Waa xanuun muhiim ah siduu makaanka sifiican iskugu soo aroorikaro. Xanuunka ugu dambeynta waxaa xoog loo dareemi bilaawga iyo qaas ahaan naas-nuujinta. Xanuunka ugu dambeynta waxaa u dareemi sida xanuunka caadada haddii dhalintaankii koowad uu yahay. Haddii aad dhowr canug horey usoo dhashay xanuunka ugu dambeynta caadiyan xoog baa u dareemi.

Dilan

Dilan[avslag] waa dhiig sidii dhacaan camal ah oo ka imaan meesha nabarka oo makaanka. Dhiigas dilan adiga wuxuu kaa socon kara ilaa siddeed isbuuc foosha kadib.

Dareenka

Hoormoonada oo isbadali baa sabab u ah in adiga dareenka kugu badan maalmaha koowad. Adiga waxaa dareemikarta niyad jab iyo farxad la’aan. Waa laga fiicnaada dhowr maalmood kadib. Dadka qaarkood waxaa ku dhacdo murugo xilliga foosha.

To the top of the page